Skip to main content

Posts

Showing posts from August, 2021

Follow

Wararka Maanta

Hawlgallada Qarsoon ee Iiraan oo Ballaariyay: Xaqiiqda Cusub ee Amniga ee Yurub

  Xadka Difaaca: Sida Dalalka Yurub ay ula Dagaallamaan Iiraan iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed Booliska Faransiiska ayaa roondo ka sameynaya bannaanka safaaradda Iiraan ee Paris, iyagoo muujinaya tallaabooyinka amniga ee ku hareeraysan xarumaha diblomaasiyadeed ee Iiraan ee Yurub. Bilihii ugu dambeeyay, muuqaalka diblomaasiyadda caalamiga ah ayaa la kulmay isbeddel dhulgariir ah iyadoo hay'adaha sirdoonka Yurub ay sii xoojinayaan baaritaankooda ku aaddan Hawlgallada diblomaasiyadeed ee Iiraan Diiradda aan hore loo arag waxay timid iyadoo la dareemayo in caasimadaha qaaradda oo dhan ay sii kordhayaan in mudnaanta Heshiiska Vienna ay tijaabinayaan dhaqdhaqaaqyo qarsoodi ah oo sii kordhaya. Dadka siyaasadda dejiya, waagii dhacdooyinkan loola dhaqmayay sidii kuwo go'doon ah. khilaafaadka gobolka si rasmi ah ayaa loo dhammeeyay, waxaana lagu beddelay amar lagu ilaalinayo ciidda madaxbannaan ee Yurub ee ka dhanka ah hawlgallada qarsoon ee shisheeye. Marka la eego waxa dhawaan dhaca...

Midowga Musharraxiinta oo kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay qodobo badan sida Dardar gelinta howlaha doorashooyinka.

  Ra’iisul Wasaaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la yeeshay Midowga Musharraxiinta oo ay ka wada hadleen  arrimo ay ka mid yihiin; Dardar gelinta howlaha doorashooyinka Iyo in doorashadu noqoto mid hufan, daahfuran oo waqtigeeda ku dhacda Midowga Murasharaxiinta ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay talooyin ku aaddan turxaanbixinta iyo kala caddeynta qodobbada qaar ee ku xusan habraacii arrimaha doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranku soo saareen 24-kii bishan. Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharraxiinta ayaa isla gartay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo bilaabista wajiga labaad ee doorashada Golaha Shacabka ee BFS, si dhowna looga wada shaqeeyo arimaha u baahan kala cadeeynta.

Afar qodob ayey kaso saaren Midowga Musharixiinta kulanki ay yeesheen sheley.

  Kulan ay ku yeesheen Xubnaha Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha magaalada Muqdisho ayay ugaga hadleen xaaladda dalka gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka. Kulankan ayaa waxaa ay Midowga Musharixiinta diirada ku saareen culeysyada kajira dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka. Gabagabadii kulankan ayaa waxa ay Midowga Musharaxiinta ay ka soo saareen afar qodob oo kan ugu horeeya uu yahay dib u dhaca doorashada iyo mugdiga uu galay ayna Bulshada Soomaaliyeed ka niyad jabeen , isla markaana uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo. Sidoo kale Golaha Midowga Musharixiinta ayaa sheegay inay u taagan yihiin in dalkaan doorashooyin xur iyo xalaal ah oo la isku haleyn karobay ka dhacaan. Midowga ayaa xusay in ay wadahadalo la leeyihiin Golaha wadatashiga doorashoiyinka sigaar ah dowlad Goboleedyada, iyaga oo u gudbiyay tabashada ay ka qabaan habraaca doorashada, wixii kasoo baxana ay Bulshada la wadaagi doonaan. Ugu dambeyntii Golaha Midowga Mush...

MARWADA KOOWAAD EE DALKA OO XARIGGA KA JARTAY ISBITAALKA MAGAALADA BARAAWE.

