Skip to main content

Posts

Showing posts from November, 2021

Follow

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shir-gudoomiyay Golaha Wadatashiga Qaran hab fogaan aragga ah.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay kulan ay habka fogaan aragga ku yeesheen GolahaWadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray daahfurnaanta doorashada iyo dardargelintooda. Ra’iisul Wasaare Rooble oo Golaha Wadatashiga Qaranka kala hadlay dardargelinta iyo daah-furnaanta doorashada https://t.co/EWFfT0XCP9 — SomaliPM (@SomaliPM) November 29, 2021 Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Golaha Wadatashiga ku boorriyay sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashadu noqoto mid daahfuran oo lagu qanci karo, isagoo madasha u gudbiyay walaaca iyo cabashooyinka la xiriira doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dowlad-goboleedyada bilaabay doorashada Golaha Shacabka, isagoo ka codsaday kuwa harsan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan. Madaxweyneyaasha  Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle ayaa  caddeeyay in ay maalmaha soo aaddan bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS.

Kulan ay isugu yimaadeen Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo Xubnaha Midowga Musharaxiinta.

Kulan ay maanta isugu yimaadeen Ra’iisul Wasaaraha  XFS iyo Xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa wax ay uga wada hadleen arimaha doorashooyinka dalka . Qodobbadii ka soo baxay shirkii ay maanta yeesheen Ra'iisul Wasaaraha XFS Mudane @MohamedHRoble iyo Golaha Midowga Musharraxiinta ee ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka dalka. pic.twitter.com/sBZCszNQD2 — SomaliPM (@SomaliPM) November 28, 2021 Midowga Musharaxiinta ayaa walaac weyn ka muujiyay daahfurnaan la’aanta ka jirta doorashooyinka dalka ka soconaya iyo sida aaney raali uga noqon karin habka ay  iminka wax u socdaan.  Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxda Musharaxiinta uga warbixiyay dadaalkiisa joogtada ah ee la xariira xaqiijinta hufnaanta doorashada waxa uuna la wadaagay inuu faray  Guddiyada doorashada in  ay waajiboodkooda u gutaan si waafaqsan habraacyadii lagu hishiiyay ee doorashooyinka.  Ra’iisul Wasaaraha isaga oo tixgalinaya tabashooyinka la xiriira daahfurnaanta doorashooyinka  ee ay muujiyeen Midowga Mushara

Madaxweynaha jamhuuriyadda oo magacaabay agaasimaha guud ee madaxtooyada qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Prof. Maxamed Cabdullaahi Ciise (Maxamed Dheere) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka. Prof. Maxamed Dheere ayaa xilligan muhiimka ah kusoo biirinaya maamulka Xafiiska Madaxweynaha khibrad shaqo oo kor u dhaafaysa 28 sanadood, wuxuuna si gaar ah uga soo shaqeeyay arrimaha siyaasadda, maamulka iyo horumarinta bulshada. The New Chief of Staff @TheVillaSomalia Hon. Mohamed Abdilahi was born in Burao in 1967, where he also completed his early studies in 1980s. He possesses almost 30 years of managerial experience, political leadership, public service and personnel management. pic.twitter.com/HzSQN5q3QW — SNTV News (@sntvnews1) November 27, 2021 Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Agaasimaha cusub inuu si hufan u guto hawlaha muhiimka ah ee haatan horyaalla, wuxuuna Alle uga baryay inuu u fududeeyo masuuliyaddan culus ee loo igmaday.

Madaxweyne farmaajo oo ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo dadka ay waxyeelladu ka soo gaartey abaaraha ka jira dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed u diray farriin ku aaddan abaaraha ba’an ee ku dhuftay dalka ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah lala gaaro walaalaha Soomaaliyeed ee waxyeelladu ka soo gaartay abaaraha.  Wakhtigan adag, waxaa looga baahan yahay Shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan sidii ay isaga gacan siin lahaayeen duruufaha nololeed ee adag, iyadoo aynu maal iyo muruqba isugu geynayno gurmadka Walaalaha dhibaateysan ee gaajada iyo biyo la’aanta ah. Madaxweyne @M_Farmaajo pic.twitter.com/2v4saI6pSQ — Villa Somalia (@TheVillaSomalia) November 26, 2021 Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qaybo badan oo dalka ka mid ah ay  ku habsadeen Abaaro ba’an oo galaaftay naf iyo maal ba, sababayna xaalad bini-aadannimo oo degdeg ah, isaga oo faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in ay si mug leh ugu istaagaan ka jawaabidda xaaladdaas adag ee ay ku sugan yihiin gobollo badan oo ka tirsan dalka. “Wakhtigan adag, waxaa la

