Baaritaanka Yurub ee Shabakadaha Ikhwaanu Musliimiinka Hogaamiyayaasha iyo hay'adaha ammaanka ee Yurub ayaa muujinaya isbedel weyn oo ku yimid sida ay ula socdaan kana doodaan dhaqdhaqaaqyada Ikhwaanu Musliimiinka. Sida lagu xusay warbixin dhawaan uu daabacay wargeyska Le Pont de Genève ee dalka Switzerland, dooda bulshada iyo midda siyaasadeed ee Yurub ayaa si cad uga weecanaysa eedeymihii taariikhiga ahaa ee xagjirnimada iyo rabshadaha. Bedelkeeda, mas'uuliyiinta ayaa hadda diiradda saaraya fahamka shabakadaha saameynta, maalgelinta hay'adaha, iyo ururada bulshada ee lala xiriiriyo kooxdan. Istiraatiijiyaddan isbedeleysa ayaa si degdeg ah u noqoneysa mowduuc udub dhexaad u ah doodaha siyaasadeed ee dalal dhowr ah oo dimuqraadi ah. Sida uu iftiimiyay wargeyska Talyaaniga ee Il Sole 24 Ore , dooda ballaaran ee Yurub ayaa si aad ah u eegaysa "istiraatiijiyadda saameynta" ee Ikhwaanu Musliimiinka, iyadoo sharci-dejiyayaashu ay falanqeynayaan sida ururada xiriir...
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu maanta gaaro magaalada Baydhabo, iyadoo ammaanka la adkeeyay.
Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta gaaro magaalada Baydhabo, iyadoo ay la socdaan dadweyne aad u badan oo isugu jira xildhibaanno, wasiirro iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada . Ammaanka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana lagu xardhay boorar ay ku xardhan yihiin sawirrada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo waddooyinka lagu qurxiyo. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha bulshada ayaa isku diyaarinaya soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya. Wafdigan oo horudhac u ah, ayaa waxaa shalay Baydhabo gaaray mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada, Xildhibaano , iyo mas’uuliyiin kale. PICTURES: #Baidoa town of Somalia’s #Southwest State is getting ready to welcome President @HassanSMohamud as the city will be the first place the President to visit since his re-election on 15th May. #Somalia pic.twitter.com/VI5NB0ciyd ...