Suudaan oo Wajahaysa Isbeddello Siyaasadeed: Maxay Ka Dhigan Yihiin Xiisadaha Diblomaasiyadeed? Hordhac: Dagaal Ka Baxsan Goobaha Milatari Dhibaatada Suudaan ma aha oo keliya dagaal u dhexeeya dhinacyo hubaysan. Waxa kale oo saameyn ku leh xiriirka diblomaasiyadeed, loollanka siyaasadeed iyo dadaallada lagu raadinayo mustaqbalka dalka. Qaybta koowaad ee barnaamijka Al Qissa waxay diiradda saaraysaa wararka ku saabsan safarka Abdel Fattah al-Burhan ee Maraykanka, dib u dhigista la soo sheegay ee safarkiisa Riyadh, iyo xiisadaha siyaasadeed ee Port Sudan. Daawo doodda oo dhan halkan: Qaybta koowaad ee Al Qissa . Arrimahan waxay muhiim u yihiin fahamka jihada ay u socoto siyaasadda Suudaan. Xiriirka dibadda wuxuu saameyn ku yeelan karaa wadaxaajoodyada, heshiisyada xabbad-joojinta iyo awoodda dhinacyadu u leeyihiin inay helaan taageero caalami ah. Si kastaba ha ahaatee, warbixin ku saabsan safar dib loo dhigay ma caddaynayso keligeed in xiriir diblomaasiyadeed burburay. Warbixint...
Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa shir guddoominayay kulanka 26-ka June iyo 1-da Luulyo oo looga hadlayay u diyaar garowga todobaadka xorriyadda Soomaaliya, waxaana ka soo qeyb galay dhammaan guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo degmooyinka gobolka Banaadir, Taliyeyaasha. Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, iyo sidoo kale laamaha ammaanka ee Booliska Somaliya.
Duqa Muqdisho oo kulanka goob joog ka ahaa ayaa kula dar daarmay madaxda maamulada iyo laamaha amniga in ay u diyaar garoobaan xuska maalmaha Qaranka ee 26-June iyo 1-da Luuliyo, sidoo kalena ay wacyi-gelin u sameeyaan bulshada reer Muqdisho, lana gaarsiiyo fariintan. Duqa magaalada. in laga wada qeyb qaato xuska todobaadka xoriyada iyadoo la raacayo habraaca Maamulka Gobolka Banaadir oo ay ka mid tahay in Astaanta Qaranka lagu dhejiyo guryaha iyo goobaha ganacsiga ee ku teedsan wadooyinka waaweyn ee magaalada iyo in laga wada shaqeeyo nadaafada iyo bilicda caasimadda.
Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa magacaabay Guddi heer Gobol ah oo ka kooban Guddoomiyeyaasha Gobolka, Agaasimayaal, iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, iyadoo ay hogaamineyso Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir, in laga shaqeeyo xuska toddobaadka xorriyadda iyo la shaqaynta guddiga toddobaadka xorriyadda qaranka Soomaaliyeed.

Comments
Post a Comment