Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa isku raacay in si deg deg ah loo bilaabo doorashada xubnaha Baarlamaanka, lana soo gaba gabeeyo dhamaadka sanadkan.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo garwaaqsan in ay lagama maarmaan tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo dhameystiro howlaha doorashada ayaa xalay shir wadatashi ah la qaatay madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwa gobolka Banaadir, isagoo ku booriyay in dhamaadka bisha Disembar ay soo gaba gabeeyaan doorashada guddoonka baarlamaanka.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoygiisa ku hooqday madaxweynihii hore ee dalka mudane Shariif Sheikh Axmed oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka dalka pic.twitter.com/JruEQPC1jQ
— Shuaib Abdukhadir Shuaib (@Shuayb1986) November 12, 2021
Comments
Post a Comment