Muqdisho, Ogoosto 28, 2021; Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo xarigga ka jartay isbitaalka hooyada iyo dhallaanka magaalada Baraawe ayaa ku bogaadisay bulshada deegaanka sida ay ugu garab istaageen hirgelintiisa.  Marwo Saynab oo ka warbixisay qorshaha lagu hirgeliyey Isbitaalkan ayaa tilmaamtay in muhiimad weyn uu u leeyahay dadka ku dhaqan magaalada Baraawe iyo deegaannada kale ee ku xeeran oo baahi weyn u qabay adeeg caafimaad oo tayo leh. “Caafimaadku waxa uu ka mid yahay adeegyada aasaasiga u ah bulshada, sidaas awgeed Isbitaalkan waxa aan ugu talo galnay wax ka qabashada dhibaatooyinka caafimaad ee soo wajaha hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Baraawe iyo deegaannada kale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.” Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa adkeysay muhiimadda ilaalinta xarumaha danta guud, iyada oo kula dardaarantay bulshada Baraawe in ay ilaashadaan dhismaha iyo agabka kale ee yaalla xarunta oo ah mid casri ah. ...

Sareeye Guuto Maxamed Sheekh Madoobe oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

  Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed  Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa tacsi u diray Taliyaha Ciidanka xoogga dalka iyo dhammaan Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed iyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariiste Taliyaha Howlgalinta ciidanka xoogga Soomaaliyeed sareeye Guuto Maxamed Sheekh Madoobe oo shalay ku geeriyooday dalka Turkiga. Taliye Xijaar ayaa Alle uga baryay marxuumka in jannadii fardowsa rabi ka waraabiyo.

Nin gabar lix sanno jir ah afduub iyo kufsi isugu darey oo la xukumey.

  Maxkamadda gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa maanta soo gaba-gabeysay dacwad ka dhan ah eedeysane Maxamed Cabdi Dhoore oo loo heesto inuu afduub iyo kufsi u geystay gabar yar oo lix sano jir ah.  Maxkamadda ayaa shaaca ka qaaday in Dhoore uu falkan geystay 19-kii bishan August, isla-markaana uu ka dhacay  deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, waxaana la sheegay in gabadha uu falkaasi ka soo gaaray dhaawac xoog leh.  Ugu horreyn xeer ilaalinta maxkamadda ayaa goobta ku soo bandhigtay qiraal laga qoray eedeysanaha iyo caddeymo kale oo muujinaya, sida uu falka u dhacay oo ay ka mid yihiin warqadda dhaqtarka, dharkiii gabadhu xirneyd iyo sawirrada goobta laga soo qaaday, iyada oo xeer ilaalinta ay dalbatay in loo cuskado ciqaabta la marsiinayo eedeysanaha. Sidoo kale qareenada difaacayey eedeysanaha oo dhankooda ka hor hadlay maxkamadda ayaa ka dalbaday in eedeysanaha loo qafiifiyo xukunka , iyadoo la eegayo qiraalkiisa.  Inta...

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo ururada Qaramada Midoobey sida UNICEF, WFP, UNFPA, iyo kuwo kale ayaa kormeerayay xerooyinka ee degmada Qansaxdheere.

  Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo wafdi balaaran oo isugu jira hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay, ee kala ah UNOCHA, UNICEF, WFP, UNFPA iyo kuwa kale oo gaaray degmada Qansaxdheere ayaa kormeeray xeryahah barakacayaasha. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Diini Cabdinuur Maxamed oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda ay la xiriirtay u kuurgelidda xaaladda Beni’aadannimo ee ka jirta degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay, iyagoo warbixinno ka dhageystay Maamulka Degmada iyo dadka ku nool xeryaha barakacayaasha. Mudane Diini Cabdinuur Maxamed ayaa xusay inay ka jawaabi doonaan baahiyaha ka jirta degmada, iyagoo la kaashanayo hay’adaha samafalka, ayna xoogga saari doonaan wax u qabashada dadka ay go’doomiyeen argagixisada Al-Shabaab. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiib...

Golaha Wakiilada Qaran ayaa xaqiijiyey in ay ka go’antahay xaqiijinta matalaadda haweenka 30% ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan madaxda Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa kulan la yeeshay Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee goleyaasha BFS, iyagoo u xaqiijiyay in ay Golaha Wadatashiga Qaranka ka go’an tahay xaqiijinta matalaadda haweenka ee BFS.

War-murtiyadeed laga soo saaray shirki Golaha Wadatashiga Qaran oo kasocdey magaalada Muqdisho.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa war-murtiyeed kasoo saaray shirki labadii maalmood  21-22 Agoosto, 2021 kado kasocday magaalada Muqdisho, kaasi oo heshiis looga gaaray habraacyada doorashooyinka dalka. War-murtiyeedka kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa lagu soo saaray 7-habraac oo looga heshiiyey doorashooyinka. Ayado faahfaahsan hoos kaga bogo.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka furmay Muqdisho.

  Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka furmay Muqdisho, kaasoo looga hadlayo dardargelinta howlaha doorashooyinka, diyaarinta habraacyada doorashada  Golaha Shacabka , raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroonin iyo sidii horey loogu wadi lahaa doorashooyinka dalka ka bilowday. Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kaqeyb galay dhammaan mamul gobolyeeyada iyo duqa magaalada Muqdisho. Shirka oo si rasmi ah u furmey ayaa socon doona maalmaha soo socda kadib marki laisku afgartey intu socon doono.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO CASHO SHARAF KU MAAMUUSAY WAFDIGA TURKIGA IYO DIBLOMAASIYIINTOODA U JOOGA SOOMAALIYA.

  Muqdisho, Ogoosto 20, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan casho sharaf ah oo ka dhacay Madaxtooyada Qaranka ku maamuusay diblomaasiyiinta iyo wafdiga Dowladda Turkiga ee ka qeyb galay munaasabadda xuska 10 sano guurada ka soo wareegtay dib u cusbooneysiinta xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.  Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xiriirka faca-weyn ee ka dhaxeeya dadka Soomaaliyeed iyo walaalahooda Turkiga uu yahay mid ku dhisan wax wada-qabsi iyo is ixtiraam, shacabka iyo dowladda Soomaaliyeedna waxa ay abaal uga hayaan Dowladda Turkiga garab istaagga taariikhiga ah. " Xiriirka Soomaaliya iyo Turkigu waa mid soo jireen ah oo ku siman ilaa xilligii Boqortooyada Cusmaaniyiinta. Maanta xiriirkeenna diblomaasiyadeed ee dhidibbada adagi waxa uu u abuuray labadeenna dowladood fursado badan oo ah dhinacyada Ganacsiga, Amniga iyo is-dhexgalka labadeenna shacab.” Madaxweyne Farmaajo ayaa dul istaagay guulaha wax ku oolka ah ee...

Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Ruushka u qaabilsan Bariga dhaxe iyo wadamada Afrika oo nuqul ka mid ah warqada aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Soomaaliya u magacowday dalkaas.

  Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka ee Xiriirka Ruushka   dalalka Bariga Dhexe iyo Qaaradda Afrika ahna Wasiir Ku -xigeenka Arrimaha Dibadda ee Ruushka ML    Bogdanov ayaa qaabilay safiirka Jamhuuriyadda Federaalka ee   Soomaaliya u magacowday   dalka Ruushka Xasan Cabdi Daaud.   Safiirka ayaa nuqul ka mid ah warqadahiisa aqoonsiga Safiirnimo waxaaa guddoonsiiyay Erayga gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka u qaabilsan Bariga dhaxe iyo Dalalka Afrika. Dhinacyada ayaa diiradda isla saaray xiriirka qotada dheer ee u dhaxeeya labada wadan ayaga oo xoogga saaray wada-hadalka siyaasadeed iyo ballaarinta xiriirka ganacsi iyo midka dhaqaale ee labada dhinacba.   Waxaa sido kale labada dhinac ay si xiiso leh uga wada hadleen kor u qaadista geeddi -socodka bulshada iyo siyaasadda Soomaaliya Isla mar ahaantaana, dhinaca Ruushku wuxuu xaqiijiyay taageerada joogtada ah ee dadaallada ay Soomaalidu ugu jirto samaynta hay'ado dimuqraadi ah oo awood leh s...

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqday jaamacada carabta ee Qaahira.

Ra'iisul Wasaaraha XFS oo safar shaqo ah kujooga dalka Masar ayaa booqday Jaamacadda Carabta ee Qaahira, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abulqeyd. Xog-hayaha Jaamacadda Carabta oo Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay booqashadiisa ayaa warbixin ka siiyay qaab howleedka JC isagoo ku soo wareejiyay qeybaha ay ka kooban tahay.   Dr. Axmed Abulqeyd ayaa ku ammaanay Ra’iisul Wasaaraha kaalintiisa hoggaamineed ee arrimaha doorashooyinka iyo dib- u heshiinta, isagoo ballan qaaday in Jaamacadda Carabtu ay taageero dhan walba ah la garab joogto Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.   Ra'iisul Wasaare Rooble, ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhaweynta diirran, isagoo caddeeyay in Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, ay taageero weyn ka filayso saaxiibadeeda JC, gaar ahaan xilligan xasaasiga ah ee doorashada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya oo booqashado kutagey dalka Masar ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha Masar Moustafa Madbouly iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada.

