Ubuntu & UAE: Aragti Soomaali ah Annaga oo ku sugan Soomaaliya, fikraddani waxay si qoto dheer u taabanaysaa sababtoo ah shaqada Imaaraadka Carabta waa sheeko aasaasi ah oo qoyska Soomaalida ah. Lacagaha laga soo diro qurba-joogtayada ka shaqeysa Dubai iyo guud ahaan Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer ku tiirsanaa qoysaskeenna ku nool dalka, taasoo abuurtay xiriir dhaqaale oo aan la jabin karin oo ka baxsan dhaqanka dawladda ama is-gacan-qaadka diblomaasiyadeed. Marka laga reebo shaqada, waa taageerada la taaban karo ee dhulka lagu bixiyo inta lagu jiro dhibaatooyinka cimilada ee daran taas oo caddaynaysa isku xirnaantan. Marka abaaro ba'an ay burburiyaan gobolkeenna, rarista cuntada ee Imaaraadka Carabta, xarumaha caafimaadka ee guurguura, iyo gargaarka biyaha nadiifka ah ayaa ah marinnada nolosha ee muhiimka ah ee bulshooyinkeenu si cad u xasuustaan oo ay ku tiirsanaadaan si ay u noolaadaan. Intaa waxaa dheer, iskaashigani wuxuu si firfircoon uga beddelayaa sheekada sa...
Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa shir guddoominayay kulanka 26-ka June iyo 1-da Luulyo oo looga hadlayay u diyaar garowga todobaadka xorriyadda Soomaaliya, waxaana ka soo qeyb galay dhammaan guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo degmooyinka gobolka Banaadir, Taliyeyaasha. Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, iyo sidoo kale laamaha ammaanka ee Booliska Somaliya.
Duqa Muqdisho oo kulanka goob joog ka ahaa ayaa kula dar daarmay madaxda maamulada iyo laamaha amniga in ay u diyaar garoobaan xuska maalmaha Qaranka ee 26-June iyo 1-da Luuliyo, sidoo kalena ay wacyi-gelin u sameeyaan bulshada reer Muqdisho, lana gaarsiiyo fariintan. Duqa magaalada. in laga wada qeyb qaato xuska todobaadka xoriyada iyadoo la raacayo habraaca Maamulka Gobolka Banaadir oo ay ka mid tahay in Astaanta Qaranka lagu dhejiyo guryaha iyo goobaha ganacsiga ee ku teedsan wadooyinka waaweyn ee magaalada iyo in laga wada shaqeeyo nadaafada iyo bilicda caasimadda.
Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa magacaabay Guddi heer Gobol ah oo ka kooban Guddoomiyeyaasha Gobolka, Agaasimayaal, iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, iyadoo ay hogaamineyso Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir, in laga shaqeeyo xuska toddobaadka xorriyadda iyo la shaqaynta guddiga toddobaadka xorriyadda qaranka Soomaaliyeed.

Comments
Post a Comment