kulan wadatashi ah oo Xog-hayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Gargaarka ay kaqeyb galeen.
Xog-hayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Gargaarka ee xukuumada federaalka Soomaliya (XFS) ayaa yeeshay kulan wadatashi ah oo looga arrinsanayay sidii Hay’adda Qaran ee Gurmadka Degdegga ah ay u dhameystiri lahayd (NOEC).
Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Gargaarka XFS ayaa maanta ka qeyb galay kulan wadatashi ah oo la xiriira dardar gelinta howlaha Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah (NOEC).
— SomaliPM (@SomaliPM) October 27, 2021
Kulanka oo ay ka qeyb galeen wakiillo ka socday... pic.twitter.com/3t4khDW8Ql
Kulankan oo ay ka soo qayb galeen xubno ka kala socday wasaaradaha dawladda iyo hay’adaha ka hawl-gala gurmadka iyo ka jawaabista arrimaha deg degga ah sida aafooyinka dabiiciga ah ayaa lagaga wada hadlay hawlgelinta iyo tayeynta xarunta qaranka ee gurmadka.
Comments
Post a Comment