Dowladda Soomaliya ayaa sheegay ay ku dileen in ka badan 100 ka tirsan Al-Shabaab hawlgallo ka dhacey Maamulka Hirshabeelle.
Iyagoo ka aargoosanaya qaraxyadii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho, oo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof, ayaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo maleeshiyo beeleedyo deegaanka ah waxay sheegeen in ay dileen ku dhawaad 100 ka tirsan xagjiriinta.
Over 100 #Alshabab terrorists were killed in the latest operations in #Somalia’s #Hirshabelle State, an statement by #Somali Government said. pic.twitter.com/5Vm5kAmZt8
— SNTV News (@sntvnews1) November 4, 2022
C/llaahi Cali Caanood oo ah Afhayeenka WasaaraddaGaashaandhigga Soomaaliya oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho
ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacay inta u dhaxeysa Tuulooyinka Garas Magan
iyo Ceel Hareeri ee Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya oo qiyaastii 320-KM
dhanka Waqooyi kaga beegan Magaalada Muqdisho. Caanood ayaa sheegay in
ciidamada dowladda ay ku garaaceen kooxaha argagixisada goob ay isku
uruursanayeen oo ay isku diyaarinayeen weerar ka dhan ah fariisimaha ciidamada.
Mid ka mid ah Jeneraallada u qaabilsanaa duullaanka
ka dhanka ah Al-Shabaab Gaashaanle Axmed C/llaahi Beeryare oo ah taliyaha guuto
ka tirsan ciidanka XDS qeybta Danab ee Mareykanka uu tababaray ayaa sheegay in
tirada Al-Shabaab ee ku dhimatay ay ka badan karto 200.
Tirada guud ee dadka lagu dilay dalka oo dhan ayaa
wali la uruurinayaa, sida uu sheegay Beeryare. “Waxay ahayd tallaabo ka hortag
ah iyo sidoo kale aargudasho labadii qarax ee argagixisanimo ee dhawaan ka
dhacay Muqdisho oo ay ku dhinteen muwaadiniinteena aan waxba galabsan, ilaa aan
ka soo afjarno, ma joogsan doono”.
Meydadka dhowr ah iyo hub laga furtey khawaarijta ayaa la soo bandhigay, saraakiil
ka tirsan dowladda oo sheegtay inay iska lahaayeen Al-Shabaab. Eedeymaha
dowladda iyo tirada saxda ah ee dagaalyahannada la dilay si madax-banaan uma
aysan xaqiijin wararka gobolka.
Beeryare waxa uu sheegay in duqeynta loo adeegsaday
diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaan, balse ma uusan cadeyn
in diyaarado shisheeye ay ku lug lahaayeen. Weerarada noocaan oo kale ah ee ka
dhanka ah kooxaha nabad diidka ah ee Soomaaliya ayaa inta badan waxaa fuliya
taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika, kadib codsi ka yimid dowladda
Federaalka Soomaaliya.
Dhacdadii ugu dambeysay waxay dhacday 23-kii
October, markaasoo Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay weerar gaadmo
ah ku qaadeen kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday meel ku dhow Buulabarde, oo
qiyaastii 220 KM dhanka Waqooyi Galbeed kaga beegan Muqdisho.
Comments
Post a Comment