Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh oo Magacaabay Lataliyaha Arrimaha Shidaalka iyo Ergayga Gaarka ah ee Ganacsiga.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u magacaabay Mudane Khadar Cabdiraxmaan Maxamed in uu noqdo Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah iyo Mudane Axmed Cali Yuusuf oo ah La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska.
Madaxweynaha oo labadan nin ku soo xushay aqoontooda
iyo xirfaddooda shaqo, ayaa kula dardaarmay inay si wanaagsan uga qayb qaataan
istiraatijiyadda dawladda ee ku aaddan isku filnaansho Soomaaliyeed, si looga
gudbo caqabadaha sida faqriga iyo abaaraha, kuwaas oo si weyn u wiiqay qaranka.
President @HassanSMohamud has on Wednesday appointed Ahmed Ali as President’s adviser for Gas and Oil resources. Also the President has appointed Khadar Abdirahman as Special Envoy for Trade and Investment.#Somalia pic.twitter.com/Rq7FX40UdA
— SNTV News (@sntvnews1) August 31, 2022
Arbacadii, Ogosto 31, 2022, markii lagu daabacay
faafinta rasmiga ah ee dowladda, waxa dhaqan galay wareegtada Madaxweynuhu. Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa Alle uga baryey Mudanayaasha Khadar u magacaabey
ergeyga gaarka ah ee arrimaha ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah iyo
la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Shidaalka iyo Gaaska inuu u fududeeyo si
dalku u gaaro himiladiisa sanadaha soo socda.
Comments
Post a Comment