Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka soo laabtay booqashado labo maalmood ah oo uu ku joogay Addis Ababa dalka Itoobiya.
Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho labo maalmood ah oo uu ku tagay magaalada Addis Ababa, halkaasoo uu goob joog ka ahaa caleema saarka dowladda cusub ee Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed booqashadii uu ku tagay Addis Ababa, isagoo ugu hambalyeeyay dib u doorashada. Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ka hadlay siyaabaha loo ballaarin karo xiriirka laba geesoodka ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo iskaashiga gobolka.
Comments
Post a Comment