Skip to main content

Posts

Showing posts from April, 2022

Follow

Raisul wasaaraha oo booqasho iyo hambalyo ugu tagey guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble , Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa booqasho iyo hambalyo ugu tagey Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Guddoomiyihii hore KMG ahaa Mudane Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Guddoomiyaha cusub ee GolahaShacabka u rajeeyay guul, isagoo ugu hambalyeeyay mas’uuliyada qaran loo doortey. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha KMG ahaa ee Golaha Shacabka dadaalka uu muujiyay, isagoo ugu hambalyeeyay sida howsha doorashada uu u hoggaamiyey. PM @MohamedHRoble has paid visit to the new Speaker of House of People of Federal Parliament Sheikh Adan Madobe and congratulated him his victory. The PM also thanked former acting Speaker Abdisalan Dhabancad for holding the election of the Parliamentary leadership. #Somalia pic.twitter.com/gvAZdpxQtn — SNTV News (@sntvnews1) April 29, 2022

Aadan Madoobe ayaa loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Aadan Madoobe oo muddo dheer ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo doortay Guddoomiye cusub. 31-dii January 2007 ilaa 25 May 2010 waxa uu ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKMG. Madoobe waxa uu muddo kooban ahaa ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya intii u dhaxeysay December 29-kii, 2008 ilaa 31-dii January 2009. Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, ayaa ka tanaasulay Musharaxnimada xilkaasi. Sida ku cad gunaanadkii guddiga doorashada. Hadii musharax helo 50+1 cod ah 139 ka mid ah wareegii koowaad, waxaa wareega labaad u gudbi doona afar musharax. Kalfadhiga ayaa waxaa bilaabay guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka C/salaan Dhabancad, waxaana soo xaadirey 257 xildhibaan, 17 ka mid ah ma aysan codeynin, maadaama aysan wadan ID-kaarka aqoonsiga golaha. A veteran MP, Adan Madobe was elected as the new Speaker of House of People of Federal Parliament. He became the Speaker of the TFG Parliament from 31 J

Raisul Wasaare Rooble wuxuu amar ku bixiyey ciidanka ATMIS inay la wareegaan sugidda amniga teendhada Afisiyooni.

Si loo dardargeliyo doorashada guddoonka golahashacabka , ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxa uu teendhada Afisiyooni ku wareejiyay ciidanka nabad ilaalinta ATMIS si loo taba-geliyo doorashada guddoonka Baarlamaanka loona diyaar garowo doorashada madaxweynaha bisha soo socta. Hoggaanka ATMIS waxa ay wada shaqayn dhow la yeelan doonaan xafiiskayga, Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga, iyo Guddoonka Baarlamaanka. Guddoomiyaha KMG ah wuxuu soo diri doonaa liiska Xildhibaanada galaya Teendhada Afisiyooni, ka dibna hubin doona oo soo gudbin doona ATMIS. Prime Minister @MohamedHRoble has authorised Africa Union forces to takeover the security of the Afyisyone tent where the election of House of People speakership is to take place on Wednesday, April 27. #Somalia pic.twitter.com/D86hQepTGL — SNTV News (@sntvnews1) April 26, 2022

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo cambaarayey isku dayga lagu carqaladeynayo doorashada

Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada oo uu ugu dambeeyay isku daygii lagu beegsaday Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka, Howlwadeennada Golaha Shacabka iyo 16-dii xildhibaan  dhawaan lagu doortay Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa uga digay Saraakiisha Booliska iyo Nabad Suggida inay ilaaliyaan xilliga doorashada ay dhaceyso, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay il gaar ah ku eegaan kuwa ka dambeeya qorshaha tillaabooyinka lagu carqaladaynayo gabagabada doorashada. Ra’iisul Wasaare Rooble oo khadka kula hadlay   Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka ayaa uga mahad celiyay sida geesinimada leh ee Guddoonka KMG ah ee labada aqal ay u wadaan doorashada mudadii ay doorashada socotay, waxaana uu kula dar daarmay in ay howsha sii wadaan. PM @MohamedHRoble has condemned attempts to disrupt elections and warned top security commanders to get i

