Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Qiimaha Qaaliga ah ee Aamusnaanta: Maxay Xalka Milateri ugu Noqon Wayday Mid u Adeega Suudaan?

  Warbixintii dhowaan ka soo baxday afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Tommy Pigott, ayaa iftiisay xaaladda sii xumaanaysa ee dalka Suudaan, gaar ahaan walaaca laga qabo isbeddelka khatarta ah ee loo jihaystay dhanka "xal milateri." Iyadoo Jeneraal Cabdifataax al-Burhaan uu sii xoojinayo hadallada mudnaanta siinaya gacan-sarraynta goobta dagaalka halkii uu ka dooran lahaa wadahadal diblomaasiyadeed, beesha caalamku waxay wajahaysaa xaqiiqo qadhaadh: habkani maaha mid beegsanaya oo keliya xoogaga soo horjeeda, balse wuxuu khatar toos ah gelinayaa nolosha malaayiin qof oo rayid ah oo aan waxba galabsan. Hadallada u ololeynaya xalka milateri waxay gacan ka geystaan sharciyeynta rabshadaha socda, waxayna shacabka ku hayaan cabsi joogto ah. Marka hoggaanka Ciidanka Qalabka Sida ee Suudaan (SAF) ay colaadda u dhigaan mid ay ku xidhan tahay jiritaankooda ama dhimashadooda, waxay dhab ahaantii ula dhaqmayaan nolosha dadka rayidka ah sidii wax aan qiimo lahayn oo ku dh...

Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad uu ka jeediyey go'aanka kaso baxay Maxkamadda ICJ.




Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed guusha laga gaaray dadaallada waddaninimo ee lagu doonayay difaac bada Soomaaliyeed. Khudbad uu  jeediyay oo ku aadan xukunkii ugu dambeeyay ee Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ) ay ka gaartey murrankii badda.

Madaxweynuhu wuxuu caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la kulantay caqabado badan oo diblomaasiyadeed si loo gaaro guushan taariikhiga ah, isagoo tusaale u soo qaatay dadaallada ay dowladda Kenya ku doonays inay ku carqaladeyso geeddi -socodka badda oo yana kudoonaysay  in qol mugdi ah loogu xalaaleeyo badda Soomaaliya. 

"Waxaanu u dhaarannay inaan ilaalino ammaanada aan u qaadnay shacabka Soomaaliyeed, damiirkeenna marnaba nama siinayo in aan dhaxalka jiilasha soo socda ku beddelanno dano siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale. Waxaannu iska diidnay in aan qaadanno gunnimo dhereg leh, annagoo ka doorannay gobanimo gaajo leh. Tallaabo kasta oo aanu qaadnay iyo go’aan kasta oo aan gaarnay waxa halbeeg u ahaa ilaalinta qabka, qarannimada, midnimada iyo sharafta dadka iyo dalka Soomaaliyeed."

Guushaan taariikhiga ah, sida uu sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waa natiijada dagaal dheer oo dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku doonayeen inay ku dhisaan dacwadda sharciga ee ka dhanka ah sheegashada Kenya qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.

"Waxaa guulaystay xaqa, waxaa guulaystay sarreynta sharciga, guushan waxaa leh shacabka Soomaaliyeed oo mar walba garab iyo gaashaan u ah Madaxdooda iyo dowladdooda. Waxaan u mahadcelinayaa Maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo u hiilisay sarreynta sharciga. Xukunkani waa astaan qurux badan oo marqaati ka ah hufnaanta iyo daahfurnaanta garsoorka Maxkamadda ICJ."

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu mahadcelin u jeediyay geesiyaashii u soo halgamay guushan taariikhiga ah, oo uu ka mid ahaa Baarlamaankii 8aad, oo qaatay go’aankii dhaxal dhowraha ahaa, Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, khubarada Soomaaliyeed sida Dr. Muna Sharmaan iyo AHUN Eng. Maxamed Cumar Saalixi, qareennada Foly Hoag iyo khubaradii xagga sharciga ahaa, iyo Guddiga DFS ee Kiiska Badda.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

