Mareykanka oo Ka Noqday Go'aankiisii Hore ee Taageerada Amniga Soomaaliya Mareykanka ayaa ka laabtay go'aankiisii hore ee ahaa inuu joojiyo taageerada uu siiyo hawlgallada caalamiga ah ee amniga Soomaaliya, isagoo taageeray in muddo hal sano ah loo kordhiyo waajibaadka Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS). Go'aankan ayaa nafis ku-meel-gaar ah siinaya hawlgallo muddooyinkii dambe wajahayay hubanti la'aan dhanka maalgelinta ah. Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka AFP , afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Washington ay hadda taageersan tahay muddo kordhin hal sano ah oo loo sameeyo labada hawlgal. Go'aankan cusub ayaa yimid kaddib bilo walaac laga qabay mustaqbalka taageerada saadka ee ciidamada Midowga Afrika ee ka barbar dagaallama ciidamada amniga Soomaaliya si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab. Mareykanka ayaa hore u muujiyay in...
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ugu Hambalyeeyey Shacabka Soomaaliyeed Bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa hambalyo u diray dhammaan Muslimiinta, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan . Madaxweynaha ayaa si gaar ah u bogaadiyey geesiyaasha Ciidanka Qalabka Sida , kuwaas oo sooman xilli ay difaacayaan dalkooda, kuna jiraan dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyagoo naf-hurnimo u muujinaya nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursadda qiimaha leh ee Ramadaanka, kuna dadaalaan samafalka, isu naxariisashada, midnimada, iyo ka shaqeynta horumarka dalka. Waxa uu xusay in Ramadaanku yahay waqti barakeysan oo lagu xoojiyo xiriirka Alle, lana garab istaago kuwa danta yar, si loo xoojiyo isku duubnida iyo wadajirka bulshada. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay in Ramadaanku noqdo bil kheyr, barwaaqo, iyo nabad ku soo kordhisa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo rajo ...