Skip to main content

Posts

Showing posts from September, 2021

Follow

Raisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo u hambalyeey Senaterrada lagu doortay Muqdisho ee gobolka Woqooyi.

Raisul  wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa fariin hambalyo ah u diray lix ka mid ah Senatarada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya gobolada Waqooyi ee Somaliland oo arbacadan lagu doortay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho. “Waxaan hambalyo u dirayaa Senaterrada maanta ku guuleystay doorashada Golaha Aqalka Sare ee BFS ku matalaya gobollada Waqooyi (Somaliland) ee kala ah:- Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Saalax Axmed Jaamac, Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar, Cismaan Abokor Dubbe,  Layla Axmed Ismaaciil, Bilaal idiris Cabdullaahi. Waxaan ammaanayaa ergada iyo guddiyada maamulka doorashada sida xilkasnimada leh ee ay howsha u maamuleen. Waxaan rajeynayaa in doorashadu noogu dhammaato si nabdoon oo hufan” ayuu yiri Raysal wasaare Rooble. Doorashada maanta ka dhacday Teendhada Afisyooni ayaa noqotay mid si weyn uga duwaneed doorashooyinkii horay uga dhacay maamulada qaar, taaso shacabka Soomaaliyeed si aad ah u hadal hayaan gaar ahaan baraha

Liiska murshaxiinta u tartami doonto Aqalka Sare ee gobolka Woqooyi.

 Liiska musharxiinta Bari ku tartamaya lix kursi oo ka mid ah kuraasta aqalka sare ee ka imaanaya gobolada waqooyi. Halkan ka daalaco. 

Musharixiinta Aqalka Sare ee gobolka Woqooyi oo maanta lafilaayo khudbadahooda.

  Ma anta oo Talaado ah ayaa waxaa la filayaa in  Ergooyinka dooranaya Xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ay Hoolka Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ku dhageystaan khudbadaha musharixiinta kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland. Shalay ayaa qorshuhu ahaa in la dhageysto khudbadaha si ay Maanta u qabsoonto doorashada, balse guddiga maamulaya doorashooyinka ay shaaciyeen inay dib u dhigeen. 11 kursi ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ku leeyihiin Aqalka Sare ayaa waxaa ku tartamaya kuwo Afartii Sano ee la soo dhaafay kamid ahaa iyo kuwo ku cusub oo hadda doonaya inay tartamaan. Kursiga koowaad ayaa kaliya waxaa uu u xirnaa in uu u tartamo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi balse Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed uu xalay shaaciyay in la helay Nin la tartamo, kaas oo guddiga doorashooyinka ay diiwangeliyeen, waxaana lagu mahacaabaa Saciid Cumar Xuseen. Musharixiinta Maanta khudbadahooda jeedinaya oo isugu jira rag iyo Dumar ayaa waxa

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha XFS.

  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka. Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay howlaha u qabsoomay ilaa hadda iyo sida ay uga go’an tahay in howsha ay u xilsaaran yihiin ay u gutaan si waafqasan habraaca guddiga ee xal u helista cabashooyinka soo ifbaxa. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddiga kula dardaarmay in ay waajibaadka ka saaran hannaanka xallinta khilaafaadka ku saabsan doorashooyinka u gutaan si hufan oo caddaalad ah.

Faafahin qaraxi Muqdisho kadhacey shaley.