       Maxamed Xuseen Rooble, Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo koox uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda Masar, halkaasoo ay si wanaagsan ugu soo dhaweeyeen Ra'iisul Wasaaraha Masar Moustafa Madbouly iyo mas'uuliyiin kale.      Booqasho uu ku tagay dalka Masar, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdiga la socda ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha Masar iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, iyadoo diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga saaxiibtinimo, iyo sidoo kale sidii kor loogu qaadi lahaa. deeqaha waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed, fududeynta safarka, ganacsiga, iyo maalgashiga.  

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa waxa uu shir guddoomiyay kulan ku qabsoomay habka fogaan aragga oo ay ka qeyb galeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

  Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan hiigsi ah la qaatay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ka mid yihiin Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, iyo Gobolka Banaadir.   Golaha Wadatashiga Qaran ayaa go’aamiyay in ay Muqdisho ku kulmaan 19 -ka Ogosto si ay uga wada hadlaan u diyaargarowga doorashooyinka Baarlamaanka soo socda, habraaca doorashada, iyo maalgelinta doorashada  iyo sida loo sii wado.   Ra'iisul Wasaare , Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhiiri geliyey dowladaha inay dardar geliyaan hirgelinta doorashooyinka Aqalka Sare si looga baaqsado dib -u -dhac loona gaaro jadwalka doorashooyinka.

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo oo u asteeyey 14-ta Ogosto maalinta la dagaalanka musuq-maasuqa Soomaliya.

  Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay munaasabadda daah-furka g uddiga madaxa-bannaan ee la dagaallanka musuq-maasuqa, kaas oo dalka u hoggaansami doona xeerarka caalamiga ah ee la dagaallanka musuqmaasuqa.   Markii ugu horreysay tan iyo burburkii dowladdii dhexe, Soomaaliya waxay yeelan doontaa guddiga la dagaallanka musuqmaasuqa. madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale 14-ka Ogosto u asteeyey inay tahay maalinta La dagaalanka musuq-maasuqa Soomaaliya.   Madaxweynaha JFS ayaa yiri. "Si aan uga mira dhalino hiigsigeena ku aaadan gaaridda dowlad wanaagga 14 Augusto waxaan u asteynay maalinta la dagaalanka musuq-maasuqa Soomaaliya"

Madaxweynaha Dowladda-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Lafa Gareen oo soo dhameystirey Liiska xubnaha aqalka sare.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Lafta gareen ayaa soo Dhammaystiray Liiska tartamayaasha Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka. Halkan ka daalaco.

Raisul Wasaaraha Xukumada Federaalka Soomaaliya oo kulan la qaatay ganacsatada ku dhaqan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ee dalka Kenya .  Kulanka oo ahaa mid soo dhaweyn ah ayaa ganacstada waxa ay uga xog warameen Ra’iisul Wasaaraha ganacasiga Soomaalida ay ku leeyihiin Kenya , horumarka ay sameyeen iyo caqabadaha heysta xilligan. Ganacstada ayaa u soo jeedinayaan talooyin ay u arkaan in lagu hagaajin karo xoojinta xiriirka labada dal .

Soomaaliya oo ka qeybgaleysa shirweynaha midowga boostada adduunka.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo TeknoolojiyadaXukuumadda Soomaaliya,  Cabdi Sheekh Axmed, ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha Midowga Boostada Adduunka oo ka furmay caasimadda dalka Ivory Coast ee Abidjan. Shirweynahan oo sanadkii hore u baaqday cudurka coronavirus awgiis, waxaa looga hadlayaa arrimo badan oo khuseeya Boostada Adduunka, waxaana ugu weyn doorashada Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka iyo guddiyada ugu sarreeya Midowga, kuwaas oo howgali doona afarta sano ee soo socota. Furitaanka kadib, Wasiirku wuxuu shir-doceed la yeeshay Agaasimaha xilka wareejinaya ee UPU, Bishaar Xuseen oo ururka madax ka ahaa sagaalkii sano ee la soo dhaafay, isagoo uga mahadceliyay kaalintii uu ka geysatay soo-nooleynta Boostada Soomaaliya iyo inay soo ceshato xubinnimadeedii.Soomaaliya ayaa soo ceshatay xubinnimada buuxda ee UPU sanadkii 2019-ka, waxayna tani noqoneysaa doorashadii ugu horreysay ee madaxda Wasaaraddu ka qeybgalaan tan iyo burburkii dalka ka dhacay.