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u ambabaxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u ambabaxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland si uu uga qeyb galo shir muhiim ah loogu hadlaayo abaaraha ka jira Geeska Afrika . Mudane Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u safray magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaasoo uu kaga qeyb galayo shir caalami ah oo looga hadlayo abaaraha ka jira Geeska Afrika. oo si gaar ah isha loogu hayo abaaraha Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeedin doona kulanka oo ay ka qeyb galayaan mas’uuliyiin iyo wasiirro ka socda dalalka deeqaha bixiya, wuxuuna kaga hadlayaa xaaladda bini’aadantinimo ee dalka ka jirta ee ka dhalatay abaarta daran. PM @MohamedHRoble has left today for Geneva to attend a major donor meeting on the #HornofAfrica 's #drought crisis. The humanitarian situation is getting worse in Somalia as 6 million people are in crisis due to extreme drought. #Somalia pic.twitter.com/NPTNBUvj6O — SNTV News

Musharixiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo laga dhageystey hadal-jeedintooda.

Sabtidan ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare waxa ay dhageysteen khudbadaha Musharaxiinta isu diwaan galiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana maalinta berri ah la dhageysan doonaa khudbadaha Guddoomiye ku xigeenada 1-aad iyo 2-aad. Musharax kasta oo u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa loo qabtay muddo 15-daqiiqo ah si uu uga sheekeeyo taariikhdiisa, waxyaabihii u qabsoomay, iyo codsi uu u jeediyay Xildhibaanada cod u qaadi doona musharaxnimadiisa.waxa musharaxnimada isku diiwaangaliyey 8 musharax. 8-da musharax isku diiwaangelisay xilka Guddoomiyaha golaha Shacabka, waxayna kala yihiin Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Axmed Black Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur Saransoor Xildhibaan Xasan Cabdinuur Xildhibaan Sadiq Cabdullaahi Cabdi Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla Xildhibaan Adan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) Candidates for the Speakership o

Guddiga Doorashooyinka FEIT oo go’aansadey in hor shahaadada xildhibaanimo laga guddoonsiyo xildhibaan kasta la soo doorto.

Guddiga FEIT ayaa go’aansadey in shahaada xildhibaanimada la guddoonsiyo xildhibaan kasta oo soo marey habraaca doorashada iyadoo muddo loo qaban. Waxa hadda shahaadada xildhibaanimo laga gudoonsiyey afar hildhibaan kuguuleystey kuraasaha GSH119, AS35, GSH79 iyo GSH230. Sidoo kale Jimcadan waxaa la doortay 8 ka mid ah 16-da kursi ee Jubbaland ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. Labo xildhibaan oo dumar ah ayaa ka mid ah xubnaha maanta la doortay. The electoral delegates in El-Wak town have on Friday elected 8 out of #Jubbaland ’s 16 remaining seats to House of People of Federal Parliament. Two female MPs are among today’s elected members. #Somalia pic.twitter.com/n6Pl3iYqSJ — SNTV News (@sntvnews1) April 22, 2022 “Guddiga FEIT waxay go’aamiyeen in la siiyo shahaadada xildhibaan kasta oo maray habraaca doorashada, lana soo doortay, iyadoo aan muddo loo qaban, si ay uga qayb galaan doorashada guddoonka Baarlamaanka, bulshada Soomaaliyeed-na ay hesho metalaad dhab ah oo

Xubno katirsan guddiga doorashada oo digniin loogu soo direy Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ayaa uga digay xubnaha gaaray Garbahaarey in aysan faragelinin doorashada 16-ka kursi ee Jubbaland ka harsan. Doorashada ayaa hore komishanku ugu wareejiyay magaalada Ceel-waaq . Guddoonka guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federal FEIT ayaa ka digaya in tallaabo kasta oo ay qaadaan xubnaha guddiga doorashada ee aan waafaqsanayn go’aanka guddiga ee caqabadaha hannaanka iyo dhameystirka doorashada ay saameyn weyn ku yeelan doonto oo lagula xisaabtami doono. The Federal Elections Implementation Team has warned members of the Body who arrived in #Garbaharey against disturbing the electoral process of #Jubbaland ’s 16 remaining seats. The Commission had already moved the elections to El-Wak town. #Somalia pic.twitter.com/b4gfyuSpv0 — SNTV News (@sntvnews1) April 20, 2022

