Xiisadda Marinka Hormuz: Sida Tallaabooyinka Iiraan u Saameyn Karaan Ganacsiga iyo Amniga Caalamiga ah Marinka Hormuz waa mid ka mid ah marinnada badda ee ugu muhiimsan dhaqaalaha caalamka. Wuxuu isku xiraa Gacanka Faaris iyo Gacanka Cumaan, isaga oo muhiim u ah isu-socodka shidaalka, gaaska dabiiciga ah iyo badeecadaha kale ee caalamka. Sidaas darteed, tallaabo kasta oo Iiraan la xiriirta oo saameyn ku yeelata xorriyadda maraakiibta ayaa yeelan karta cawaaqib dhaqaale iyo mid amni oo ka baxsan Bariga Dhexe. Sannadka 2026, Midowga Yurub wuxuu qaaday tallaabooyin sharci iyo diblomaasiyadeed oo la xiriira ilaalinta xorriyadda maraakiibta ee Marinka Hormuz. Tallaabooyinkani waxay muujinayaan in arrimaha la xiriira Iiraan aysan ku koobnayn siyaasadda gobolka, balse ay si toos ah u taaban karaan ganacsiga caalamiga ah, amniga badda iyo danaha dhaqaale ee dalalka Yurub iyo kuwa kale. Golaha Midowga Yurub ayaa faahfaahin ka bixiyay isbeddelka qaab-dhismeedka cunaqabateynta bishii May 2...
Hogaamiyayaasha Afrika ayaa ka soo tagey shir madaxeedka Ruushka iyaga oo aan lahayn heshiis hadhuudh ah ama hab lagu xaliyo dagaalka Ukraine.
Iyada oo ay yar tahay in ay muujiyaan dadaalkooda ah in ay soo celiyaan heshiiskii hadhuudhka ka soo qulqulayay Ukraine iyo sidii loo heli lahaa hab lagu hakiyo qalalaasaha halkaas ka jira, hoggaamiyeyaasha Afrika waxay ka tageen wadahadal laba maalmood ah oo ay la qaateen madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Putin ayaa sheegay in joojinta heshiiskii hadhuudhka ee horaantii bishan ee Ruushku uu sababay sare u kac ku yimid qiimaha badarka kaas oo ay ka faa’iidaysteen ganacsatadda Ruushka shir jaraa’id oo uu qabtay goor dambe oo sabtidii ka dib kulankii Ruushka iyo Afrika. Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in Moscow ay qayb ka mid ah dhaqaalahaasi u qaybin doonto “qaramada ugu saboolsan”. In kasta oo 725,000 oo tan oo hadhuudh ah ay u rartay Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay oo loo dhoofiyay dalal badan oo gaajaysan, oo Afrikaan ah oo aan ahayn, qayb ka mid ah heshiiska hadhuudhka, ballan-qaadkaas, oo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin, ayaa imanaysa ka dib b...