Dowlad goboleedka Puntland oo soo saartey liiska musharixiinta u taagan 11 -ka kursi ee Aqalka Sare.

  Dowlad goboleedka Puntland ee xubnaha ka ah federaalka ee Soomaaliya ayaa soo saartay liiska musharixiinta u taagan 11 -ka kursi ee Aqalka Sare. Saddex ka mid ah kuraasta ayaa waxaa ku loolamaya dhammaan musharrixiinta haweenka ah, taas oo xaqiijinaysa in Puntland ay yeelato saddex haween ah oo loo doorto Golaha Guurtida. Halkan kadaalaco.

Raisul Wasaaraha xukumada Federaalka Soomaaliya oo kulan la yeeshey Madaxweynayaashi hore Shariif Sh. Ahmed iyo Hassan Sh. Maxamuud.

  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa kulan is xog wareysi xaaladda dalka iyo doorashooyinka waxa uu hoygiisa kula yeeshay Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Shariif Sh. Ahmed iyo Xasan Sh. Maxamuud.  Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sii wada kulamada gaar gaarka ah ee uu la yeelanayo Musharaxiinta iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed si ay doorashooyinka ugu qabsoomaan jawi xasiloon.

Ra’isul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo war Murtiyeed kaso saarey Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka.

   Sida ay lawada socdaan bulshada Soomaaliyeed,  Dalku waxa uu ku jiraa marxalad adag oo dhammaan hay’adaha Dastuuriga ah uu ka dhamaaday muddo-xileedkoodii caadiga ah loona baahanyahay in si xilkasnimo leh looga gudbiyo dalka marxaladan kala guurka ah. Ra’iisul Wasaare  Maxamed Xuseen Rooble iyo Xukuumaddiisu waxa ay xilka fulinta ee Dalka la wareegtay xilli aad u adkaa oo Soomaaliya ay wajahaysay xiisado gudaha iyo dibadda ah, kuwaas oo keenay in lagu sigto in dalku uu ku noqdo burbur iyo colaado sokeeye. Ra’iisul Wasaarahu isaga oo maanka ku haya mas’uuliyadda Qaran ee saaran waxa uu dadaal wayn ku bixiyay sidii dalka looga badbaadin lahaa marxaladaas adag, wuxuuna u hawlgalay sidii loo dajinlahaa Xiisadaha Gudaha iyo kuwa dibadda, iyadoo la ilaalinayo danaha Shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiiradu waxeey ku guulaysteen toban bilood ka dib in uu muuqdo isbadal wayn oo ku yimid muuqaalka qaranka ee gudaha iyo dibadda, taas oo keentay in m...

Ra’isul Wasaaraha u hambalyeey guddoonka Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT.

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u hambalyeey xubnaha Guddoonka Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT ee  Sabtidi  is doortay.  Ra’isul Wasaaraha ayaa ku booriyay xubnaha guddoonka la doortay in ay dargaliyaan sida ugu dhaqsaha badan doorashooyinka  iyaga oo kaashanaya Guddiga heer Federal ee FEIT. Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sheegay uu sii wadi doono waan waantii uu ka dhex waday siyaasiyiinta Somaliland ee ay kala hogaamiyaan Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’isul Wasaare ku xigeen Mahdi Guuleed.

Maant iyo Soomaaliya

Soomaaliya iyo Jarmalka Oo Xoojinaya Xiriirkooda

  Kulan Taariikhi ah: Xoojinta Iskaashiga Siyaasadeed iyo Dhaqaale ee Soomaaliya iyo Jarmalka Dowladdaha Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa si xooggan u ballaarinaya xiriirkooda laba geesoodka ah, iyagoo ka wada hadlay hindiseyaal cusub oo diblomaasiyadeed iyo dhaqaale. Kulan heer sare ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga siyaasadda iyo horumarinta si loo kobciyo is-dhexgalka iyo xasiloonida hay'adaha dowladda. Intii ay socdeen wadahadalladan istiraatiijiga ah, mas'uuliyiintu waxay muujiyeen in si dhab ah looga go'an yahay balaarinta wada-shaqeynta baarlamaanka ee u dhexeysa labada dal. Sidoo kale, madaxda ayaa ka hadlay fursadaha muhiimka ah ee lagu dhisayo iskaashi xooggan oo dhexmara ganacsiyada Soomaaliya iyo kuwa Jarmalka , iyadoo ujeedadu tahay in la kobciyo adkeysiga dhaqaalaha, la dhiirigeliyo maalgashiga maxalliga ah, lana fududee...

