Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa saxiixay Qorshaha Horumarinta Koonfur Galbeed ee Soomaaliya 2021-2025.

 Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa saxiixay Qorshaha Horumarinta Koonfur Galbeed ee Soomaaliya 2021-2025, kaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Dhaqaalaha Koonfur Galbeed. Horumarin.

 

Madaxweynaha DGKGS Mudane Cabdicasiis Laftagareen ayaa Saxiixay Qorshaha Hormarinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasaaradda Qorshaynta DGKGS waxay samaysay Qorshe Horumarineed oo ka kooban afar qaybood oo aasaasiga ah. Horumarinta Dhaqaalaha, Horumarinta Adeegyada Bulshada, Ilaalinta Amniga & Ku-dhaqanka Sharciga, Cadaaladda; Dhexdhexaadinta iyo dardargelinta siyaasadda loo dhan yahay. MadaxweynahaDowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo daah furay Qorshaha Horumarinta Koonfur Galbeed ayaa bogaadiyey cid kasta oo gacan ka geysatey dadaalkan oo ay ugu horeyso shaqaalaha Wasaaradda Qorsheynta.

 

Dowlad aan qorshe laheyn, ama hanaan ku shaqeyneysa laheyn waa dhibaato, Dowladnimada waa iney qorshe leedahay, qorshaha la qabto waa midka Madaxweynaha balan qaadey, waa arin la rabo oo fuliyaan iyagoo mideysan waa wasaaradaha, Hay,addaha Dowlada mid walba shaqo ayuu leeyahay, hadana Waxaa ka dhaxeeyo isla shaqeyn, is xasuusin iyo wadatashi, kadib in Wasaarad kasta shaqadeeda iyada qabsato, Qorshahan waa qorshe dhamaan Dowlada loo baayahanyahay iney ku wada shaqeeyaan oo adeega bulshada la horumariyo, shanta sano ee soo socota waa in arintan laga wadashaqeeya oo aysan noqon wax buug Keliya ku qoran, marka waa wax saas u wada socda qorshan, Beesha caalamka Marka na arkaan in aan qorshe leenahay ayaa heleynaa kaalmadii aan rabney, waa in la ogyahay Waxaa laguu qabanayo iyo qorshahaaga in laguu fuliyo, laakin hadii aadan qorshe laheyn maxaa laguu qabanaya oo maxaa lagu taageeraya waa waxba, laakin hadii Wasaarada kasta doorkeeda qaadato Waa lagu hormarayaa, waliba waxaan aaminsanahay sida u qoran tahay iney u fuleyso, Waxaa la rabo in laga wadashaqeeyo Dowladnimada qof kasta mas,uuliyad ayaa ka saaran, waa wax la wada leeyahay shaqada socota, anaga Waxaa nahay adeegyada ilaahay hortiis ugu dhaartay iney u shaqeeyaan, marka waa in laga dhabeeya oo qofkatas oo bulshada Koonfur Galbeed ah meel kasta uu joogo iney gaarto, kan tuulada joogo, kan degmada jooga iyo kan Gobalka, waa in waxay u baahan yihin la ogaadaa, sida iney Isbitaal u baahanyihiin, waxbarasho, ceelbiyoodyo, amniga qof kasta iyo magaalo kasta iney wax laga qabto, arintan Waxaa lagu gaarayaa qorshan oo la fuliyo.’’

 

Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen ayaa dhanka kale ka hadlay dhibaatooyinka ay Al-Shabaab ku hayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale falalka argagaxa leh ee ay argagixisadu ku hayaan ganacsatada degmada Waajid ee gobolka Bakool.

 

Amniga Argigixisadan waxay kasoo horjeedan noloshada dadka, xitaa waxay rabaa in qofka nolosha lagu ciqaabo, Waad ogeydeen maalin dhaweyd in xaywaankii xitaa dilayaan gaari dameerada raashiinka wadey, maxaa looga baxayaa in la isku tashado oo cadowga Dowlada lagu garabsiiyo iney meesha ka saarto, Qof wadada u taagan in bulshada dhibaateeyo waa in la iska dhiciyaa oo lagu shahiidaa oo la iska dhiciyaa, hadii leedihiin laftagreen ayaa madfac keenayo Waad og tihiin dalka Cunaqabateyn ayaa saaran, Marka wixii aan heli karno oo hub ah waa in la isaga dhiciyaa, waana iska difaaci karaa, Marka shacabka doorkooda ha qaataan.’’

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka hadlay horumarinta dhaqaalaha iyo isku dayga ay dowladdu ku dooneyso in ay ku dhisto maamulka Koonfur Galbeed.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

Uganda iyo Imaaraadka Carabta Oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed iyo Iskaashiga Maalgashiga

  Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa magaalada Kampala ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo arrimaha diblomaasiyadda. Kulankan ayaa daba socda dadaallada joogtada ah ee labada dal ugu jiraan kobcinta xiriirkooda istiraatiijiga ah, iyadoo Imaaraadka Carabta uu yahay mid ka mid ah saaxiibbada waaweyn ee Uganda ee dhanka horumarinta dhaqaalaha iyo maalgelinta kaabayaasha. Xoojinta Iskaashiga Dhaqaale iyo Maalgashi Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo ballaarin lahaa maalgashiga Imaaraadka ee Uganda, gaar ahaan dhinacyada tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo wax-soo-saarka. Imaaraadka Carabta ayaa ah mid ka mid ah dalalka sida weyn u daneynaya suuqyada Afrika, iyagoo maalgelin xooggan ku sameeyay dalal badan oo qaaradda ah, Uganda-na waxay doonaysaa in ay ka faa'iid...

Guddoomiyaha Baarlamaanka Xirshabeele oo magacaabey guddiga qabashada doorashada Aqalka Sare.

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed,  Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle    ayaa magacaabay xubnaha Xildhibaanada golaha Wakiilada qabashada doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xubnaha uu magacaabay guddoomiye Luqmaan ayaa ka kooban 15 xubnood waxaana guddoomiyaha loo magacaabay Xildhibaan Faysal Axmedweli Xasan, halka guddoomiye ku xigeenkana loo magacaabay Xildhibaan Maxamuud Axmed Gacal. Xubnaha la magacaabay ayaa ka shaqeyn doona sidii Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle u dooran lahayeen Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadooda tahay Hirshabeelle. Halkan kaga bogo.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar , halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo qaadan doonta labo maalmood. Casumaad uu ka helay Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani, Madaxweynaha ayaa sahmin doona sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga guuleysta ee dhinacyada maalgashiga, diblomaasiyadda, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. “Booqashada Madaxweynaha waxa ay ku soo beegantay kadib markii MadaxweyneFarmaajo iyo Amiirka Qatar ay wadahadleen, waxaana ujeeddadu tahay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee labada dal, Qatar waxay door muhiim ah ka tahay dib u dhiska Soomaaliya” Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi, Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada, ayaa ka warbixiyay socdaalka Madaxweynaha. Agaasimaha ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda socdaalka Madaxweynaha ee ...

Privacy Policy