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku bogaadiyay Guddiyada Doorashada dadaalka ay ugu jiraan dardar gelinta doorashooyinka Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo sidoo kale Guddiyada Doorashooyinka Somaliland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo si rasmi ah u bilaabey  doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.  Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Guddiyada Doorashooyinka Puntland , Jubbaland , iyo Hirshabeelle inay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashada Baarlamaanka si ay ugu dhamaato waqtiga loo qorsheeyay 2021-ka. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu faray guddiyada doorashada inay ilaashadaan madax-bannaanidooda, ayna raacaan nidaamka iyo habraacyada ku xusan heshiisyadii September 17 iyo Oktoobar 1, 2020 iyo May 27 iyo August 24, 2021. Si doorashadu ugu dhacdo si nabad ah, marxaladda kala guurka ahna si habsami leh loogu gudbo, waxaa loo baahan yahay hufnaan doorasho. Shacabka Soomaaliyeed waxa ay filayaan hufnaan doorasho oo saldhig u ah xasiloonida dalka, sidaas darteed Ra’iisul Wasaa

Deegaano ka tirsan Puntland ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhuftaan duufaano.

Duufaano ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhuftaan deegaano ka tirsan Puntland sida Caluula, Xaafuun, iyo Isku-Shuban, sida lagu sheegay Qoraalkooban oo kasoo baxay Xarunta Qaran ee ka digista halis wadareedka Duufaantan ayaa la saadaalinayaa in 24-ka saac ee soo socda ay ku soo wajahan tahay cirifka waqooyi-bari Soomaaliya , iyadoo laga yaabo inay ka dhacdo xeebaha gobolka Bari, iyadoo dabeylo ay ku socon doonto 35 km/saacaddii. A storm with a speed of 35 km/hour is feared to hit the northeaster tip of #Somalia in the next 24 hours, possibly on the shores of Bari region, #Puntland . People in the coastal area are warned to be vigilant in the next 24 hours- The Ministry of Humanitarian Affairs. pic.twitter.com/22us1rZqZx — Mohamed Salh (@MohamedSelh) November 23, 2021 Dadka ku nool agagaarka badda ayaa lagu wargeliyay inay taxaddaraan 24-ka saac ee soo socda. Duufaano ay ka mid yihiin Pawan 2019 iyo Gati 2020 ayaa dhibaato badan ku haya Puntland sanadihii u dambeeyay, waxaana ay

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatey Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa la kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dhinac. Mudane Balal Maxamed Cusmaan Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa kula kulmay magaalada Muqdisho Mudane Fei Shengchao Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay ka wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyo siyaabaha lagu xoojin karo, laguna horumarin karo. FGS State Minister for Foreign Affairs, H.E @BalalCusman , received, on Monday, in Mogadishu, the Chinese Ambassador to Somalia, H.E Fei Shengchao, and discussed with him the strengthening of bilateral relations and expanding areas of cooperation. #Somalia #China pic.twitter.com/RRi1zY4jo3 — Khaatumo Media Office (@KHMediaOffice) November 22, 2021 Waxa ay ka wadahadleen horumarinta iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo sidoo kale is-bedellada ugu dambeeyay ee

Madaxweyne Farmaajo oo bareyaasha soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta macallimiinta soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bareyaasha iyo bahda waxbarashada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka Nofeembar. Madaxweynaha JFS Mudane @M_Farmaajo ayaa bareyaasha iyo bahda waxbarashada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka Nofeembar, isaga oo ku bogaadiyey dadaalka joogtada ah ee ay ku bixiyaan horumarinta waxbarashada. pic.twitter.com/IMOwCsEIsN — Villa Somalia (@TheVillaSomalia) November 21, 2021 Madaxweynaha ayaa xusay in Macallimiinta Soomaaliyeed ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed, una soosaaraan jiilal ku gaashaaman waxbarasho tayo leh taas oo aasaas u ah horumarinta dalkeena iyo samatabixinta dowladdnimada Soomaaliyeed. “Waxaan munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed awgeed  hambalyo u dirayaa dhammaan bareyaasha So

Allaha u naxariisto Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika ayaa u geeriyooday qarax argagixisadu la beegsadeen.

