Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed CabdullaahiFarmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo kaga guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Finland u soo magacawday Soomaaliya Mudane Pirka Tapiola, kaddib munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Qaranka.
Mudane Tapiola, Safiirka Finland ayaa u gudbiyay salaan uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Finland Mudane Sauli Niinisto, wuxuuna uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen. Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Tapiola ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Finland, kaasoo ku dhisan iskaashi iyo wada-qabsi.
Danjire Tapiola ayaa ku ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya horumarka
ballaaran ee ay ku tallaabsatay, wuxuuna Madaxweynaha uga warbixiyay dadaallada
uu ugu jiro sii xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal. Madaxweyne
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Safiirka cusub uga warbixiyay shacabka iyo
dowladda Soomaaliya guulaha muhiimka ah ee ay ka gaareen dhinacyada dib u
dhiska, dib u heshiisiinta, maalgashiga, la dagaallanka argagixisada iyo
musuqmaasuqa.
H.E President @M_Farmaajo has today received letters of credentials from the Ambassador of Finland Pirkka Tapiola at the Presidency, Villa Somalia. The President welcomed the continued cooperation of Finland 🇫🇮 & Somalia 🇸🇴 while assuring the govt's dedication to strengthen ties. pic.twitter.com/w2oFtj0Y3R
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) November 9, 2021
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Safiirka cusub ee Finland xilka loo magacaabay, waxaana uu u xaqiijiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto taageerada howlihiisa diblomaasiyadeed.
Comments
Post a Comment