Mareykanka oo Ka Noqday Go'aankiisii Hore ee Taageerada Amniga Soomaaliya Mareykanka ayaa ka laabtay go'aankiisii hore ee ahaa inuu joojiyo taageerada uu siiyo hawlgallada caalamiga ah ee amniga Soomaaliya, isagoo taageeray in muddo hal sano ah loo kordhiyo waajibaadka Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS). Go'aankan ayaa nafis ku-meel-gaar ah siinaya hawlgallo muddooyinkii dambe wajahayay hubanti la'aan dhanka maalgelinta ah. Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka AFP , afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Washington ay hadda taageersan tahay muddo kordhin hal sano ah oo loo sameeyo labada hawlgal. Go'aankan cusub ayaa yimid kaddib bilo walaac laga qabay mustaqbalka taageerada saadka ee ciidamada Midowga Afrika ee ka barbar dagaallama ciidamada amniga Soomaaliya si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab. Mareykanka ayaa hore u muujiyay in...
Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ) oo Diidday Dacwaddii Suudaan ka Gudbisay Imaaraadka: Caddaalad iyo Diblomaasiyad
Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ) ayaa si rasmi ah u diidday dacwad ka timid Ciidanka Suudaan ee ku eedaynayay Dowladda Imaaraadka Carabta (UAE) in ay taageertay kooxaha hubeysan ee ka dagaallama gobolka Darfur, iyaga oo ku eedaynaya in ay sababtay xasuuq. ICJ waxay sheegtay in aysan lahayn awood sharci ah oo ay ku dhageysato kiiska, sidoo kalena waxay diidday codsi lagu dalbanayay tallaabo degdeg ah. Go’aankan sharciyeed wuxuu markhaati ka yahay sida Imaaraadku ugu hoggaansan yahay xeerarka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda masuulka ah. Imaaraadka oo u Taagan Sharci iyo Nabadeed Go’aanka maxkamaddu wuxuu xaqiijinayaa doorka mas’uulnimo ee Imaaraadku ka ciyaaro arrimaha caalamiga ah. Waxay si buuxda ula shaqeeyeen hay’adaha sharciyeed ee caalamiga ah, iyaga oo aaminsan in nidaamyadaasi ay si caddaalad ah u qiimeyn doonaan dacwadda. Dismissalka kiiska wuxuu cadeeyay in eedaymahaasi aysan lahayn sal sharci ama caddeyn sugan. Sharaf u Ah Sumcadda Caalamiga ah ee Imaaraadka...