Mareykanka oo Ka Noqday Go'aankiisii Hore ee Taageerada Amniga Soomaaliya Mareykanka ayaa ka laabtay go'aankiisii hore ee ahaa inuu joojiyo taageerada uu siiyo hawlgallada caalamiga ah ee amniga Soomaaliya, isagoo taageeray in muddo hal sano ah loo kordhiyo waajibaadka Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS). Go'aankan ayaa nafis ku-meel-gaar ah siinaya hawlgallo muddooyinkii dambe wajahayay hubanti la'aan dhanka maalgelinta ah. Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka AFP , afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Washington ay hadda taageersan tahay muddo kordhin hal sano ah oo loo sameeyo labada hawlgal. Go'aankan cusub ayaa yimid kaddib bilo walaac laga qabay mustaqbalka taageerada saadka ee ciidamada Midowga Afrika ee ka barbar dagaallama ciidamada amniga Soomaaliya si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab. Mareykanka ayaa hore u muujiyay in...
Muddooyinkii u dambeeyey waxaa dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba si weyn looga dareemayay guux iyo dhaleecayn xooggan oo loo jeedinayo qaabka uu Madaxweynaha Soomaaliya u maamulo arrimaha qaranka. Dadka u dhuun-daloola siyaasadda iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa rumeysan in hannaanka hadda jira uu u muuqdo mid ka fog wada-tashigii iyo dhegeysiga talada dadweynaha ee looga bartay nidaamka dimuqraadiyadda ee curdinka ah. Dhaleecayntan ayaa salka ku haysa walaaca laga qabo in awoodda dawladdu ay ku ururto gacmo kooban, taas oo loo arko inay caqabad ku tahay geeddi-socodka dhismaha hay'adaha qaranka iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalka. Walaaca laga qabo Madax-bannaanida Hay’adaha iyo Maamul-wanaagga Qodobada ugu muhiimsan ee maqaallada lagu qoray Garowe Online iyo falanqeeyeyaasha kale ay diiradda saarayaan waxaa ka mid ah saameynta hoggaanka Madaxweynuhu uu ku leeyahay madax-bannaanida hay'adaha sharciga iyo fulinta. Waxaa jira eedaymo sheegaya in go’aannada masiiriga ah ee ...