Allaha u naxariisto waxaa caawa Muqdisho ku geeriyooday Agaasimihii Radio Muqdisho Marxuum Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika, halka ay ku dhaawacmeen Agaasime Sharma’arke Maxamed Warsame oo.ah Agaasimaha Telefishinka Qaranka iyo Cabdiqaadir oo wade u ahaa Agaasimaha , kadib markii uu isku qarxiyay ruux naftii halige ah. Dhaawacyada ayaa iminka lagu dabiibayaa mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho. Qaraxa sida ay Cadeeyeen Kooxaha Farsamayaqaanada Booliska waa Qof naftii hallige ah oo dhinaca ku dhagay gaariga ay saarnaayeen agaasimiyaasha Radio Mogadishu iyo SNTV oo kasoo baxay Maqaayad ay ka casheyeen oo ku taalla dhanka Boondhere wadada Busleey. Dhagar Qabaha ayaa waxa uu halmar kusoo booday Daaqada Gaariga kadibna isqarxiyay. Sida ay qoraayaan Dadka ma ahan oo qarax Gaariga kuma xirneyn. Waxaana yaala qeyb ka mid ah Jirka Naftii haligaha isqarxiyay. “Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, bahweynta saxaafadda iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed . Cabdicasiis waxa uu a

Ra'iisul Wasaare Rooble oo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS ugu hambalyeeyay shaacinta kuraasta ugu horeysay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay Guddiga Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed, Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, iyo Madaxweynaha Maamulka KG ee Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed ( Lafta-gareen ) oo ku dhawaaqay 11-kii kursi ee ugu horeeyay ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed dhowaan la qaban doono. Ra’iisul Wasaare Rooble oo madaxweyne Laftagareen ku bogaadiyay shaacinta doorashada kuraastii ugu horreeysay ee Golaha Shacabka https://t.co/fW5WuopOoA — SomaliPM (@SomaliPM) November 19, 2021 Sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Maxamed, waxaa doorashada Baarlamaanka lagu soo gabagabeyn doonaa bil gudaheed 20-ka November ilaa 20-ka December, sida ay isku waafaqeen Golaha Wadatashiga Qaran ee shirkii ugu dambeeyay ay yeeysheen 11-ka November. Si looga fogaado dib u dhac oo hor leh, isagoo intaa ku daray in doorashadu ay u dhacdo si joogta ah oo aan kala joogsi lahayn. Sidii dhacday doorashadii AqalkaSare ee mudada dheer socotay (ahaanin). PM @MohamedHRoble ,

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka codsaday Dowlad goboleedyada in ay dhaqso u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa casho sharaf ugu sameeyay magaalada Dhuusamareeb Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. PM @MohamedHRoble , lauded the leader of Galmudug, @MrQoorqoor for announcing to kick off the election of the House of People within coming three days starting from Thursday, November 18. The PM urged other regional leaders to commence the election immediately. #Somalia pic.twitter.com/c7cuwoi1jl — SNTV News (@sntvnews1) November 18, 2021 Raisul wasaare Rooble ayaa yiri "Waan ka mahadcelinayaa sida diirran ee naloogu maamuusay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb. Howlihii aan u imid Galmudug ee arrinta doorashadu ugu muhiimsaneyd waxay ku dhammaadeen guul. Waan ku ammaanayaa madaxweyne Qoor Qoor in uu xilli dhow u qabtay bilaabista doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka, Dowlad goboleedyada kalena waxaan ka codsanayaa in ay dhaqso u bilaabaan.  Dowl