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, Putland iyo Koonfur galbeed oo soo gaarey Muqdisho

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug , Putland , Koonfur galbeed iyo wafdi ay hoggaaminayaan ayaa si gooni gooni ah u soo gaarey magaalada Muqdisho, waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo mas’uuliyiin kale. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, inta badan xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka , iyo qeybaha kala duwan ee shacabka Muqdisho iyo shacabka Gobolka Banaadir ayaa wafdiga Madaxweynayaasha ku soo dhaweeyay magaalada Muqdisho . The leaders of #Puntland , #Galmudug and #Southwest States have on Tuesday separately arrived in Mogadishu as the chambers of Federal Parliament are preparing for the elections of the parliamentary speakers. #Somalia pic.twitter.com/qdweK16odc — SNTV News (@sntvnews1) April 19, 2022

Raisul Rooble Oo Canbaareeyay hoobiyaashi Lagu Weeraray Xarunta Vila Hargeysa.

Maxamed Xuseen Rooble , Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadlay weerarkii madaafiicda ahaa ee maanta lagu weeraray Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho , wuxuuna ku tilmaamay mid argagaxiso oo la doonayay in lagu carqaladeeyo howlaha horyaalla Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. “Isku dayga Maanta waxa uu ahaa fal fulaynimo ah oo la doonayay in lagu cabsigaliyo Baarlamaanka oo ku guda jira waajib gudashadiisa dastuuriga ah si loo cuuryaamiyo in doorashadu dhaqso u dhammaato”Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaalka Baarlamaanka ay ugu jiraan dhameystirka iyo dardargelinta doorashooyinka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay shaqada adag ee ay hayaan Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana uu ku amray Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida in ay sii laba jibaaraan sugidda amniga iyo ka hortagga wax kasta oo lagu qalqal gelinayo amniga dalka, gaar ahaan xilliga doorashada.

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay wafdi ka socday FEIT.

Madaxweynaha  Dowlad Goboleedka  Jubbaland  Mudane Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe ) ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Muuse Geelle Yuusuf Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo xubno ka socday guddiyada oo doorashooyinka kala duwan. Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray doorashada xildhibaanada  Jubbaland  ee dhawaan ka dhici doonta degmada Ceel-waaq iyo sidoo kale sidii loo dardar gelin lahaa doorashada 16 kursi. Madaxweynaha ayaa balan qaaday in Jubaland ay bixin doonto wixii taageero ah ee ay baahan yihiin gudiyadaasi. The Chairman of Federal Elections Implementation Team Muse Gelle and officials from the Body have on Sunday arrived in #Kismayo to hasten the elections of 16 #Jubbaland ’s remaining seats to House of People of Federal Parliament. The election will take place in El-Wak district. pic.twitter.com/bJ7zxM3B9I — SNTV News (@sntvnews1) April 17, 2022

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Guddoomiyeyaasha KMG ah ee Goleyaasha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey Guddoomiyeyaasha KMG ah ee Golaha Shacabka Mudane Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) wajibaadka qaran loo igmadey kadib kulan uu kula qaatey madaxtooyada. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee BFS sida hagar la’aanta ah ee ay u bilowdeen Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , waxaana uu Alle uga baryey in uu u fududeeyo howlaha loo igmaday. Labada Guddoomiye ayaa dhinacooda uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kulanka uu la qaatay, waxaana ay caddeeyeen in ay ka go’an tahay in la dardargeliyo doorashooyinka dalka.   H.E @M_Farmaajo hosts Interim Speaker of the House of People Abdisalam A Liban “Dhabancad” & Senate's interim Speaker Mohamed A Yusuf “Gaagaab”. The President congratulated them & wished them success as they lead