SSC-Khaatumo Announces Independence from Puntland Amidst Regional Tensions

In a pivotal move, the Supreme Council of SSC-Khaatumo has declared the withdrawal of the recently established administration from the semi-autonomous state of Puntland in the northern region of Somalia. This decision, unveiled during a significant assembly held in Las Anod, marks a critical juncture in the region's political landscape. At the heart of this announcement lies the assertion that there is no eligible candidate from SSC-Khaatumo to contend for the vice presidency of Puntland, as proclaimed by the traditional Council. In tandem, the Council demanded the resignation of the two SSC-Khatumo members currently serving on the committee responsible for resolving disputes and sanctioning the Puntland parliament. Garad Jama Garad Ali, the preeminent traditional clan leader of Sool, Sanag, and Ain, emphasized the unity prevailing among the people of SSC-Khatumo. He underscored their collective aspiration to forge an administration distinct from both Somaliland and Puntland. This ...

Sida Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka looga xusay 1-da Luulyo

Waxaa guud ahaan dalka Soomaaliya laga xusay sanadguuradii ka soo wareegatay markii gobolada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo israacii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur. Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen magaalada Muqdisho oo lagu xusayay midowga labada gobol ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Golaha Wasiirada, Maamulka Gobolka Banaadir , Aqalka Sare ee BJFS, marti sharaf, iyo safiiro lagu casuumay. Madasha waxaa lagu soo bandhigay suugaan ka tarjumaysa qiimaha ay maalintani u leedahay ummadda Soomaaliyeed iyo taariikhda halgankii hore ee qaranka. Markii Gobollada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo Gobollada Waqooyi iyo Koonfur, waxaa la adkeeyay ammaanka waddooyinka Muqdisho si loo adkeeyo muhiimadda Qaranka. Dhawr ka mid ah mas’uuliyiintii kala duwanaa ee ka hadlay xafladda ayaa ka hadlay sooyaalka colaadeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo...

UK iyo UN ayaa kala saxiixday heshiis bini’aadannimo oo loogu talagalay Soomaaliya.

Heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan isku-dubaridka arrimaha bini'aadantinimada ayaa waxa kala saxeexday dawladda Ingiriiska iyo Xafiisyada Qaramada Midoobay. Ujeedada heshiiskan ayaa ah sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ragaadiyay Soomaaliya. Jimcihii ayaa la sheegay in safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee Muqdisho ay heshiis ku gaareen in ay bixiyaan lacago dheeri ah oo loogu talagalay in lagu badbaadiyo nafo lagu badbaadiyo. Heshiiskan oo la saxiixay ayaa safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho waxa ay ku xaqiijisay in Boqortooyada Ingiriisku ay ka dhabeyn doonto ballan qaadkeedii ahaa in ay ku bixin doonto kaalmo lacageed oo dhan 7 milyan oo dollar. Lacagtan ayaa loo sameeyay si loo daboolo baahiyaha bini’aadantinimo ee ka jira Soomaaliya iyo in sare loo qaado dadaalada UK ay ku taageereyso shacabka Soomaaliyeed. Mike Nithavrianakis Safiirka Dowladda Ingiriiska u jooga Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in Saameynta ugu weyn ee laga yaabo in Gargaarka bini’a...

Magaalada Jowhar, ayaa waxaa maanta lagu wadaa in lagu soo gaba gabeeyo Doorashada Aqalka Sare ee Hirshabelle.

Kadib muran ka dhashay doorashada kuraasta loo ballansanaa shalay, ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo gabagabeeyo magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas doorashada aqalka sare ee baarlamaanka Hirshabeelle. Warbaahinta, qaar ka mid ah musharixiinta u taagan kuraasta aqalka sare ee maamulka ayaa lagu arkay iyagoo buuq kasameeynayo hoolka doorashada.   Xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ayaa la anshax marin doonaa, doorashadu way sii socon doontaa, waxaana saddexda kursi ee harsan maanta la dooran doonaa, sida uu sheegay guddoomiyaha golaha sharci dejinta. Doorashada baarlamaanka Soomaaliya waxay ahayd mid gaar ah oo kuraasta qaar ayaa lagu tartamayay, si ka duwan maamuladii hore ee Soomaaliya.   Midkii uu ku yimid Senetar Muuse Suudi Yalaxow wuxuu ahaa kuraas aad loo hadal hayo tartankooga. Doorashada ayaa la filayay in la soo gabagabeeyo Khamiista, laakiin dib ayaa loo dhigay sababo kala duwan awgood, waxaana hadda loo badinayaa in maanta la soo gabagabeeyo.   “...

Privacy Policy