Raisul wasaare XFS Rooble ayaa kormeeray xarunta guddiga doorashada Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray xarunta guddiga doorashada Galmudug iyo xarunta amniga doorashada, isagoo sidoo kale warbixino ka dhageystay guddiyada doorashooyinka iyo amniga Galmudug, si uu u kormeero diyaar garowga doorashada. PM @MohamedHRoble , accompanied by the President of Somalia’s Galmudug State held talks in Dhusamareb with Federal and State elections Implementation teams. The talks focused on the commencement of House of People elections and arrangements. pic.twitter.com/zVUX5OL56l — SNTV News (@sntvnews1) November 16, 2021 Sidokale, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa la kulmay Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Guddiga Xallinta Khilaafaadka , Guddiga Ilaalinta Qoondada Haweenka.  Prime Minister @MohamedHRoble has on Tuesday visited the offices of State Elections Implementation Team of #Galmudug and the Electoral secu

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.  Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, masuuliyiin, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa.   Ra’iisul Wasaaraha ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmi doona madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, isagoo kala hadli doona arrimaha doorashooyinka , nabadeynta, horumarinta adeegyada bulshada. Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaaray Dhuusamareeb https://t.co/r5oghSbC04 — SomaliPM (@SomaliPM) November 15, 2021

Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay Madaxa Bangiga Adduunka ee Geeska Afrika .

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Bangiga Adduunka ee Geeska Afrika Keith Hansen iyo wafdi uu hoggaaminayo.  Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdiga ayaa ka wada hadley dardar-galinta mashaaricda qorshayaasha horumarineed ee Bankiga Adduunka uu ka wado Soomaaliya iyo waqtiyada ay ku shaqeeyaan.  PM @MohamedHRoble has on Sunday received World Bank Horn of Africa Director, Keith Hansen and discussed Bank’s ongoing development projects in #Somalia . The PM thanked to World Bank for the constant support to government and cooperation with the financial institutions. pic.twitter.com/vGPyivqs4w — SNTV News (@sntvnews1) November 14, 2021 Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu mahad-celiyay Bankiga Adduunka kaalmada ay ka geystaan ​​hay’adaha dowladda iyo horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u hambalyeeyay 54-ta Senatar ee dhawaan la doortay.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey Mudane Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya dadaalka uu ugu jiro dardargelinta doorashooyinka. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Madaxda Dowlad Goboleedyada sida ay u guteen waajibaadkooda Qaran soo gudbinta musharaxiinta sannetarada Aqalka Sare, sidoo kale Guddoomiyaha iyo Xildhibaanada Baarlamaanka ee heer DowladGoboleed sida ay u guteen waajibaadkooda ku aadan doorashada Senatarrada ee Aqalka Sare. H.E @M_Farmaajo congratulates all 54 elected Senators and commends PM @MohamedHRoble , the Federal and State level Electoral Commissions, the Dispute Resolution Committee, polls Security Committee and the Somali Army for the successful completion of the Upper House Elections. pic.twitter.com/mO3LwQ1Wh2 — Villa Somalia (@TheVillaSomalia) November 13, 2021 Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa u mahad-celiyay Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku booqday Madaxweynihii hore ee Dalka Shariif Sh. Axmed hoygiisa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa hoygiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyay halka ay marayaan howlaha doorashada ee uu hogaanka u hayo.  Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa isku raacay in si deg deg ah loo bilaabo doorashada xubnaha Baarlamaanka , lana soo gaba gabeeyo dhamaadka sanadkan.  Ra’iisul Wasaare Rooble oo garwaaqsan in ay lagama maarmaan tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo dhameystiro howlaha doorashada ayaa xalay shir wadatashi ah la qaatay madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwa gobolka Banaadir, isagoo ku booriyay in dhamaadka bisha Disembar ay soo gaba gabeeyaan doorashada guddoonka baarlamaanka. Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoygiisa ku hooqday madaxweynihii hore ee dalka mudane Shariif Sheikh Axmed oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha dooras

