Mareykanka oo Ka Noqday Go'aankiisii Hore ee Taageerada Amniga Soomaaliya Mareykanka ayaa ka laabtay go'aankiisii hore ee ahaa inuu joojiyo taageerada uu siiyo hawlgallada caalamiga ah ee amniga Soomaaliya, isagoo taageeray in muddo hal sano ah loo kordhiyo waajibaadka Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS). Go'aankan ayaa nafis ku-meel-gaar ah siinaya hawlgallo muddooyinkii dambe wajahayay hubanti la'aan dhanka maalgelinta ah. Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka AFP , afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Washington ay hadda taageersan tahay muddo kordhin hal sano ah oo loo sameeyo labada hawlgal. Go'aankan cusub ayaa yimid kaddib bilo walaac laga qabay mustaqbalka taageerada saadka ee ciidamada Midowga Afrika ee ka barbar dagaallama ciidamada amniga Soomaaliya si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab. Mareykanka ayaa hore u muujiyay in...
Hoggaamiyeyaasha Carabta, oo ay ku jirto Imaaraatka Carabta, ayaa si wadajir ah u ansixiyay qorshe balaadhan oo lagu maalgelinayo dib u dhiska Gaza, taas oo wadarta guud ee dhaqaalaha la qoondeeyay ay gaareyso $53 bilyan . Qorshahan ayaa loogu talagalay in lagu soo nooleeyo kaabeyaasha dhaqaalaha, dib loogu dhiso guryihii burburay, iyo in la xoojiyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada Gaza. Tallaabadan muhiimka ah ayaa yimid kadib shir madaxeed ay hoggaamiyeyaasha Carabta ku yeesheen, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay taageerada shacabka reer Falastiin ee ay saameysay colaadda daba dheeraatay. Qorshahan ayaa sidoo kale diiradda saaraya sidii kor loogu qaadi lahaa fursadaha shaqo, horumarinta waxbarashada, iyo hagaajinta nidaamka caafimaadka ee gobolka Gaza. Maalgelintan ballaaran ayaa la filayaa inay wax weyn ka beddesho xaaladda nololeed ee Gaza, taas oo ay horay uga digeen hay’adaha gargaarka bani’aadamnimada in xaaladdeedu ay tahay mid aad u daran. Xulufada Carabta ayaa...