Howlgalo socday muddo todobaad ah ayaa ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya waxa ay ku dileen ku dhawaad 200 oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.
Howlgallo socday muddo toddobaad ah oo ka dhacay dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug, ayaa ciidamada nabadsugidda Soomaaliya waxa ay ugu suurtagashay in ay ku dilaan in ka badan 200 oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal sare, sida lagu sheegay bayaanno ka soo baxay saraakiisha ciidamada maalintii Arbacada.
General C/laahi Cali Caanood, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa tilmaamay in hawlgalladan oo ay iska kaashanayaan saaxiibo shisheeye, oo 14-kii iyo 15-kii bishan laga fuliyay deegaanka Weel-maara ee Gobolka Jubbada Hoose, ay ku dileen boqol askari oo ka tirsan mintidiinta deegaanka. Sidoo kale, howlgal gaar ah oo ka dhacay Cali Qura subaxnimadii Arbacada ayaa lagu dilay kontameeyo maleeshiyo ah.
Intaa waxaa dheer, sida lagu sheegay bayaanka, koox dheeraad ah oo maleeshiyaad ah ayaa lagu soo afjaray howlgalo kala duwan. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda ku dhawaaqday in markii labaad sanadkan ay meesha ka saartay in ka badan 200 oo ka mid ah kooxaha nabad diidka ah.
In ka badan laba boqol oo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan saraakiil sare ayaa lagu soo afjaray howlgal saddex maalmood socday oo ka dhacay dowlad goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubaland bishii Maarso, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweis.
Tan iyo bilowgii sanadkii hore, markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, ciidamada dowladda ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah ururka argagixisada ah.
100 #Alshabab militants have been eliminated in a joint operation carried out by National Armed Forces and its International security partners near El-Qura’ location between Galgadud and MiddleShabelle regions where terrorists were gathering, an statement by the government… pic.twitter.com/UAUZRF9L48
— SNTV News (@sntvnews1) July 19, 2023
Comments
Post a Comment