Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Xilkii ka qaaday Xubno ka mid ah FEIT soona saarey Awaamiir kusaabsan Doorashada.
Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaruhu ayaa sheegey in uu la
socdo ficillada gurrucan ee maalmihii dambe socday, kuwaas oo la doonayay in
lagu carqaladeeyo hirgalinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee uu soo
saaray Guddiga FEIT.
Waxaa xubinnimada guddiga laga saaray
1. Maxamed Xasan Maxamed Cirro oo lagu baddelay
Mudane Irshaad Maxamuud Sheikh Daahir
2. Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadam oo lagu baddelay
Mudane Xasan Cali Yuusuf
Waxaa sidoo kale digniin kama dambeys ah la siiyay
xubnaha kala ah:
1. Yuusuf Cabdikheyr Cabdinuur
2. Cabdinaasir Maxamed Guuleed
3. Cabdijabbaar Cabdullaahi Faarax
4. Axmed Aadan Dagaal
5. Sacdiyo Xasan Xuseen
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xubinnimadii ka qaaday xubno ka tirsanaa FEIT soona saaray awaamir ku saabsan doorashooyinka https://t.co/F1xFX1IEYv
— SomaliPM (@SomaliPM) April 4, 2022
Comments
Post a Comment