Wasiirka Ganacsiga oo furay shir kor loogu qaadayo wada shaqaynta Wasaaradaha Ganacsiga heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Mudane Khaliif Cabdi Cumar Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa furay Shirka Xoojinta iyo Iskaashiga Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada Soomaaliya. Shirka ayaa lagu falan-qeeyeeay mashaariicda iyo shaqooyinka socda ee lagu horumarinayo ganacsiga Soomaaliya iyo sidoo kale dedaalada Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha heer Federaal ee ay suuqyo ganacsi oo caalami ah ugu raadinayso wax-soo-saarka dalka, shuruucda, siyaasadaha iyo ku biiritaanka urur ganacsiyeedyada gobalka iyo kuwa caalamka.   Wasiirada Ganacsiga ee Maamul Goboleedyada ayaa dhankooda bogaadiyay kulanka oo ay ku tilmaameen mid muhiim ah, iyagoo balan qaaday in la xoojin doono wada shaqeynta si ganacsiga dalka uu u kobco. Wasiirka WG&W XFS Md. @Hon_Khalif , ayaa maanta furay shir socon doona muddo laba cisho ah oo ay ku kulmeen Wasaaradaha Ganacsiga & Warshadaha heer Federaal iyo heer dawlad goballeed ee Soomaaliya, kaas oo lo

Madaxweynaha ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Finland u soo magacawday Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo kaga guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Finland u soo magacawday Soomaaliya Mudane Pirka Tapiola, kaddib munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Qaranka.  Mudane Tapiola, Safiirka Finland ayaa u gudbiyay salaan uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Finland Mudane Sauli Niinisto, wuxuuna uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen. Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Tapiola ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Finland, kaasoo ku dhisan iskaashi iyo wada-qabsi.  Danjire Tapiola ayaa ku ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya horumarka ballaaran ee ay ku tallaabsatay, wuxuuna Madaxweynaha uga warbixiyay dadaallada uu ugu jiro sii xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Safiirka cusub uga warbixiyay shacabk

Khudbadii Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka uu ka jeediyay shirka caalamiga loogu hadlaayay isbadalka cimilada.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee isbadalka cimilada ee Qaramada Midoobay oo ka furmaya magaalada Scotland ee dalka Ingiriiska, kaasoo ay ka soo qeyb galeen madax badan oo ka kala socotay dalalka caalamka. Isbeddelka cimiladu waa arrin halis ah. “Waxaa si buuxda nooga go’an meel marinta isbadalka, kaas oo ku saleysan wadatashi bulsho si sare loogu qaado hanaanka horumarinta oo loo dhan yahay”. Ayuu yiri Wasiirka qoraheynta oo isniintan qudbad ka jeediyay shirka isbadalka cimilada ee ka socda Scotland. 1/2 In my address at the @COP26 Ministerial Dialogue on #AdaptationAction , I stressed that Somalis are paying with their lives & livelihoods for a problem not of their making. Adaptation & building resilience can be achieved when the financial pledges made are finally delivered. pic.twitter.com/rjnvw6Vmcb — Gamal M Hassan (@AmbGamal) November 8, 2021 ‘’Waxaan sheegay in Soomaalidu ay naf iy

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay ergeyga Midowga Afrika u diyaargarowga Ciidamada Soomaaliya la wareegidda waajibaadka amni ee dalka.

 Wakiilka Midowga Afrika, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda waxa uu kala hadlay diyaarinta ciidamada Soomaaliya, si ay ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka. Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay danjire Francisco Caetano Madeira, oo ah ergeyga gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan amniga oo ay ka mid yihiin. Doorashooyinka dalka, waajibaadka AMISOM, iyo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya (STP) oo ah habka keliya ee lagu gaari karo xasillooni, amni, iyo dowlad-dhisidda FM Mohamed Abdirizak received on Sunday in #Mogadishu the Special Representative of the Chairperson of the AUC (SRCC) for #Somalia , Amb. Francisco Madeira. They discussed security issues, the ongoing elections, the mandate of #AMISOM & Somalia’s Transitional Plan. pic.twitter.com/IFsIQmYakE — SNTV News (@sntvnews1) November 7, 2021 Kulanka  ayaa diiradda l

Wajiga 2-aad ee barnaamijka Baxnaano, dowladdu waxay ku bixin doontaa kaalmo dhaqaale 160,000 qoys.

