Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Baaritaanka Yurub ee Shabakadaha Ikhwaanu Musliimiinka

  Baaritaanka Yurub ee Shabakadaha Ikhwaanu Musliimiinka Hogaamiyayaasha iyo hay'adaha ammaanka ee Yurub ayaa muujinaya isbedel weyn oo ku yimid sida ay ula socdaan kana doodaan dhaqdhaqaaqyada Ikhwaanu Musliimiinka. Sida lagu xusay warbixin dhawaan uu daabacay wargeyska Le Pont de Genève ee dalka Switzerland, dooda bulshada iyo midda siyaasadeed ee Yurub ayaa si cad uga weecanaysa eedeymihii taariikhiga ahaa ee xagjirnimada iyo rabshadaha. Bedelkeeda, mas'uuliyiinta ayaa hadda diiradda saaraya fahamka shabakadaha saameynta, maalgelinta hay'adaha, iyo ururada bulshada ee lala xiriiriyo kooxdan. Istiraatiijiyaddan isbedeleysa ayaa si degdeg ah u noqoneysa mowduuc udub dhexaad u ah doodaha siyaasadeed ee dalal dhowr ah oo dimuqraadi ah. Sida uu iftiimiyay wargeyska Talyaaniga ee Il Sole 24 Ore , dooda ballaaran ee Yurub ayaa si aad ah u eegaysa "istiraatiijiyadda saameynta" ee Ikhwaanu Musliimiinka, iyadoo sharci-dejiyayaashu ay falanqeynayaan sida ururada xiriir...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa saxiixay Qorshaha Horumarinta Koonfur Galbeed ee Soomaaliya 2021-2025.

 Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa saxiixay Qorshaha Horumarinta Koonfur Galbeed ee Soomaaliya 2021-2025, kaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Dhaqaalaha Koonfur Galbeed. Horumarin.

 

Madaxweynaha DGKGS Mudane Cabdicasiis Laftagareen ayaa Saxiixay Qorshaha Hormarinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasaaradda Qorshaynta DGKGS waxay samaysay Qorshe Horumarineed oo ka kooban afar qaybood oo aasaasiga ah. Horumarinta Dhaqaalaha, Horumarinta Adeegyada Bulshada, Ilaalinta Amniga & Ku-dhaqanka Sharciga, Cadaaladda; Dhexdhexaadinta iyo dardargelinta siyaasadda loo dhan yahay. MadaxweynahaDowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo daah furay Qorshaha Horumarinta Koonfur Galbeed ayaa bogaadiyey cid kasta oo gacan ka geysatey dadaalkan oo ay ugu horeyso shaqaalaha Wasaaradda Qorsheynta.

 

“Dowlad aan qorshe laheyn, ama hanaan ku shaqeyneysa laheyn waa dhibaato, Dowladnimada waa iney qorshe leedahay, qorshaha la qabto waa midka Madaxweynaha balan qaadey, waa arin la rabo oo fuliyaan iyagoo mideysan waa wasaaradaha, Hay,addaha Dowlada mid walba shaqo ayuu leeyahay, hadana Waxaa ka dhaxeeyo isla shaqeyn, is xasuusin iyo wadatashi, kadib in Wasaarad kasta shaqadeeda iyada qabsato, Qorshahan waa qorshe dhamaan Dowlada loo baayahanyahay iney ku wada shaqeeyaan oo adeega bulshada la horumariyo, shanta sano ee soo socota waa in arintan laga wadashaqeeya oo aysan noqon wax buug Keliya ku qoran, marka waa wax saas u wada socda qorshan, Beesha caalamka Marka na arkaan in aan qorshe leenahay ayaa heleynaa kaalmadii aan rabney, waa in la ogyahay Waxaa laguu qabanayo iyo qorshahaaga in laguu fuliyo, laakin hadii aadan qorshe laheyn maxaa laguu qabanaya oo maxaa lagu taageeraya waa waxba, laakin hadii Wasaarada kasta doorkeeda qaadato Waa lagu hormarayaa, waliba waxaan aaminsanahay sida u qoran tahay iney u fuleyso, Waxaa la rabo in laga wadashaqeeyo Dowladnimada qof kasta mas,uuliyad ayaa ka saaran, waa wax la wada leeyahay shaqada socota, anaga Waxaa nahay adeegyada ilaahay hortiis ugu dhaartay iney u shaqeeyaan, marka waa in laga dhabeeya oo qofkatas oo bulshada Koonfur Galbeed ah meel kasta uu joogo iney gaarto, kan tuulada joogo, kan degmada jooga iyo kan Gobalka, waa in waxay u baahan yihin la ogaadaa, sida iney Isbitaal u baahanyihiin, waxbarasho, ceelbiyoodyo, amniga qof kasta iyo magaalo kasta iney wax laga qabto, arintan Waxaa lagu gaarayaa qorshan oo la fuliyo.’’