Tubta Siyaasadda Soomaaliya

Kalfadhigii seddexaad ee wadahadalka u dhaxeeya mas’uuliyiinta guddiga doorashada soo gaaray magaalada Baydhabo iyo gacan-yareyaasha madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa hadda socda. Wararku waxa ay sheegayaan in khilaafka uu salka ku hayo dalabka wakiilada Koonfur Galbeed ee ah in saddex kursi laga sii daayo maamulkaasi, kuwaas oo kala ah:   ·     Kursiga 204-aad oo ku guuleystay Wasiirka Amniga ee maamulkaasi Isxaaq Cali Subag, waxaana laga reebay xubinimada dowladda. Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.  ·   Muxamed Cali Xasan ayaa ku guuleystay Kursiga No. 103, kaasoo uu hore u haystay "Muhammad Othman Jawaari," Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka. ·     Xildhibaan Serredo oo ku guuleystay kursiga 154aad. Dhinaca kale, wakiilo ka socday guddiga doorashada ayaa soo jeediyay in 204 iyo 103 kursi la fasaxo, halka 154 kursi dib loo soo doorto. Docda kale, Wasiirka Gargaarka Khadiija Muxamed Diriyah ayaa galabta gaaray Baydhabo , iyadoo ay wehliyaan qaar ka m

Xubin ka tirsanaan jiray argagixisada Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Fanax oo ka howlgeli jiray Saakow ee Gobolka Jububada Dhexe, muddo 5  sano ah la Shaqeeynayay Maleeshiyada  Al-Shabaab , una qaabil sanaa jabhada ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60-aad Magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee  Maamulka  Koonfur Galbeed Maxamed Maxamuud Fanax oo si kooban ula hadlay warbaahinta ayaa ku sheegey in argagixisada dhibaato ku hayaan  shacabkaSoomaaliyeed , isagoo sheegay in uu go’aansaday in uu isku soo dhiibo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan taliska qeybta 60-aad ee Koonfur Galbeed. Saraakiisha  Ciidanka XooggaDalka  qeybta 60-aad ayaa soo dhaweeyay, waxaana ay ku dhiiri galiyeen xubnaha kale ee ka tirsan argagixisada in ay ku soo dhiibaan Ciidanka Xoogga Dalka, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweyn doono. Mohamed Fanah, a foreman of #Alshabab terrorists has on Wednesday surrendered to Somali National Army in #Baidoa town. Fanah who has been member of the terrorists for five years has

Xildhibaanada labada Aqal ayaa lagu wadaa in la dhaariyo khamiistan, waxaana socda diyaar garow.

Guddiga doorashada heer federaal ee  FEIT  ayaa bilaabay diyaar garow ay ku dhaarinayaan xildhibaanada baarlamaanka 11-aad ee labada aqal. Guddiga ayaa dib u xaqiijiyay in dhaarinta ay dhici doonto maalinta Khamiista ee taariikhdu ku beegan tahay  14-ka April, 2022 , sida horay loo sheegay. In ka badan 200 oo  xildhibaan  ayaa la sheegey in ay qaatey shahaadooyinkooda waxana dhamaan lagu wargaliyay in 10:00 subaxnimo ee maalinta Khamiista ee todobaadkan ay soo xaadiraan hoolka  Afisyooni. The final preparations for the swearing in ceremony of newly elected MPs and Senators are underway in #Mogadishu . According to Electoral Body, the event will take place in its designated date which is April 14. #Somalia pic.twitter.com/c8mKHiQC0g — SNTV News (@sntvnews1) April 12, 2022

