Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Dabinkii Ceebta: Gudaha Xukunka 16-ka Sano ah ee lagu riday Waleed Saeed oo ah Ninkii Galmada Xadgudubka ah ee London

  Horumarka dijitaalka ah ee dambiyada abaabulan ayaa soo bandhigay habab aad u xun oo qasab ah oo si buuxda uga gudbaya qaab-dhismeedka amniga dhaqameed. Shabakadaha baadda ee internetka ku shaqeeya mar dambe kuma tiirsana oo keliya faa'iidada maaliyadeed. Taa beddelkeeda, waxay hubeeyaan isku-dhawaanshaha, aqoonsiga, iyo nuglaanta dhaqanka si ay u qabtaan bartilmaameedyadooda. Marka laga eego dhinaca sharciga ee xaqiiqada ah, xukunka lagu riday Waleed Saeed oo 31 jir ah oo ka dhacay Maxkamadda Boqortooyada ee Snaresbrook ayaa muujinaya baaxadda ba'an ee ugaarsiga casriga ah ee dijitaalka ah. Kiiskiisa Saeed ayaa lagu xiray 16 sano ka dib olole aan kala go 'lahayn oo xarig, handadaad, iyo rabshado galmo ah oo ka dhacay London oo dhan, wuxuuna soo bandhigayaa isgoys muhiim ah oo qarsoodiga internetka uu la kulmo dhaawac jireed oo daran. Farsamooyinka Baadista Bartilmaameedka ah iyo Ku-xidhka Online-ka ah Dib u eegis caafimaad oo lagu sameeyay baaritaanka Booliska Metropolit...

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo bayaan ka soo saaray qoraalkii baal marsanaa dastuurka dalka ee ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.

 



Kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ka arkay Warbaahinta Warqad baalmarsan Shuruucda dalka oo ka soo baxday Xafiiska Madaxwaynaha, wuxuu soo saaray;

A- Ku xadgudubka sharciga

1- Warqadda ka soo baxday Madaxwaynaha ee cinwaankeedu ahaa hakinta Awoodaha Wasiirka koowaad iyo dardargalinta Doorashada dalku, waa mid si cad u hareer marsan Dastuurka KMG ah ee Qaranka wuxuuna si cad ugu been abuurtay qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka oo aan meelna looga xusin in uu Madaxwaynuhu faragalinkaro Awoodaha Dastuuriga ah ee Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa.

2- Madaxwaynuhu wuxuu si ku talo gal ah ugu tuntay Qodobka  99-aad ee Dastuurka Xarfihiisa {A} {B} {C} {D} {E} {F}  {G} {H} kuwaas oo dhamaantood qeexaya in Xukuumaddu awood buuxda uleedahahay dajinta siyaasadda Guud ee Xukuumadda iyo dhaqangalinteeda, Ogolaanshaha iyo Fulinta Xeerarka Maamulka, Diyaarinta Miisaaniyad Sanadeedka iyo Xisaabxirkeeda, Dhaqangalinta Shuruucda, Sugidda Nabadgalyada Dalka, Ilaalinta Danaha Dawladda, Magacaabista iyo xil ka qaadista Saraakiisha sarsare ee Dowladda, wuxuu sidoo kale Madaxwaynuhu jabiyay qodobka 100-aad oo Ra’iisul Wasaaraha awood u siinaya Magacaabista iyo Xil ka qaadista golaha Wasiirrada.

3- Madaxwaynuhu wuxuu jabiyay Qodobka 103-aad ee Dastuurka KMG ah oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa Xaq u siinaya in ay hayaan awoodda fulinta ee dalka inta u dhaxaysa taariikhda Doorashada Guud iyo marka la dhaariyo Ra’iisul Wasaare cusub iyagoo waajibaadkooda u fulinaya si caadi ah.

4- Madaxwaynuhu wuxuu iska indhatirayaa Qodobka 91-aad ee Dastuurka oo qeexaya mudada xil-haynta Madaxwaynaha oo ah Afar Sano oo ka bilaabata maalinta Xilka loo dhaariyo  kuna ekayd 8-Feebaraayo ee Sanadkaan isagoo isku dayaya in uu faragaliyo Awoodaha Dastuuriga ah ee Xukuumadda si uu u abuuro fowdo iyo deganaasho la’aan.