 

Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen ayaa dhanka kale ka hadlay dhibaatooyinka ay Al-Shabaab ku hayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale falalka argagaxa leh ee ay argagixisadu ku hayaan ganacsatada degmada Waajid ee gobolka Bakool.

 

“Amniga Argigixisadan waxay kasoo horjeedan noloshada dadka, xitaa waxay rabaa in qofka nolosha lagu ciqaabo, Waad ogeydeen maalin dhaweyd in xaywaankii xitaa dilayaan gaari dameerada raashiinka wadey, maxaa looga baxayaa in la isku tashado oo cadowga Dowlada lagu garabsiiyo iney meesha ka saarto, Qof wadada u taagan in bulshada dhibaateeyo waa in la iska dhiciyaa oo lagu shahiidaa oo la iska dhiciyaa, hadii leedihiin laftagreen ayaa madfac keenayo Waad og tihiin dalka Cunaqabateyn ayaa saaran, Marka wixii aan heli karno oo hub ah waa in la isaga dhiciyaa, waana iska difaaci karaa, Marka shacabka doorkooda ha qaataan.’’

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka hadlay horumarinta dhaqaalaha iyo isku dayga ay dowladdu ku dooneyso in ay ku dhisto maamulka Koonfur Galbeed.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Baaritaanka Yurub ee Shabakadaha Ikhwaanu Musliimiinka

  Baaritaanka Yurub ee Shabakadaha Ikhwaanu Musliimiinka Hogaamiyayaasha iyo hay'adaha ammaanka ee Yurub ayaa muujinaya isbedel weyn oo ku yimid sida ay ula socdaan kana doodaan dhaqdhaqaaqyada Ikhwaanu Musliimiinka. Sida lagu xusay warbixin dhawaan uu daabacay wargeyska Le Pont de Genève ee dalka Switzerland, dooda bulshada iyo midda siyaasadeed ee Yurub ayaa si cad uga weecanaysa eedeymihii taariikhiga ahaa ee xagjirnimada iyo rabshadaha. Bedelkeeda, mas'uuliyiinta ayaa hadda diiradda saaraya fahamka shabakadaha saameynta, maalgelinta hay'adaha, iyo ururada bulshada ee lala xiriiriyo kooxdan. Istiraatiijiyaddan isbedeleysa ayaa si degdeg ah u noqoneysa mowduuc udub dhexaad u ah doodaha siyaasadeed ee dalal dhowr ah oo dimuqraadi ah. Sida uu iftiimiyay wargeyska Talyaaniga ee Il Sole 24 Ore , dooda ballaaran ee Yurub ayaa si aad ah u eegaysa "istiraatiijiyadda saameynta" ee Ikhwaanu Musliimiinka, iyadoo sharci-dejiyayaashu ay falanqeynayaan sida ururada xiriir...