  Markii baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay gaadiid taagnaa meel dhawr tallaabo u jirta bar -kantarool oo laga ilaaliyo madaxtooyada, gaar ahaan isgoyska Ceelgaab, ugu yaraan siddeed qof ayaa ku dhintay siddeed kalena way ku dhaawacmeen sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah, waxaa jiray burbur xooggan oo soo gaaray baabuur goobta la soo dhigay iyo kuwa marayay, marka laga soo tago dhimashada iyo dhaawaca.  Dadka dhaawacmay ayaa lagu daadgureeyay gaadiidka gurmadka deg dega ah, waxaana dabka damiyay dab damiska. Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxayna sheegeen in bartilmaameedku ahaa saraakiil ka tirsan dowladda federaalka, inkastoo aysan sheegin tirada dhimashada iyo dhaawaca. Wasiirka amniga oo cambaareeyay qaraxa Wasiirka Amniga ee uu dhawaan magacaabay rai’sul wasaare Rooble, balse uu madaxweynaha diiday Cabadulahi Maxamed Nuur ayaa cambaareeyay qaraxii maanta ka dhacay Barta Koontarool ee Madaxtooyada laga ilaaliyo Magaalada Muqdisho. Mr Cabdulahi

Cudurka Covid-19 oo kusii kororaya Muqsisho.

  Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 24-tii saac ee lasoo dhaafay la baaray 3,641, balse la cudurka laga helay 348 Ruux, kuwaas oo laga diiwaangeliyay Muqdisho & Gobolada dalka. Dadka Cudurka laga helay ayaa waxaa ay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya sheegtay inay  kala joogaan, Gobolka Banaadir 15 ruux ,Puntland 70 qof, Somaliland, 239, Galmudug 19 iyo Jubbaland oo laga diiwaangeliyay 5 Ruux. Sidoo kale War kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dadka cudurka laga helay ay kala yihiin  217 Rag ah iyo 131 Dumar ah, halka cudurka ay ugu geeriyoodeen 20 ruux , iyada oo ay ka bogsadeen 95 qofood. Guud ahaan Cudurka safmareenka ah ee COVID-19 ayaa waxaa Soomaaliya laga diiwaangeliyay 19,583 xaaladood 1,099 dhimasho ah, halka ay ka bogsadeen  9,345, kuwaas oo ku sugan Magaalada Muqdisho & Gobolada dalka. Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa guddoomiyay shir madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay Shir ay habka fogaan aragga  caawa ku yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray habsami u socodka howlaha doorashooyinka dalka iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo doorasha xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS, iyadoo la tix raacayo jadwalkii doorashooyinka dalka. Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal oo shirka qeyb ka ahaa, ayaa Golaha Wadatashiga Qaran la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha guddiga ee ku aaddan hab sami u socodka howlaha doorashooyinka.

Liiska musharixiinta Aqalka Sare ee gobolka Woqooyi.

  Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi ( Somaliland) ka guddoomay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed. Liiska halkan ka daalaco. 

Farmaajo oo soo dhaweeyay la wareegida masuuliyadda Hay’adaha FSNAU iyo SWALIM.

  Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay Hay’adda Istatistikada Qaranka Soomaaliyeed dadaalka ay kula soo wareegtay masuuliyadda Hay’adaha (FSNAU) iyo (SWALIM. Waa guul taariikhi ah in maanta Dawladda Federaalka Soomaaliya ay Qaramada Midoobay dib ugala soo wareegto masuuliyadda Hay’adaha Falanqeynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqo-darrada (FSNAU) iyo hay’adda xog ururinta biyaha iyo dhulka Soomaaliya (SWALIM). Heshiiska taariikhiga ah ee ay kala saxiixdeen Hay’adda Istatistikada Qaranka Soomaaliyeed iyo Hay’adda FAO ayaa lagu go’aamiyey in Soomaaliya ay si buuxda ula soo wareegtay maamulka Hay’adaha (FSNAU) iyo (SWALIM). Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu bogaadinayaa dadaalka ay Hay’adda Istatistikada Qaranka Soomaaliyeed kula soo wareegtay masuuliyadda Hay’adaha (FSNAU) iyo (SWALIM) oo muddo dheer kadib maamulkeedu dib ugu soo laabtay gacanta Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Habraaca doorashada Aqalka sare ee gobolka Woqooyi. .

