Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Kala-xirnaanta Marinka Hormuz: Khatarta ka dhalatay Go’aanka Iiraan iyo Saamaynta Suuqa Shidaalka Dunida

  Khatarta ka dhalatay Xiritaanka Marinka Hormuz iyo Saamaynta Suuqa Shidaalka Go’aanka ay dowladda Iiraan ku dhowaaqday ee ku aaddan in la xiray Marinka Hormuz ayaa dhaliyey hadal-hayn xooggan iyo baqdin weyn oo laga qabo inuu khalkhal xooggan galo suuqa tamarta ee caalamka. Marinkani waa halbowlaha ugu muhiimsan ee loo maro dhoofinta shidaalka iyo gaaska dunida, waxaana maalin walba mara qiyaastii boqolkiiba labaatan ee sahayda shidaalka caalamka laga isticmaalo. Tallaabadan ay qaadeen ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa timid xilli ay cirka isku shareertay xiisadda kala dhaxaysa quwadaha reer Galbeedka, taas oo keentay in maraakiibta shidaalka qaada ay bilaabaan inay ka baaqsadaan maraan halkaas iyagoo ka cabsi qaba weeraro ama in la qafaasho. Saamaynta Dhaqaalaha iyo Qiimaha Shidaalka ee Dunida Khatarta ugu weyn ee ka dhalanaysa xiritaanka marinkan ayaa ah sare u kaca degdega ah ee ku imaanaya qiimaha shidaalka cayriin ee suuqyada caalamka, maadaama yaraanta sahaydu ay hors...

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo ururada Qaramada Midoobey sida UNICEF, WFP, UNFPA, iyo kuwo kale ayaa kormeerayay xerooyinka ee degmada Qansaxdheere.





 Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo wafdi balaaran oo isugu jira hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay, ee kala ah UNOCHA, UNICEF, WFP, UNFPA iyo kuwa kale oo gaaray degmada Qansaxdheere ayaa kormeeray xeryahah barakacayaasha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Diini Cabdinuur Maxamed oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda ay la xiriirtay u kuurgelidda xaaladda Beni’aadannimo ee ka jirta degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay, iyagoo warbixinno ka dhageystay Maamulka Degmada iyo dadka ku nool xeryaha barakacayaasha.

Mudane Diini Cabdinuur Maxamed ayaa xusay inay ka jawaabi doonaan baahiyaha ka jirta degmada, iyagoo la kaashanayo hay’adaha samafalka, ayna xoogga saari doonaan wax u qabashada dadka ay go’doomiyeen argagixisada Al-Shabaab.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in Degmooyinka kale ee Gobolka Baay ay kormeer ku tegi doonaan maalmaha soo socda si gurmad beni’aadannimo loogu sameeyo dadka ku dhaqan Koonfur Galbeed.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Afrika Oo Iskaashanaysa: Dagaalka Laga Galay Xididka Argagixisada Iyo Doorka Muhiimka Ah Ee Kenya

  Go'aanka Kenya ee lagu mamnuucay Ikhwaanul Muslimiinka iyo hoggaaminta geesinimada leh ee Madaxweynaha Muslimka ah ee Burkina Faso ee ka dhanka ah argagixisada Islaamka, waxay caddayn u yihiin in qaaradda Afrika ay si mideysan u hor istaagtay jihaadka caalamiga ah. Ikhwaanul Muslimiinka Iyo Mishiinka Aragtida Xagjirka Ah Tallaabada Kenya ee lagu mamnuucay Ikhwaanul Muslimiinka waxay si toos ah ula tacaalaysaa aragtida aasaasiga u ah kooxaha argagixisada ee gobolka. Ikhwaanul Muslimiinka ma ahan oo kaliya koox siyaasadeed, balse waa mishiinka aragtiyeed ee ka dambeeya Al-Shabaab, Boko Haram, iyo xagjirayaasha kale ee dhibaatooyinka ka wada qaaradda Afrika. Fikradda Ikhwaanka ayaa ah tan siinaysa kooxaha argagixisada awood ay ku: Xasillooni darrada ka wadaan dalalka. Ka faa’iidaystaan faqriga si ay u qoraan xubno cusub. Dhalinyarada ka dhigaan xagjir iyagoo ka faa’iidaysanaya shucuurta diiniga ah. In la mamnuuco Ikhwaanka waxay la macno tahay in la gooyo xididka aragtiyeed e...

Privacy Policy