Wajigii labaad ee mashruuca qoysaska uu saameeyay   ayaxu ayaa Sabtidii, November 6, 2021 ka bilowday magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed. Wajigii kowaad waxa la siinayay $60 bishiiba muddo lix bilood ah 102,000 qoysas oo ku nool 42 degmo oo ka tirsan Soomaaliya. Wajiga 2-aad ayaa dowladda waxa ay taageero dhaqaale ka heshay Bankiga Adduunka, taasoo u ogolaaneysa in la gaarsiiyo 160,000 qoys oo cusub oo ku kala nool 48 degmo oo ka tirsan Soomaaliya. Furitaanka mashruucan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Puntland , Jubbaland, Hirshabeelle , Galmudug iyo Koonfur Galbeed , waxayna bogaadiyeen taageerada ay dowladdu la garab taagan tahay Dadka nugul iyo kuwa uu saameeyey Ayaxa. Mudane, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif , Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay  inay Dawladda ku guulaysatay in si degdeg ah uga jawaabto saamaynta Ayuxu u gaystay bulshada nugul. “Mashruucan c

Safiirka JFS ee dalka Masar ayaa la kulmay Agaasimaha Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabadeynta ee Qaahira.

Agaasimaha Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabaddeyta magaalada Qaahira ayaa kulan la qaatay Safiirka JFS u fadhiya dalka Masar. Mudane Ilyaas Sheekh Cumar. Safiirka Soomaaliya ee Qaahira, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa Magaalada Qaahira kula kulmay Mudane Danjire Axmed Cabdiladiif, Agaasimaha Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabaddeyta Qaahira, isagoo kala hadlay arrimooyin dhowr ah. Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo kordhin lahaa tababarrada ay Soomaaliya siiso xaruntan oo la xiriira dib u dhiska dalka iyo tayeynta shaqaalaha dawlada, iyadoo la xoojinayo wadashaqeynta labada dhinac iyo labadda shacab. Safiirka ayaa bogaadiyay shaqada ay qabato Xarunta Gobolka iyo Aduunka si kor loogu qaado xaqiijinta Nabadda iyo Hormar waara. wuxuuna ku ammaanay Masar sida wanaagsan ee ay uga qayb qaadanayso dib u dhiska Qaranka Soomaaliya.

Shir wadatashi ah ayaa uga furmay Muqdisho , Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dawlad gobolleedyada Dalka.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee dowlad goboleedyada dalka ayaa shir wadatashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho. Diiradda wada-tashiga ayaa ahaa dhammaystirka diiwaan-gelinta midaysan iyo kaydka xogta barnaamijka Baxnaano, iyadoo hannaankan ay dowladdu maamulayso uu gacan ka geysanayo mideynta xogta kaaliyeyaasha dhammaan mashaariicda socda, fududeynta isku-dubbaridka iyo waxtarka mashaariicda, iyo hubinta in dowladdu si hufan ugu adeegto   muwaadiniinta. Dawladda Federaalka iyo Dawlad-gobolleedyada oo xoojinaya iskaashiga dhammeystirka Diiwaanka mideysan iyo xog-keydiyaha Bulshada https://t.co/YB8o22h9Im — Hiiraan (@hiiraan) November 3, 2021 Mudane. Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, ayaa kulanka ka sheegay in looga baahan yahay in hawshan wakiilka dawladda ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay dhammaystiro diiwaanka bulshada iyo kaydinta xogta.   Was

Hay’adda NISA ayaa lagu eedeeyay inay caqabad ku tahay baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil.

  Tan iyo markii qoyskeeda ay Maxkamadda Ciidamada QalabkaSida u soo bandhigeen liiska dadka ay u arkaan inay ku lug lahaayeen waayitaankii Ikraan Tahliil Faarax 24-kii bishii July, wali wax horumar ah lagama gaarin baaritaanka. 27-kii Maajo, maxkamaddu waxay amartay guddi baaritaan ku sameeya kiiska.   Ikraan Tahliil oo ka tirsanayd Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka ( NISA ) ayaa la waayay 26-kii bishii hore ee June, 2-dii September, NISA waxay sheegtay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay afduubteen oo dileen gabadha, balse Al-Shabaab ayaa soo saartay beenin aan caadi ahayn. Somalia’s intel agency accused of impeding probe into missing officer Ikran Tahlil by blocking interviews w suspects. Investigators they can’t obtain CCTV footage of the day of disappearance. NISA denies impeding, say security camera doesn’t work properly https://t.co/JKX49IvkC3 — Harun Maruf (@HarunMaruf) November 3, 2021 Ikraan Tahliil hooyadeed, Qaali Maxamuud Guhaad, ayaa dhowr jeer s