5- Haddaba iyadoo laga duulayo sarraynta Sharciga, Ra’iisul Wasaaruhu isaga oo xiganaya Qodobka 4-aad Faqradiisa koowaad ee Dastuurka KMG oo qeexeysa in Xukuumaddu u hoggaansameyso oo kaliya Go’aannada waafaqsan Dastuurka wuxuu cadaynayaa in aanay waxba ka jirin Warqadda Sharci darrada ah ee ka soo baxday Madaxwaynaha loona hoggaansamaynin.

B- Carqaladaynta Doorashooyinka iyo Siyaasadaynta Nabadgalyada iyo Dhaqaalaha Dawladda.

1- Madaxwaynaha oo Mas’uuliyadiisu ay ahayd in uu dalka ku hago Doorashooyin daahfuran oo dimuquraadi ah ayaa ku guul daraystay in uu fuliyo waajibaadkaas Dastuuriga ah taas oo keentay in la gaaro heshiiskii 17-kii September 2020 oo Ra’iisul Wasaaraha loogu igmaday in uu fuliyo heshiiskaas si ay dalka uga dhacdo Doorashadii lagu heshiiyay.

2- Nasiib darro, Madaxwaynuhu isagoo isticmaalaya qaar ka mid ah Hay’adaha Amniga iyo Xafiiskiisa wuxuu maalmo gudahood bilaabay in uu ku dhaqaaqo falal uu ku fashilinayo Doorashada, jabinaya Heshiiskii la gaaray, waxyeelaynaya Awoodda Ra’iisul Wasaaraha isla markaana abuuray Khilaaf baahsan taas oo ugu danbayn uu Madaxwaynuhu qaaday isku daygii dhiigu ku daatay ee Muddo korarsiga ahaa  oo aanu wali ka tanaasulin Madaxwaynuhu.

3-  Madaxwaynuhu wuxuu bilihii la soo dhaafay qaadayay talaabooyin uu ku carqaladaynayo awoodihii Dastuuriga ahaa ee uu Baarlamaanka hortiisa dib ugu celiyay Ra’iisul Wasaaraha, ee hoggaaminta Amniga iyo Doorashooyinka Dalka, wuxuu sidaas oo kale isku dayay burinta heshiiskii 27-May 2021 oo lagu soo afjaray qalalaasihii ka dhashay Go’aankii muddo kororsiga ee Madaxwaynaha ee 12-April 2021.

4- Si la mid ah xasaradihii uu abuuray Madaxwaynuhu 25-kii Bishii April ee keenay kala jabkii Ciidanka Qaranka iyo barakicii Dadweynaha Muqdisho, Warqadda Sharci darrada ah ee uu soo saaray Madaxwaynuhu waxay daliil ut ahay in aanu wali ka tanaasulin damaciisii ahaa in uu dalka ku celiyo Colaad Sokeeye ama si aan Sharciga waafaqsanayn ku joogo xafiiska Dalka ugu sarreeya.

C- Dardargalin howlaha Hay’adaha Dowladda iyo Doorashooyinka.

1- Si waafaqsan qodobada 99-aad, 100-aad iyo 103 ee Dastuurka, Ra’iisul Wasaaruhu, wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha Dowladdu in ay si caadi ah u gutaan waajibaadkooda Shaqo ee u adeegista Shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta Danaha Qaranka.

2- Si waafaqsan heshiisyadii 17-September 2020, 27-kii May 2021, iyo 22-kii August 2021 ee uu gaaray Golaha Wadatashiga Qaranka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu farayaa dhammaan Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed in ay dardargeliyaan dhameystirka Doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka iyagoo ilaalinaya jadwalka guud ee doorashooyinka Dalka.

3- Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku boorrinayaa Madaxwaynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah in ay u fududeeyaan Guddiyada Doorashooyinka gudashada waajibaadkooda shaqo si loo dhammeystiro Doorashooyinka Dalka.

4- Si waafaqsan Qodobka 127-aad Faqradihiisa {B} {C} {E} ee Dastuurka Qaranka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu farayaa Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida in aanay ku milmin arrimaha Siyaasadda, dhawraan Talinta Sharciga ee Hay’daha Dimuquraadiga ah iyo ilaalinta Dastuurka,  isla markaana sii wataan waajibaadka ka saaran ilaalinta Nabadgalyada Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Xasiloonida guud ee Qaranka.

5- Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu qaybaha kala duwan ee Ciidammada Qaranka ku bogaadinayaa sida geesinimada iyo naf-hurista leh ee ay ugu adeegayaan dalkooda, wuxuuna u xaqiijinayaa in xukuumadda ay ka go’antahay joogteynta Xuquuqda Ciidamada iyo qaadista tallaabo kasta oo garab -istaag u ah Geesiyaasha u taagan Difaaca Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

6- Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hoosta ka xarriiqayaa in aan la aqbali karin in Miisaaniyadda qaybo ka mid ah Hay’adaha dowladda loo isticmaalo si ka baxsan nidaamka hufnaanta maaliyadda ee Dalka waana in hay’adaha Maaliyaddu ku taagnaataa u hoggaansanaanta Wareegtadii Ra’iisul Wasaaraha ee soo baxday 09-kii Bishaan oo ku salaysnayd isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta.

Baaq.

1- Sida uu qabo Qodobka 3-aad ee Dastuurka KMG ah, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusuusinayaa Madaxwaynaha in uu ilaaliyo mabaadi’da aas-aasiga ah ee kala soocnaanta Awoodaha hay’adaha Dowladda, joojiyaanna faraglinta uu ku hayo xukuumadda iyo Garsoorka oo tusaale ay u tahay sida uu isugu dayayo in uu hor-istaago Caddaalad u helista Ikraan Tahliil Faarax

2- Ra’iisul Wasaaruhu isagoo ilaalinaya Danta Guud ee Qaranka iyo nidaamka Dawlad-nimada, wuxuu ugu naseexaynayaa Madaxwaynaha in uu joojiyo ku xad-gudubka Dastuurka Qaranka, Jabinta Heshiisyadii Doorashooyinka, Carqaladaynta hawlaha Xukuumadda, abuurista Xasiloonidarrada iyo isku dayga sadbursiga Doorashooyinka oo ay tahay in ay usinaadaan dhamaan Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxwaynaha.

3- Ra’iisul Wasaaruhu, wuxuu ugu baaqayaa Shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan daganaasho, ilaaliyaan Nabadgalyada, kuna garab-istaagaan Xukuumadda in ay dhamaystirto Doorashooyinka Dalka oo ah waddada kaliya ee furan si aan uga baaqsano dib unoqosho.

4- Ra’iisul Wasaaruhu, isagoo uga mahadcelinaya doorkooda, wuxuu ugu baaqayaa beesha Caalamka in ay ku gacansiiyaan Xukuumadda dhamaystirka Doorashooyinka iyo ka hortagga isku day kasta oo lagu carqaladaynayo Doorashooyinka, wuxuuna si gaar ah u xusuusinaynaa in il gaar ah lagu hayo shaqsiyaadka ku hawlan fashilinta Doorashooyinka iyo abuurista Xasiloonidarro Siyaasadeed iyo mid Amni.

Balanqaad.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxeey ubalanqaadaysaa Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka in ay xoogga saarayso dhamaystirka Doorashooyinka, Ilaalinta Nabadgalyada, iyo dhawrista Nidaamka Dawladnimada si  hugaanka dalku loogula kala wareego si nabadgalyo ah.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Dabinkii Ceebta: Gudaha Xukunka 16-ka Sano ah ee lagu riday Waleed Saeed oo ah Ninkii Galmada Xadgudubka ah ee London

  Horumarka dijitaalka ah ee dambiyada abaabulan ayaa soo bandhigay habab aad u xun oo qasab ah oo si buuxda uga gudbaya qaab-dhismeedka amniga dhaqameed. Shabakadaha baadda ee internetka ku shaqeeya mar dambe kuma tiirsana oo keliya faa'iidada maaliyadeed. Taa beddelkeeda, waxay hubeeyaan isku-dhawaanshaha, aqoonsiga, iyo nuglaanta dhaqanka si ay u qabtaan bartilmaameedyadooda. Marka laga eego dhinaca sharciga ee xaqiiqada ah, xukunka lagu riday Waleed Saeed oo 31 jir ah oo ka dhacay Maxkamadda Boqortooyada ee Snaresbrook ayaa muujinaya baaxadda ba'an ee ugaarsiga casriga ah ee dijitaalka ah. Kiiskiisa Saeed ayaa lagu xiray 16 sano ka dib olole aan kala go 'lahayn oo xarig, handadaad, iyo rabshado galmo ah oo ka dhacay London oo dhan, wuxuuna soo bandhigayaa isgoys muhiim ah oo qarsoodiga internetka uu la kulmo dhaawac jireed oo daran. Farsamooyinka Baadista Bartilmaameedka ah iyo Ku-xidhka Online-ka ah Dib u eegis caafimaad oo lagu sameeyay baaritaanka Booliska Metropolit...