  Guddoomiyaha Aqalka sare cabdi Xaashi cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Maxamed Guuleed Khadar ayaa soo saaray Habraaca doorashada Aqalka sare ee Somaliland Halkan ka daalaco. 

Magaalada Jowhar, ayaa waxaa maanta lagu wadaa in lagu soo gaba gabeeyo Doorashada Aqalka Sare ee Hirshabelle.

Kadib muran ka dhashay doorashada kuraasta loo ballansanaa shalay, ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo gabagabeeyo magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas doorashada aqalka sare ee baarlamaanka Hirshabeelle. Warbaahinta, qaar ka mid ah musharixiinta u taagan kuraasta aqalka sare ee maamulka ayaa lagu arkay iyagoo buuq kasameeynayo hoolka doorashada.   Xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ayaa la anshax marin doonaa, doorashadu way sii socon doontaa, waxaana saddexda kursi ee harsan maanta la dooran doonaa, sida uu sheegay guddoomiyaha golaha sharci dejinta. Doorashada baarlamaanka Soomaaliya waxay ahayd mid gaar ah oo kuraasta qaar ayaa lagu tartamayay, si ka duwan maamuladii hore ee Soomaaliya.   Midkii uu ku yimid Senetar Muuse Suudi Yalaxow wuxuu ahaa kuraas aad loo hadal hayo tartankooga. Doorashada ayaa la filayay in la soo gabagabeeyo Khamiista, laakiin dib ayaa loo dhigay sababo kala duwan awgood, waxaana hadda loo badinayaa in maanta la soo gabagabeeyo.   “Laba xildhibaa

Qodobadi ay soo jeediyeen madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Soomaaliya.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ee Puntland, Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug iyo Hirshabelle ayaa yeeshay kulan dhina isgaarsiinta ah oo looga hadlaayey xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya. Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe),waxa ay war murtiyeedkaan ku sheegeen sida ay uga cun yihiin khilaafka soo noq noqonaya ee hay’adaha Federaalka Soomaaliya,kaas oo ah mid aan u adeegeyn danta Qaranka, horseedina kara xasilooni darro, amni xumo iyo dib u dhac ku yimaada dowladnimada Dalka Soomaaliya ee xiliga kala guurka ah. Sidaa darteed, Madaxweynayaasha waxay soo jeedinayaan qodobada soo socda:- In dhammaan wixii khilaafaad ah lagu xaliyo tubta wada hadalka, lana joojiyo qoraalada sii fogeynaya xal u helista khilaafka. Sidoo kalena, la tixgeliyo ku dhaqanka Dastuurka Kumeel gaarka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo bayaan ka soo saaray qoraalkii baal marsanaa dastuurka dalka ee ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.

  Kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ka arkay Warbaahinta Warqad baalmarsan Shuruucda dalka oo ka soo baxday Xafiiska Madaxwaynaha, wuxuu soo saaray; A- Ku xadgudubka sharciga 1- Warqadda ka soo baxday Madaxwaynaha ee cinwaankeedu ahaa hakinta Awoodaha Wasiirka koowaad iyo dardargalinta Doorashada dalku, waa mid si cad u hareer marsan Dastuurka KMG ah ee Qaranka wuxuuna si cad ugu been abuurtay qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka oo aan meelna looga xusin in uu Madaxwaynuhu faragalinkaro Awoodaha Dastuuriga ah ee Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa. 2- Madaxwaynuhu wuxuu si ku talo gal ah ugu tuntay Qodobka  99-aad ee Dastuurka Xarfihiisa {A} {B} {C} {D} {E} {F}  {G} {H} kuwaas oo dhamaantood qeexaya in Xukuumaddu awood buuxda uleedahahay dajinta siyaasadda Guud ee Xukuumadda iyo dhaqangalinteeda, Ogolaanshaha iyo Fulinta Xeerarka Maamulka, Diyaarinta Miisaaniyad Sanadeedka iyo Xisaabxirkeeda, Dhaqangalinta Shuruucda, Sugidda Nabadgalyada Dalka, Il

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulan la yeeshey wasiirka horumarinta Sweden.

  Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa la kulmay wasiirka horumarinta Sweden, Per Olsson Fridh,  habka fogaan aragga  ah  iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo doorashooyinka dalka ka dhacaya.  Safiirka cusub ee Sweden u fadhiya Soomaaliya oo uu maanta R / wasaaruhu kula kulmay xafiiskiisa ayaa sidoo kale goob joog ka ahaa kulanka.

marin habaabinta Kiiska Ikraan Tahliil oo Ra’iisul Wasaaraha kadigey.

  Ra’iisul Wasaaraha XFS waxa uu ka digayaa isku day kasta oo lagu marin habaabinayo Kiiska Ikraan Tahliil.  Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu wax uu farayaa Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo wax u dhimi karta sumcadda ciidamada, dhaawicina karta kalsooni shacabka Soomaaliyeed .

Ka hadlidda arrinta Ikraan Tahliil ayaa dib u soo cusboonaatay.

  Dowladda waxaa saaran cadaadis sii kordhaya si ay u soo bandhigto xaqiiqooyin ku saabsan kiiska sarkaalada ka tirsanayd Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Soomaaliyeed Ikraan Tahliil Faarax (NISA). Sida lagu dhawaaqay dhawaan, gabadha oo la xaday laba bilood ka hor, ayaa dhowaan la sheegey in ay "al-Shabaab ay dishay." Eedeymaha ayaa waxaa beeniyay Al-Shabaab iyo waalidka Ikraan. Taasina waxay keentay in dood badan la yeesho.   Waalidkeed waxay muujiyeen inaysan ku qanacsanayn qiimeynta dowladda waxayna dalbadeen cadaalad. Ergo ka socota Qaramada Midoobay oo ay hoggaaminayso ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Aamina Jane Maxamed ayaa ku sugan Soomaaliya si ay wadahadallo ula yeeshaan madaxda dowladda. "Sarreynta sharciga iyo helidda caddaaladdu waxay muhiim u yihiin ka -hortagga rabshadaha, waana xuquuqda dhammaan haweenka," ayay tiri Amina Jane Maxamed markii wax laga weydiiyay arrinta Ikraan. Wafdiga Qaramada Midoobey ayaa waxaa amray Ra’isulwa

Kulan ay yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka iyo Ra’iisul Wasaaraha.

  Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay kulan ay yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo looga hadlay dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka iyo bilaabista doorashada Golaha Shacabka ee BFS.i Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, halka ay habka fogaan aragga uga qeyb galeen madaxweyneyaasha Puntland  Saciid Cabdullaahi Deni, Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Yaa ka qeybgalaya dib u heshiisiinta madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha?

  Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa bilowday markii ra’iisul wasaaruhu uu xilkii ka qaaday Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ahaa agaasimihii hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka. Falkan ayaa yimid kadib markii la waayay Ikraan Tahliil Faarax oo horay uga tirsanaan jirtay sirdoonka Soomaaliya.   Hay'addaas ayaa warbixin ay maalmahaas gudahooda soo saartay ku sheegtay in Ikraan ay dileen kooxda Al-shabaab, eedeyntaas oo kooxdaasina ay u beenisay si aan looga baranin.Geesta kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka soo horjeestay go’aankii Rooble uu shaqada kaga joojiyay Fahad Yaasiin, waxa uuna markii dambe u dalacsiiyay la -taliyaha amniga Qaranka.   Rooble ayaa ka aargoostay isaga oo ku eedeeyay Farmaajo in uu “is hortaagay” baaritaanka gabadha la la’yahay. Ra'iisul wasaaraha ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii amniga gudaha saqdii dhexe ee Arbacadii isagoo ku beddelay xildhibaan eedeeyey Farmaajo.   Xiisadda siyaasadeed ayaa cirka isku shareertay kaddib markii isbahaysiga Muca

Yoweri Museveni ayaa sheegay inuu ka daalay khilaafyada siyaasadeed ee joogtada ah ee ka jira Muqdisho.

