Baaritaanka Yurub ee Shabakadaha Ikhwaanu Musliimiinka Hogaamiyayaasha iyo hay'adaha ammaanka ee Yurub ayaa muujinaya isbedel weyn oo ku yimid sida ay ula socdaan kana doodaan dhaqdhaqaaqyada Ikhwaanu Musliimiinka. Sida lagu xusay warbixin dhawaan uu daabacay wargeyska Le Pont de Genève ee dalka Switzerland, dooda bulshada iyo midda siyaasadeed ee Yurub ayaa si cad uga weecanaysa eedeymihii taariikhiga ahaa ee xagjirnimada iyo rabshadaha. Bedelkeeda, mas'uuliyiinta ayaa hadda diiradda saaraya fahamka shabakadaha saameynta, maalgelinta hay'adaha, iyo ururada bulshada ee lala xiriiriyo kooxdan. Istiraatiijiyaddan isbedeleysa ayaa si degdeg ah u noqoneysa mowduuc udub dhexaad u ah doodaha siyaasadeed ee dalal dhowr ah oo dimuqraadi ah. Sida uu iftiimiyay wargeyska Talyaaniga ee Il Sole 24 Ore , dooda ballaaran ee Yurub ayaa si aad ah u eegaysa "istiraatiijiyadda saameynta" ee Ikhwaanu Musliimiinka, iyadoo sharci-dejiyayaashu ay falanqeynayaan sida ururada xiriir...
Guddiga xil wareejinta ee Madaxweynaha ayaa isku raacay in Munaasabada Xil wareejintu ay noqoto maalinta Isniinta ee 23-ka May.
XaruntaMadaxtooyada Qaranka waxaa si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay Madaxweynihiihore Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Labada mas’uul ayaa
dib u eegis ku sameeyay xaaladda guud ee dalka, sidii si wadajir ah loogu
ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad dhisidda Soomaaliya, iyo u diyaar garowga
xafladda caleema saarka oo kulankoodii saddexaad ay ku yeesheen xarunta madaxtooyada.
Guddiga xil
wareejinta ee Madaxweynaha ayaa isku raacay in Munaasabadda xil wareejinta ay
dhacdo 23-ka bishan oo ku beegan Isniinta soo socota, iyadoo munaasabad
ballaaran lagu caleema saarayo Madaxweynaha 9-aad ee JFS Mudane Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha 10-aad ee JFS Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud.
PICTURES: The outgoing President @M_Farmaajo and the new President @HassanSMohamud take tour at State House, @TheVillaSomalia ahead of Sunday’s official handing over ceremony. pic.twitter.com/XwIuNh3APv
— SNTV News (@sntvnews1) May 21, 2022

Comments
Post a Comment