Suudaan oo Wajahaysa Isbeddello Siyaasadeed: Maxay Ka Dhigan Yihiin Xiisadaha Diblomaasiyadeed? Hordhac: Dagaal Ka Baxsan Goobaha Milatari Dhibaatada Suudaan ma aha oo keliya dagaal u dhexeeya dhinacyo hubaysan. Waxa kale oo saameyn ku leh xiriirka diblomaasiyadeed, loollanka siyaasadeed iyo dadaallada lagu raadinayo mustaqbalka dalka. Qaybta koowaad ee barnaamijka Al Qissa waxay diiradda saaraysaa wararka ku saabsan safarka Abdel Fattah al-Burhan ee Maraykanka, dib u dhigista la soo sheegay ee safarkiisa Riyadh, iyo xiisadaha siyaasadeed ee Port Sudan. Daawo doodda oo dhan halkan: Qaybta koowaad ee Al Qissa . Arrimahan waxay muhiim u yihiin fahamka jihada ay u socoto siyaasadda Suudaan. Xiriirka dibadda wuxuu saameyn ku yeelan karaa wadaxaajoodyada, heshiisyada xabbad-joojinta iyo awoodda dhinacyadu u leeyihiin inay helaan taageero caalami ah. Si kastaba ha ahaatee, warbixin ku saabsan safar dib loo dhigay ma caddaynayso keligeed in xiriir diblomaasiyadeed burburay. Warbixint...
Guddiga xil wareejinta ee Madaxweynaha ayaa isku raacay in Munaasabada Xil wareejintu ay noqoto maalinta Isniinta ee 23-ka May.
XaruntaMadaxtooyada Qaranka waxaa si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay Madaxweynihiihore Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Labada mas’uul ayaa
dib u eegis ku sameeyay xaaladda guud ee dalka, sidii si wadajir ah loogu
ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad dhisidda Soomaaliya, iyo u diyaar garowga
xafladda caleema saarka oo kulankoodii saddexaad ay ku yeesheen xarunta madaxtooyada.
Guddiga xil
wareejinta ee Madaxweynaha ayaa isku raacay in Munaasabadda xil wareejinta ay
dhacdo 23-ka bishan oo ku beegan Isniinta soo socota, iyadoo munaasabad
ballaaran lagu caleema saarayo Madaxweynaha 9-aad ee JFS Mudane Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha 10-aad ee JFS Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud.
PICTURES: The outgoing President @M_Farmaajo and the new President @HassanSMohamud take tour at State House, @TheVillaSomalia ahead of Sunday’s official handing over ceremony. pic.twitter.com/XwIuNh3APv
— SNTV News (@sntvnews1) May 21, 2022

Comments
Post a Comment