Kadib dagaallo soo noqnoqday oo dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku hanjabay in uu askartiisa ka saari doono Soomaaliya. Museveni ayaa sheegay inuu ka daalay khilaafyada siyaasadeed ee joogtada ah ee ka jira Muqdisho wareysi uu siiyay France24 oo soo baxay Khamiistii. "Waan ka dheregsanahay is -maandhaafka siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaan ka fiirsan doonaa inaan ciidamadeenna kala baxno Soomaaliya haddii aan la joojin." Uganda ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee gacan siiya Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), kaas oo ka caawiya ciidamada Soomaaliya inay la dagaallamaan al-Shabaab.   Dalku wuxuu soo maray marxalado kala duwan iyo dowlado badan tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe, laakiin soo bixitaankii Maxaakiimta iyo dagaalkii dhex maray iyaga iyo Itoobiya 2007dii wuxuu aqoonsaday ballanqaadkii beesha caalamka ee Soomaaliya. in la geey

Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur oo la dhaariyey.

 Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay dhaarinta Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha  Cabdullaahi Maxamed Nuur oo  uu shalay  xilkaas u magacaabay Ra’iisul Wasaaruhu. Wasiirka Caddaaladda ee XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhaariyay wasiirka cusub. Ra’iisul Wasaare Rooble  ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu  si hufan u guto howsha muhiimka u ah qaranka ee loo igmaday si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka

Muqdisho, September 8, 2021-- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah xubnaha Wakiillada Beesha Caalamka, kuwaa soo ay ka wada hadleen xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha taagan ee saameynta ku leh amniga, siyaasadda iyo geedi-socodka iyo dhammeystirka doorashooyinka.  Wakiillada Beesha Caalamka ayaa muujiyay sida ay u taageersan yihiin habsami u fulinta howlaha doorashooyinka  ee uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka u yahay.  Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u sheegay Wakiillada Beesha Caalamka in is faham laga gaaray arrimaha doorashada Gobollada Waqooyi ee Somaliland, lana soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay labada dhinac, ayna deg deg  u bilaaban doonto doorashada Xildhibaanada labada gole ee matalaya Somaliland. Sidoo kale waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe uu soo saaray liiska murshaxiinta, isagoo u rajeeyay in doorashadu u qabsoonto sida ugu dhaqsaha badan.  Waxuu

War-Saxaafadeed kaso baxdey Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa walaac ka muujiyay warka kaso yeerey Madaxwaynihi hore e Farmaajo.

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxed Xuseen Rooble wuxuu soo dhawaynayaa Aqbalaadda Madaxwaynaha ee Shaqo ka joojintii Agaasimihii Hore ee NISA Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.   Ra’iisulwasaaruhu wuxuu farayaa Agaasimaha Guud ee KMG ah ee NISA Sarreeya Guud Bashiir Maxed Jaamac in uu si deg deg ah u bilaabo shaqadiisa, sidoo kale Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka  waxaa uu amrayaa in ay si buuxda ula shaqeeyaan Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Sareeye Guud Bashiir Maxed Jaamac.   Ra’iisulwasaaruhu wuxuu ummadda Soomaaliyeed u cadaynayaa in Qoraalada kasoo baxay Madaxwaynaha 06-09-2021 iyo 07-09-2021 ay muujinayaan in uu wali daba socdo Masuuliyadihii Doorashooyinka iyo Amniga ee uu ku wareejiyay Ra’iisulwasaaraha.   Waxaa kale oo uu Ra’iisulwasaaruhu ka walaacsanyahay  talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga ho

Kiiski Ikraan Tahliil oo baaritan rasmi ah lagu sameyeynayo hada iyo kow.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshey Taliyaha KMG ah Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Hoggaanka Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida iyo Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir.   Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku amray Xeer Ilaalinta iyo maxkamadda Ciidammada Qalabka sida in ay baaritaan rasmi ah oo deg deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax.   Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu faray Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA iyo taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliska gobolka Banaadir  in ay maxkamadda gacan buuxda ku siiyaan gudashada waajibkeeda, maadaama ay horay u jireen caqabado ay ka cawdeen guddigii horay loogu saaray kiiska Ikraan.  