Maanta waa sanad guuradii 62-aad ee ka soo wareegtay aas aaska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xilligii ay Soomaaliya xornimada qaadanaysay, ayaa waxaa la aas aasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed 12-kii April 1960-kii, waxaana ciidankaas loo abaabuley tiro aad u yar, oo isugu jira kuwa dhulka, cirka iyo badda. Sidoo kale Ciidanka Xooga Dalka xillagaa waxa lo orran jirey Libaaxyada Afrika. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tiradooda lagu qiyaasayey 100-120 askari ayaa la aas aasay 8 qeybood oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Colaaddii Itoobiya la gashay 1977-dii waxay ahayd markii ugu horreysay ee ay la dagaallamaan dal ay jaar yihiin. Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirsi, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, Cali Samatar, Jeneraal Salaad Gabeyre, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ka mid ah shaqsiyaadka ugu cadcaddaa ciidamada. Soomaaliya waxaa sanad walba laga xusaa 12-ka April, oo ah oo ah markii la aasaasay ciidammada Xoogga Dalka. Diyaargarow ballaaran ayaa ka socda magaalada Muqdisho iyo gobollada qaar. Prep

James Swan oo ah ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inuu hayo xilal ay dani ugu jirto Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin Daahir, Taliyihii hore ee Nabad Suggida Somaliya iyo Safiirka QaramadaMidoobay James Swan , ayaa la sheegay inay ku kulmeen Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho 2020. Xiriiro lala sameynay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, gaar ahaan qeybta warbaahinta, si xog loogu helo faah faahinta iyo ajandayaasha shirka jawaab lagama soo celinin. Fahad waa gacanta midig ee Madaxweyne Farmaajo , sida ay sheegayaan warar kala duwan. Sidoo kale, waxaa la rumeysan yahay in uu keenay dhaqaalihii uu madaxtinimadda ku helay doorashadii Febraayo, 2017-kii. James Swan waxa uu sheegay in horumar laga sameeyay hanaanka doorashada Soomaaliya iyadoo ay aad u gaabis ahayd. Waxa uu sheegay in inkasta oo uu horumarro ku yimid hannaanka doorashada Soomaaliya, haddana dadaallada hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ee lagu xaqiijinayo in doorashada baarlamaanka federaalka si guul ah ay u dhacdo waa in ay “laba jibaaraan toddobaadyada xigga”. Sidoo kale waxa uu sheegay James Swan, khil

Bayaan ka soo baxay ATMIS oo ku aadan xayiraada Xarunta Xalane si loo xaqiijiyo dhaarinta Xildhibaanada Soomaaliya.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya, ATMIS , ayaa bayaanka kusheegey in xayiraadda   bilaabatay maanta oo ku beegan 10-ka April oona ku eg 16-da April 2022, oo sinnaba loogu talagelin in lagu carqaladeeyo, laguna qasbo in dib loo dhigo, ama lagu farageliyo habsami u socodka xafladda dhaarinta Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka cusub ama hawlo kale oo doorasho ama xukuumad. ka shaqeeya Xerada Saldhigga. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegey in u jeedka kaliya ee laga leeyahay ay tahay in la fududeeyo howlgallada loogu talagalay in lagu xaqiijiyo in Xerada Saldhiggu ay ahaato meel ammaan ah, oo wanaagsan inta lagu guda jiro xilligaan xasaasiga ah ee doorashada, oo ay ka mid yihiin dhaarinta, dabbaaldegga maalinta 62-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan bisha Ramadaan. The lockdown of Halane Basecamp is to secure the swearing-in of #Somali Members of Parliament, statement by #ATMIS says. #Somalia pic.twitter.com/OobpUeVVtO — SNTV News

Dowladda Soomaaliya ayaa safiirkii shaqada laga ceyriyay kala noqotay dal ku galka.

