Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Ilhan Omar oo ka Badbaaday Weerar Lagu Qaaday xilli ay Khudbad ka Jeedinaysay Minneapolis iyo Farriinteeda Ku Aadan Dadka Isku Dayay inay Aamusiiyaan

  Xildhibaan Ilhan Omar oo ka tirsan Aqalka Koongareeska ee dalka Mareykanka ayaa ka badbaaday isku day lagu doonayay in lagu carqaladeeyo khudbad ay ka jeedinaysay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. Dhacdadan oo ahayd mid xamaasad iyo kuleyl wadata ayaa timid ka dib markii shaqsiyaad careysan ay isku dayeen inay weerar ku qaadaan goobta ay khudbaddu ka socotay iyagoo u muuqday kuwo doonayay inay gabi ahaanba joojiyaan hadalka xildhibaanadda. In kasta oo ay jirtay cabsi iyo sawaxan xooggan haddana waxaa si degdeg ah u soo dhexgalay ciidamada ammaanka iyo dadka ku hareeraysan kuwaas oo ka hortagay in xaaladdu ay faraha ka baxdo ama waxyeello jireed ay soo gaarto Ilhan Omar. Fariinta Adag ee Ilhan Omar ay u Dirtay Dadkii Isku Dayay inay Aamusiiyaan Waxyar ka dib markii xaaladda la xakameeyay xildhibaanadda ayaa si geesinnimo leh u sii socotay hadalkeeda iyadoo fariin cad u dirtay kuwii isku dayay inay cabsiiyaan. Waxay si cad u sheegtay in isku day kasta oo lagu doonayo in l...

Turkiga oo xayiraad Fiisaha Transit-ka ku soo rogay 10 Dal oo ay ku jirto Somalia

Turkiga oo xayiraad Fiisaha Transit-ka ku soo rogay 10 Dal oo ay ku jirto Somalia
Laga bilaabo bishan April 15-da ee sanadkan 2024-ka waxay Dowladda Türkiye dhaqan gelin doontaa Sharci culus oo lagu soo rogay Dhoofayaasha Transit ku sii ah Garoonka Diyaaradaha ee Istanbul Airport, kuwaasi oo ku sii wajahan dalalka Mexico, Panama, Columbia iyo Venezuela.

Dowladda Türkiye ayaa qaadatay Sharciga Cusub, si looga hortago Muhaajiriinta an caadiga ahayn ee ku sii qulqulayo dalalkaasi, si ay uga sii gudbaan Xuduudaha Maraykanka.

Shabakadda Wararka ee VisaGuide.World ayaa qortay inuu dalka Türkiye noqday Ubucda Waddan Transit ahaan looga sii gudbo dalalka kale ee Caalamka.

Sharcigan Cusub waxa uu saamaynayaa Dhoofayaasha Transit-ka ku sii mara Garoonka Istanbul Airport ee ku sii wajahan dalalka Mexico, Panama, Columbia iyo Venezuela.

Muwaadiniinta dalalka Somalia, Yemen, Chad, Cameroon, Mauritania, Burkina Faso, Guinea, Afghanistan, India iyo Nepal ee Transit-ka ku sii marayo Garoonka Diyaaradaha Istanbul Airport ayaa waxaa waajib looga dhigay inay haystaan Fiisaha Elektoroonikada ee Transit-ka Garoonka.

Ilo-wareedyo Diblomaasiyadeed (Diplomatic sources) ayaa waxay iyagana xaqiijiyeen inay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Türkiye (The Turkish Ministry of Foreign Affairs) soo dhamaystirtay dhamaan Diyaarinta lama huraanka u ah soo-saarista Codsiga Elektoroonikada ee Fiisaha Transit-ka ee Garoonka (The electronic application for the airport transit visa (e-HTV), si loogu dabaqo Sharciga Fiisaha Transit-ka ee Garoonka Diyaaradaha Istanbul Airport ka dhaqan geli doona bishan April 15-da.


Si kastaba, waxaa sii kordhayo tirada Muhaajiriinta sharci-darrada ee ka kala socda dalal kala duwan oo ku yaalla Bariga Dhexe iyo Latin America ee u adeegsada Duullimaadyada (Via Türkiye) si ay u gaaraan Waqooyiga America

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Xiritaanka Shabakadda Argagixisada ee Muslim Brotherhood ee Jordan: Shabakad Xagjirnimo oo la Amaanay

  Hordhac: Markii ugu dambeysay ee Jordan ay ku dhawaaqday inay qabatay 16 qof oo ku xiran Muslim Brotherhood, koox muddo dheer loo arkayay inay tahay urur siyaasadeed oo u dagaallamaya isbeddel iyo ka qaybgal siyaasadeed, waxay mar kale iftiimisay dhabta ah ee ururka. Hawlgalkan cusub wuxuu muujinayaa inay Muslim Brotherhood tahay urur aan ahayn mid ku saleysan siyaasad kaliya, balse yahay shabakad xagjirnimo oo qorsheysan. Hawlgallada iyo Qabashada: Sida ay sheegtay dowladda Jordan, dadka la qabtay waxay ka mid ahaayeen Muslim Brotherhood, waxaana lagu tababaray lana maalgeliyay Lubnaan. Kooxdan ayaa qorsheynaysay in ay weerar ku qaaddo meelo kala duwan oo ku yaal gudaha Jordan, iyadoo isticmaaleysay gantaalo iyo drones, qaar ka mid ah gantaalaha ayaa diyaar u ahaa in la rido. Ciidamada amaanka waxay la socdeen hawlgalkan tan iyo sanadka 2021, taasoo muujinaysa sida shabakadan u ahayd mid firfircoon muddo dheer oo si qarsoodi ah uga shaqeyneysay gudaha Jordan. Hogaamiyaha kooxda,...

Maxay Madaxbannaanida Koonfurta Yemen muhiim ugu tahay Nabad dhab ah?

  Doodaha ku saabsan mustaqbalka Yemen waxaa inta badan lagu soo koobaa xabbad-joojin, dawlado kumeel-gaar ah, ama qaabab awood-qaybsi oo dibadda laga soo hindisay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira hal arrin oo mar walba la dhinac maro inkasta oo ay udub-dhexaad u tahay muddada uu dagaalku siday: waa maqaamka siyaasadeed ee aan weli la xallin ee Koonfurta Yemen. Taariikhda iyo Midowgii Fashilmay Koonfurta Yemen waxay ahayd dawlad madaxbannaan oo caalamku aqoonsan yahay ilaa sannadkii 1990-kii, waxaana loo yaqaannay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacbiga ee Yemen (PDRY). Waxay lahayd xuduudo go’an, hay’ado dawladeed, iyo xubinimo Qaramada Midoobay ah. Heshiiskii midowga ee lala galay Waqooyiga Yemen waxaa loo soo bandhigay inuu yahay iskaashi dhex maray laba dhinac oo siman oo si mutaddawacnimo ah isugu biiray. Laakiin xaqiiqadii, midowgaas si dhakhso ah ayuu u burburay, wuxuuna horseeday dagaalkii 1994-tii iyo in si nidaamsan loo gacan-bidheeyo dhinaca siyaasadda iyo dhaqaalaha ee da...

Privacy Policy