Golaha ayaa la kulmay Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Haweenka Magaalada Muqdisho oo maalintii saddexaad uu ka socdo shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaasoo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayna ka qeyb galayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Kulanka
ayaa mar kale la isugu imaan doonaa maalinta Khamiista ah si looga hadlo
arrimaha doorashooyinka iyo arrimaha amniga.
Mudane
Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ah Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo
la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dooda diiradda lagu saaray arrimaha
doorashooyinka iyo amniga, daah-furnaanta doorashada iyo jadwalka, waxaana
dhammaan qodobadaasi ay si cad uga hadleen Madaxda Golaha Shacabka.
PM @MohamedHRoble & members of the NCC met with officials representing civil society. CSOs stressed the need for the election to be fair & credible. Election procedures to be corrected, be transparent with clear timeline. NCC said that they would consider their recommendations pic.twitter.com/KLMrhtment
— SNTV News (@sntvnews1) January 5, 2022
“Shirka
labo qeyb ayuu ahaa, gelinkii hore ee waxa ay Madaxda Golaha WadatashigaQaranka ay kulan la qaateen Ururrada Bulshada Rayidka ah, kuwaasi oo ay ka
dhageysteen talooyin la xariira gaabisyada ka jira doorashooyinka iyo sida lagu
sixi karo, markii uu kulanka dhaamaday Goluhu waxa uu Ururrada Bulshada Rayidka
ah u balan qaaday inay tixgelin doonaan soo jeedintooda”. Ayuu yiri Maxamed
Ibraahim Macallimuu.
Macallimuu ayaa xusay in shirka maalmaha soo socda ay ka
soo bixi doonaan go’aanno dhaxal gal ah, laguna mudeyn doono waqtiga
doorashada.
Comments
Post a Comment