Mareykanka oo Ka Noqday Go'aankiisii Hore ee Taageerada Amniga Soomaaliya Mareykanka ayaa ka laabtay go'aankiisii hore ee ahaa inuu joojiyo taageerada uu siiyo hawlgallada caalamiga ah ee amniga Soomaaliya, isagoo taageeray in muddo hal sano ah loo kordhiyo waajibaadka Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS). Go'aankan ayaa nafis ku-meel-gaar ah siinaya hawlgallo muddooyinkii dambe wajahayay hubanti la'aan dhanka maalgelinta ah. Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka AFP , afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Washington ay hadda taageersan tahay muddo kordhin hal sano ah oo loo sameeyo labada hawlgal. Go'aankan cusub ayaa yimid kaddib bilo walaac laga qabay mustaqbalka taageerada saadka ee ciidamada Midowga Afrika ee ka barbar dagaallama ciidamada amniga Soomaaliya si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab. Mareykanka ayaa hore u muujiyay in...
Xoojinta Iskaashiga Istiraatiijiyadeed iyo Raadinta Xulafo Adag oo Lagu Sugo Midnimada iyo Amniga Soomaaliya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, isagoo bilaabay booqasho rasmi ah oo muhiim u ah jihada cusub ee siyaasadda dibadda ee Geeska Afrika. Socdaalkan diblomaasiyadeed wuxuu xambaarsan yahay miisaan culus, isagoo ujeedkiisu yahay in lagu xoojiyo xiriirka labada dal xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad xasaasi ah oo dhinaca gobolka ah. Markii uu ka degay madaarka Dooxa, Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diiran u soo dhaweeyay madaxda sarre ee dalka Qatar, taas oo muujinaysa tixgelinta ay labada dhinac isku hayaan. Dhisidda Tiirarka Iskaashiga Labada Dhinac Ujeeddada guud ee socdaalkan ayaa ah in wada-hadallo heer sare ah lala yeesho madaxda Qatar, kuwaas oo diiradda lagu saarayo iskaashiga dhinacyada muhiimka ah. Amniga ayaa ka mid ah qodobada ugu horreeya ee miiska saaran, maadaama dowladda Soomaaliya ay weli ku jirto dagaal ka dhan ah kooxaha nabad-diidka ah, dalka Katarna uu yahay saaxiib door we...