Hawlgallada Qarsoon ee Iiraan oo Ballaariyay: Xaqiiqda Cusub ee Amniga ee Yurub

  Xadka Difaaca: Sida Dalalka Yurub ay ula Dagaallamaan Iiraan iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed Booliska Faransiiska ayaa roondo ka sameynaya bannaanka safaaradda Iiraan ee Paris, iyagoo muujinaya tallaabooyinka amniga ee ku hareeraysan xarumaha diblomaasiyadeed ee Iiraan ee Yurub. Bilihii ugu dambeeyay, muuqaalka diblomaasiyadda caalamiga ah ayaa la kulmay isbeddel dhulgariir ah iyadoo hay'adaha sirdoonka Yurub ay sii xoojinayaan baaritaankooda ku aaddan Hawlgallada diblomaasiyadeed ee Iiraan Diiradda aan hore loo arag waxay timid iyadoo la dareemayo in caasimadaha qaaradda oo dhan ay sii kordhayaan in mudnaanta Heshiiska Vienna ay tijaabinayaan dhaqdhaqaaqyo qarsoodi ah oo sii kordhaya. Dadka siyaasadda dejiya, waagii dhacdooyinkan loola dhaqmayay sidii kuwo go'doon ah. khilaafaadka gobolka si rasmi ah ayaa loo dhammeeyay, waxaana lagu beddelay amar lagu ilaalinayo ciidda madaxbannaan ee Yurub ee ka dhanka ah hawlgallada qarsoon ee shisheeye. Marka la eego waxa dhawaan dhaca...

Wasiirka Difaaca Oo U Digay Mucaaradka

 Tallaabooyin Adag oo Loo Qaadayo Ilaalinta Xasiloonida Caasimadda Muqdisho Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee waqtigeedu dhammaaday, Axmed Macallin Fiqi, ayaa digniin adag u diray siyaasiyiinta mucaaradka isagoo uga digay in la qaado tillaabooyin ujeeddadoodu tahay in la carqaladeeyo amniga caasimadda Muqdisho. Ujeedada ugu weyn ee hadalkan ayaa ah in laga hortago abaabul kasta oo maleeshiyo hubeysan oo dhaawici kara xasiloonida magaalada. Wasiirka ayaa si cad u sheegay in xukuumadda federaalku aysan marnaba u dulqaadan doonin isku-day kasta oo hoos u dhigaya amniga guud, isagoo si gaar ah digniin u siiyay mucaaradka in ay iska fogeeyaan abaabulka kooxo hubeysan xilligan ay taagan yihiin xiisadaha siyaasadeed ee dalka. Wasaaradda ayaa caddeysay in haddii mucaaradku isku dayaan abaabul maleeshiyo, in si adag loola tacaali doono. Isagoo muujinaya qiimaha qaaliga ah ee lagu bixiyay nabadgelyada, wasiirku wuxuu xusay in naf iyo hanti badan loo huray sugidda amni...

Flydubai oo soo bandhigtay duulimaad toos ah oo isku xiraya Dubai iyo Muqdisho

Maalintii Khamiista ayay ahayd markii shirkadda diyaaradaha ee Flydubai ay bilowday duulimaad toos ah oo isaga kala gooshi jiray Dubai iyo Muqdisho. Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo degtay diyaaradii ugu horeysay oo nooceedu yahay Boeing 737 Max oo rakaab ka soo qaaday magaalada Dubai. The Minister of Transport and Civil Aviation, @fardowsaegal welcomed @flydubai ’s first flight to #Mogadishu ’s Adan Abdulle International Airport, on Thursday. The Airline will do daily flight connecting Mogadishu and #Dubai . #Somalia pic.twitter.com/T4W5lKLDch — SNTV News (@sntvnews1) March 9, 2023 Shirkadda ayaa horay u sheegtay in 14-ka Febraayo 2023 ay billaabeyso duulimaad toos ah oo u dhaxeeya Dubai iyo Muqdisho, iyadoo qorshuhu yahay in tiradaas la gaarsiiyo laba jeer maalin kasta 1-da June. , Jabuuti, Entebbe, Hargeysa, Khartoum, Juba, iyo Zanzibar ee Afrika. Adeeggan cusub ayaa lagu dari doonaa shabakadaas. Muqdisho waa magaalada labaad ee Soomaa...

Privacy Policy