Baaritaanka Yurub ee Shabakadaha Ikhwaanu Musliimiinka Hogaamiyayaasha iyo hay'adaha ammaanka ee Yurub ayaa muujinaya isbedel weyn oo ku yimid sida ay ula socdaan kana doodaan dhaqdhaqaaqyada Ikhwaanu Musliimiinka. Sida lagu xusay warbixin dhawaan uu daabacay wargeyska Le Pont de Genève ee dalka Switzerland, dooda bulshada iyo midda siyaasadeed ee Yurub ayaa si cad uga weecanaysa eedeymihii taariikhiga ahaa ee xagjirnimada iyo rabshadaha. Bedelkeeda, mas'uuliyiinta ayaa hadda diiradda saaraya fahamka shabakadaha saameynta, maalgelinta hay'adaha, iyo ururada bulshada ee lala xiriiriyo kooxdan. Istiraatiijiyaddan isbedeleysa ayaa si degdeg ah u noqoneysa mowduuc udub dhexaad u ah doodaha siyaasadeed ee dalal dhowr ah oo dimuqraadi ah. Sida uu iftiimiyay wargeyska Talyaaniga ee Il Sole 24 Ore , dooda ballaaran ee Yurub ayaa si aad ah u eegaysa "istiraatiijiyadda saameynta" ee Ikhwaanu Musliimiinka, iyadoo sharci-dejiyayaashu ay falanqeynayaan sida ururada xiriir...
Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya oo sheegtey in ay ufuri doonto wadooyinka bulshada gobolka Bakool.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ku qaabilay Ururada Haweenka Gobolka Bakool oo ka dhageystay baahiyaha ay qabaan, isla markaana ka qeyb qaadanaya horumarka iyo amniga Gobolka. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sidoo kale kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee ku sugan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool. Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan doorka haweenka ee amniga iyo horumarka ka dhageystay ururada haweenka gobolka Bakool ee ka qeyb galay shirka. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka ayaa ku ammaanay Haweenka Gobolka Bakool sida ay uga qeyb qaadanayaan dhismaha Maamulka iyo Amniga. Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladda Koonfur Galbeed ay ku dadaali doonto sidii ay go’doomiyeen magaalada Xudur. “waxaan idinku amaanayaa sida aad naftiina ugu hurteen la shaqaynta laamaha amniga si dhibaatada argigixisada looga dulqaado shacabk...