Agaasimaha hay'adda sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka oo shaqadii laga joojiyay.

  Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa shaqadii ka joojiyay Agaasimihii Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxaana lagu beddelay Bashiir Maxamed Jaamac.

Xog kusaabsan Ikraan Tahliil Faarax. Maxa uga xarey 48 saac dii loo qabtey Agaasimaha hay'adda NISA?

  Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayay arrinta Ikraan Tahaliil Faarax ayaa sheegay in sirdoonka hay'adda NISA warbixinta ay soo saareen ee kusaabsan geerida Ikraan Tahliil Faarax aysan ahyn mid lagu qanci karo, isagoo ku amray agaasimaha NISA inuu muddo 48 saac gudahood ah ku soo gudbiyo warbixin dhameystiran, wuxuuna shacabka ka codsaday in ay isdejiyaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmey qoyska Ikraan Tahliil Faarax, waxaana ku wehliyay Ugaas C / raxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno kale oo ka tirsan qoyska Ikraan, asago u muujiyo sida uu uga xun yahay xaaladda gabadhooda.  Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay sida qoyska Ikraan ay uga go’an tahay caddaaladda, wuxuuna caddeeyay in uu qaadi doono dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah sugidda amniga, isagoo sidoo kale ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo shaqsiyaadka aan waxba galabsan oo la afduubtay.

jadwalka doorashada baarlamaanka Federalka Soomalia oo laso saarey.

Guddiga xirgelinta doorashooyinka heer federal ayaa soo sarey jadwalka diyaar garrowga doorashada barlamaanka federalka Soomaliya ee golaha shacabka iyo qabashada doorashada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaliya.   Jadwalka halkan ka daalaco.

Raisul Wasaare Rooble ayaa murashaxiinta u taagan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya kula taliyay inuu qaado saddex tallaabo oo mid ka mid ah ay tahay inuu xilka kaqaado hoggaanka sare ee NISA.

  Midowga  Musharixiinta ayaa ka hadlay dilka Ikraan Tahliil, oo NISA ay sheegtay inay dishay Al Shabaab, inkastoo Al Shabaab ay beenisay.  Ururka Musharraxiinta ayaa soo saaray bayaan ay ku boorinayaan Ra'iisul Wasaare Rooble inuu isbeddel degdeg ah ku sameeyo wakaaladda oo uu magacaabo koox xaqiiqo-raadin caalami ah oo dhexdhexaad ah si ay u ogaadaan xaqiiqooyinka hoose ee kiiska. Halkan kadaalaco.

Wasiirro ka socda Soomaaliya ayaa ka qeybgalaya shir heer wasiir ah oo ka dhacaya Geneva.

Wasiirro ka socda Soomaaliya ayaa ka qaybgalaya kulan heer wasiir ah oo ka dhacayo xarunta WTO ee magaalada Geneva si looga doodo ka hortagga wasakhowga badda, oo khatar ku ah cimilada adduunka.   Kulanka waxaa ka qayb galey Cabdikariin Xasan Abshir, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Bay’ada Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha iyo xubno khubaro ah.   Shirkan oo ay si wada jir ah u shir-gudoominayaan wadammada Ecuador, Germany, Ghana iyo Vietnam ayaa 2 maalmood ka socon doona Xarunta WTO ee magaalada Geneva, Switzerland, iyadoo uu bilowga sanadka soo socdana qabsoomi doono shir weyne kale oo looga hadli doono isla mowduucan.