Hawlgallada Qarsoon ee Iiraan oo Ballaariyay: Xaqiiqda Cusub ee Amniga ee Yurub

  Xadka Difaaca: Sida Dalalka Yurub ay ula Dagaallamaan Iiraan iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed Booliska Faransiiska ayaa roondo ka sameynaya bannaanka safaaradda Iiraan ee Paris, iyagoo muujinaya tallaabooyinka amniga ee ku hareeraysan xarumaha diblomaasiyadeed ee Iiraan ee Yurub. Bilihii ugu dambeeyay, muuqaalka diblomaasiyadda caalamiga ah ayaa la kulmay isbeddel dhulgariir ah iyadoo hay'adaha sirdoonka Yurub ay sii xoojinayaan baaritaankooda ku aaddan Hawlgallada diblomaasiyadeed ee Iiraan Diiradda aan hore loo arag waxay timid iyadoo la dareemayo in caasimadaha qaaradda oo dhan ay sii kordhayaan in mudnaanta Heshiiska Vienna ay tijaabinayaan dhaqdhaqaaqyo qarsoodi ah oo sii kordhaya. Dadka siyaasadda dejiya, waagii dhacdooyinkan loola dhaqmayay sidii kuwo go'doon ah. khilaafaadka gobolka si rasmi ah ayaa loo dhammeeyay, waxaana lagu beddelay amar lagu ilaalinayo ciidda madaxbannaan ee Yurub ee ka dhanka ah hawlgallada qarsoon ee shisheeye. Marka la eego waxa dhawaan dhaca...

Flydubai oo soo bandhigtay duulimaad toos ah oo isku xiraya Dubai iyo Muqdisho

Maalintii Khamiista ayay ahayd markii shirkadda diyaaradaha ee Flydubai ay bilowday duulimaad toos ah oo isaga kala gooshi jiray Dubai iyo Muqdisho. Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo degtay diyaaradii ugu horeysay oo nooceedu yahay Boeing 737 Max oo rakaab ka soo qaaday magaalada Dubai. The Minister of Transport and Civil Aviation, @fardowsaegal welcomed @flydubai ’s first flight to #Mogadishu ’s Adan Abdulle International Airport, on Thursday. The Airline will do daily flight connecting Mogadishu and #Dubai . #Somalia pic.twitter.com/T4W5lKLDch — SNTV News (@sntvnews1) March 9, 2023 Shirkadda ayaa horay u sheegtay in 14-ka Febraayo 2023 ay billaabeyso duulimaad toos ah oo u dhaxeeya Dubai iyo Muqdisho, iyadoo qorshuhu yahay in tiradaas la gaarsiiyo laba jeer maalin kasta 1-da June. , Jabuuti, Entebbe, Hargeysa, Khartoum, Juba, iyo Zanzibar ee Afrika. Adeeggan cusub ayaa lagu dari doonaa shabakadaas. Muqdisho waa magaalada labaad ee Soomaa...

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa meel mariyay sharci taariikhi ah oo la dagaalanka argagixisada oo uu saxiixay madaxweynaha.

Sharci cusub oo la dagaalanka argagixisada oo ujeedadiisu tahay in la helo qaab sharci ah oo lagu caawinayo hay’adaha ammaanka dowladda si ay si wanagsan ula dagaalamaan iyo ciribtirka argagixisada Soomaaliya ayaa Arbacadii shalay ay ansixiyeen golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Dood iyo falanqeyn toddobaadyo ah ka dib, xildhibaanada ayaa waxa ay ku meel mariyeen sharcigan 133-3, halka 7 ay ka aamuseen, waxaana sharcigan uu Taliyaha Nabadsugida Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ku tilmaamay sharci muhiim u ah in dalka Geeska Afrika uu noqdo mid nabad ah. “Sharcigani waxa uu lama huraan u yahay dagaalka aan kula jirno argagixisada, waxa uuna imaanayaa xilli aan aad ugu baahanahay in aan gudano waajibaadkeena qaran ee ka hortagga falalka argagixisanimo iyo burburinta argagixisada,” ayuu ku dhawaaqay Salaad. “Maanta sharci dumarka iyo carruurta ka ilaalinaya weerarrada argagixisada, seef af badanna u ah hay’adaha amniga dowladda si loo cirib tiro argagixisada ayaa lagu guuleystay...

Privacy Policy