Mareykanka oo Ka Noqday Go'aankiisii Hore ee Taageerada Amniga Soomaaliya Mareykanka ayaa ka laabtay go'aankiisii hore ee ahaa inuu joojiyo taageerada uu siiyo hawlgallada caalamiga ah ee amniga Soomaaliya, isagoo taageeray in muddo hal sano ah loo kordhiyo waajibaadka Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS). Go'aankan ayaa nafis ku-meel-gaar ah siinaya hawlgallo muddooyinkii dambe wajahayay hubanti la'aan dhanka maalgelinta ah. Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka AFP , afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Washington ay hadda taageersan tahay muddo kordhin hal sano ah oo loo sameeyo labada hawlgal. Go'aankan cusub ayaa yimid kaddib bilo walaac laga qabay mustaqbalka taageerada saadka ee ciidamada Midowga Afrika ee ka barbar dagaallama ciidamada amniga Soomaaliya si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab. Mareykanka ayaa hore u muujiyay in...
Xiisadda Suudaan ayaa gashay marxalad cusub kadib markii ciidamada Rapid Support Forces (RSF) iyo xulafadooda ay Axaddii saxiixeen heshiis lagu dhisayo dowlad barbar socota . Talaabadan ayaa imaaneysa xilli ciidamada qaranka Suudaan ay dib u qabsadeen dhul muhiim ah oo ay horay uga haysteen RSF, taasoo sii hurin karta colaadda dalka ka taagan. Saxiix Qarsoodi ah Oo Ka Dhacay Nairobi Xafladda saxiixa heshiiskan ayaa lagu qabtay qarsoodi ahaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib kulan muran dhaliyay oo toddobaadkii hore ka dhacay dhisme ay leedahay dowladda Kenya. Kulankaas ayaa si weyn loogu dhaleeceeyay wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan, taasoo sii fogeyneysa xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal. Heshiiskan cusub wuxuu RSF iyo xulafadooda u suurtagelinayaa inay dhisaan waxa ay ugu yeereen “dowlad nabad iyo midnimo leh.” Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan waxay dhalisay walwal weyn oo ka yimid hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo beesha caalamka, maadaama RSF lagu eedeey...