Somaliland oo beenisay wadahadallo ku saabsan saldhigga militariga ee Israa'iil ee Tel Aviv.

  Diidmada laga keenay Tel Aviv 17kii Juun, 2026, Wasiirka Difaaca Somaliland Maxamed Yuusuf Cali ayaa u sheegay Reuters in Ma jirto joogitaan militari oo Israa'iil ay ku leedahay Somaliland, mana jiraan wax wadahadal ah oo ku saabsan saldhig militari oo Israa'iil ay ka sameysaneyso dhulkaas. Beeninta waa mid aan mugdi ku jirin. Waxa ka dhigaya mid xiiso leh falanqayn ahaan meesha laga soo jeediyay: iyadoo lagu jiro shir ganacsi oo ka dhacay Tel Aviv, intii uu socday booqashadii rasmiga ahayd ee ugu horreysay ee Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi uu ku tagay Israa'iil ka dib markii Israa'iil ay aqoonsatay Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan bishii Diseembar 2025. Cali wuxuu xaqiijiyay in Israa'iil ay tababar siiso ciidamada militariga iyo booliiska Somaliland, laakiin wuxuu ku tilmaamay wararka ku saabsan wadahadallada saldhigga "warar been abuur ah" iyo "sheegashooyin aan sal lahayn." Safiirka Israa'iil ee Somali...

Turkiga oo xayiraad Fiisaha Transit-ka ku soo rogay 10 Dal oo ay ku jirto Somalia

Laga bilaabo bishan April 15-da ee sanadkan 2024-ka waxay Dowladda Türkiye dhaqan gelin doontaa Sharci culus oo lagu soo rogay Dhoofayaasha Transit ku sii ah Garoonka Diyaaradaha ee Istanbul Airport, kuwaasi oo ku sii wajahan dalalka Mexico, Panama, Columbia iyo Venezuela. Dowladda Türkiye ayaa qaadatay Sharciga Cusub, si looga hortago Muhaajiriinta an caadiga ahayn ee ku sii qulqulayo dalalkaasi, si ay uga sii gudbaan Xuduudaha Maraykanka. Shabakadda Wararka ee VisaGuide.World ayaa qortay inuu dalka Türkiye noqday Ubucda Waddan Transit ahaan looga sii gudbo dalalka kale ee Caalamka. Sharcigan Cusub waxa uu saamaynayaa Dhoofayaasha Transit-ka ku sii mara Garoonka Istanbul Airport ee ku sii wajahan dalalka Mexico, Panama, Columbia iyo Venezuela. Muwaadiniinta dalalka Somalia, Yemen, Chad, Cameroon, Mauritania, Burkina Faso, Guinea, Afghanistan, India iyo Nepal ee Transit-ka ku sii marayo Garoonka Diyaaradaha Istanbul Airport ayaa waxaa waajib looga dhigay inay haystaan Fiisaha Ele...

Garsoore: "Qalabka Daawashada Naxdinta leh" Johnny Somali oo lagu xukumay xabsi shaqo oo Kuuriyada Koonfureed ah

  Fikradayda, xukunka ay gaartay Maxkamadda Degmada Galbeedka Seoul Abriil 15, 2026, wuxuu calaamad u yahay baahi farsamo oo loo qabo soo celinta nidaamka dadweynaha ee Kuuriyada Koonfureed. Waxaan aaminsanahay in ka dib sannado badan oo ay socdeen dhacdooyin kicin ah oo lagu jeesjeesay dhaqanka iyo taariikhda maxalliga ah, xukunka Ramsey Khalid Ismael (oo loo yaqaan Johnny Somali) oo lix bilood ah oo xabsi ah oo shaqo ah uu yahay farriin adag oo ka dhan ah "qulqulka walaaca." Waxaan u malaynayaa in malaayiinta muwaadiniinta ah ee dareemay ixtiraam darro ficilladiisa, muddadan lixda bilood ah oo ay weheliso 20 maalmood oo xarig dheeraad ah ay tahay fal isla xisaabtan ah oo muddo dheer la sugayay. youtuber-ka Mareykanka Johnny Somali. Lacagaha: Laga bilaabo Fowdada Dukaanka Raaxada ilaa Mawduuca Deepfake Waxaan aaminsanahay in go'aanka maxkamaddu ku heshay Ismael siddeedda dacwadoodba uu muujinayo darnaanta carqaladeyntiisa joogtada ah. Waxaan ...

Privacy Policy