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa fiisaha kala noqotay danjirihii dhawaan xilka laga qaaday, kaasi oo faragelin ku hayay meelo ka baxsan shaqadiisa, waxaa lafarey Hay’adaha ammaanka , gaar ahaan kuwa ka howlgala Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde in Danjire Francisco Madiera aan soo gali karin wadanka maadama uu yahay qof dalka laga rabin. Qoraal kooban oo soo baxay Xafiiska Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Sidoo kale waxaa lagu wargelinayaa lana farayaa inay fuliyaan dhamaan hay’adaha sare ku xusan gaar ahaan kuwa amniga, Socdaalka iyojinsiyadda iyo Maareeyaha garoonka in si kumeel gaar ah loo xiray dhamaan howlihii terminal-ka MoveCon, ilaa iyo amar dambe laga bilaabo 10/04/2022. ” The Minister of Interior Security @AbdullahiMNOR has instructed Immigration Authority to cancel permanently the work permit visa of AmbFMadeira who was recently declared persona non grata by Somali Government. #Somalia pic.twitter.com/ZN

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliya oo gaarey magaalada Baydhabo

Jimcihii, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug iyo sidoo kale Xildhibaano iyo Senatarro ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa gaaray Magaalada Baydhabo .  Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Laftagareen ayaa kula kulmay Garoonka Diyaaradaha. Labada mas’uul ayaa ka wada hadli doona doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. The President of Somalia’s #Galmudug State along with Federal MPs and Senators arrived in #Baidoa town on Friday. His #Southwest State counterpart, @Laftagareen has received them at the Airport. The two leaders will discuss on elections of House of People of Federal Parliament. pic.twitter.com/adyLu5V9i1 — SNTV News (@sntvnews1) April 8, 2022

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya in uu 48 saac gudahood uga baxo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC), Danjire Francisco Madeira in uu ku kacay falal aan waafaqsaneyn maqaamkiisa, waxaana lagu amray in uu 48 saac gudahood uga baxo Soomaaliya. Warqada kaso baxdey xafiiska Raisul wasaaraha ayaa lagu xusey seddexdan qodob: Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa sharaf u ah in uu ogeysiiyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika in Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqdo in uu ka qeyb galayo Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC), Danjire Francisco Madeira persona non grata Falal aan waafaqsanayn maqaamkiisa wakiilnimo ee guddiga Midowga Afrika laguna amray in uu 48 saac gudahood uga baxo Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay ka codsanaysaa Guddiga Midowga Afrika inay u yeeraan Danjire Francisco Madeira oo ay u hoggaansamaan codsigan. Waxaan soo dhaweyneynaa howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya

Beesha Caalamka ayaa ku boorisay dadaalka ugu dambeeya ee lagu dhameystirayo hanaanka doorashada Soomaaliya.

In ka badan 91% kuraasta Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa la doortay. Kaliya Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaan wali la dhameystirin. Beesha caalamku waxay ku boorinayaan madaxda siyaasadda Soomaaliya inay helaan is-afgarad ballaaran. War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “Maamul Goboleedka Hirshabeelle iyo Jubbaland oo kaliya ayaan wali soo dhameystirmin hanaanka doorashada Golaha Shacabka. Waxaan ku boorrinaynaa inay sidaas sameeyaan si aan dib-u-dhac lahayn, oo ay mudnaanta u siiyaan wadahadalka iyo wadatashiga lagama maarmaanka ah si loo soo gabagabeeyo qabanqaabada doorashada - gaar ahaan Jubaland - si loo hubiyo in beelaha ay khusayso ay matalaad ku yeeshaan Baarlamaanka soo socda. Waxaan ku ammaaneynaa dhammaan kooxaha hirgelinta doorashada dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka sida ay u soo gudbiyeen dukumeentiyada kooxda hirgelinta doorashada federaalka ( FEIT ) iyadoo la eegayo dhaarinta xubnaha cusub ee

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Xilkii ka qaaday Xubno ka mid ah FEIT soona saarey Awaamiir kusaabsan Doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya , Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa bogaadiinta   dadaallada Guddiga FEIT kadib kula dar daarmayaa xubnaha dhiman in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku qaataan shahaadadooda xildhibaannimo, isla markaana ay u diyaar garoobaan sidii xildhibaanada loo dhaarin lahaa si ay u gudan karaan waajibaadkooda dastuuriga ah. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaruhu ayaa sheegey in uu la socdo ficillada gurrucan ee maalmihii dambe socday, kuwaas oo la doonayay in lagu carqaladeeyo  hirgalinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee uu soo saaray Guddiga FEIT . Waxaa xubinnimada guddiga laga saaray 1. Maxamed Xasan Maxamed Cirro oo lagu baddelay   Mudane Irshaad Maxamuud Sheikh Daahir 2. Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadam oo lagu baddelay  Mudane Xasan Cali Yuusuf Waxaa sidoo kale digniin kama dambeys ah la siiyay  xubnaha kala ah: 1. Yuusuf Cabdikheyr Cabdinuur 2. Cabdinaasir Maxamed Guuleed 3. Cabdijabbaar Cabdullaahi Faarax 4. Axmed Aad

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo lacag gurmad ah u amray Soomaaliland.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in dowladda iyo ganacsatada Muqdisho ay ugu deeqeen lacag dhan 3 milyan oo dollar si loogu caawiyo dadkii ku hanti beelay dabkii dhawaan ka kacay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland . Sido kale Ra’iisul Wasaaraha waxa uu amray in degdeg loo sii daayo $11,700,000 (Kow iyo Toban Milyan & Todoba Boqol oo Kun oo Doolar) oo ku jira xisaabaadka dawladda Faderaalka, deeqda lacagta ah ee Somaliland si loogu gurmado dabkii qabsaday suuqa weyn ee Hargeysa. PM @MohamedHRoble has instructed the financial institutions to release close to $12 million from International Community earmarked for #Somaliland development projects to hasten the emergency response to the devastating inferno that swept through Waaheen market in #Hargeisa . pic.twitter.com/ACPdx7nmth — SNTV News (@sntvnews1) April 3, 2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa u hambalyeeyay guddiga FEIT ee guddoonsiiyay shahaado BFS.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble , Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa ugu hambalyeeyay Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ee billowday shahaado-siinta Xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad ee Sabtidii lasoo doortay. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u hambalyeeyay Xildhibaanadii ugu horeeyay ee maanta shahaadooyinka helay, isagoo kalsooni ka muujiyay in la soo gaba gabeyn doono abaal marinta iyo dhaarinta Xildhibaanada ka hor inta aan la gaarin waqtiga kama dambeysta ah. Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shahaadooyin rasmi ah ka qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. H.E. Prime Minister @MohamedHRoble congratulates FEIT for announcing the results of the elected MPs of the House of People & the Upper House in accordance with the electoral process agreed upon, urges them to adhere to the swearing-in Schedule of the MPs which ends on April 14. pic.twitter.com/Ms5xAXnDxM — SomaliPM (@S

Guddiga hirgelinta doorashooyinka FEIT ayaa ku dhawaaqday in ay bilaaban doonto bixinta shahaadooyinka aqoonsiga ee Xildhibaanada iyo Senatarada cusub Sabtidan Abriil 2

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal ayaa sheegay in maalinta sabtida ah ee bisha April ay tahay 2 in warqadaha aqoonsiga/shahaadooyinka la siin doono xildhibaanada iyo senatarada cusub ee dhawaan lagu soo doortay magaalada Muqdisho. Warqad kasoo baxdey FEIT ayaa lagu yirri "Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) wuxuu ku wargelinayaa in Xildhibaanada jooga Muqdisho ay billaabanayso Barri Subax bixinta shahaadada Xildhibaannimo . Sidaas darteed, waxaa lagu wargelinayaa inay yimaaddaan Xarunta Guddiga FEIT ee Airport Hotel Saacaddu markay tahay 8:00AM (Aroornimo), Taariikhda: 02/04/2022." "Sidoo kale Xildhibaanada Gobollada iyo Dalka Dibeddiisa ku maqan waxaan ku wargelinaynaa inay yimaaddaan sida ugu dhakhsaha badan, si loo hirgeliyo Jadwalka Dhammeystirka Doorashada ee GHDHF ay soo saartay." The Federal Elections Implementation Team has announced that issuing official credentials/ certificates to the newly elected MPs and Senators