Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) waxa u magacawey Maamule-goboleed cusub gobolka Shabeellada Hoose.
Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Siidii) oo ahaa guddoomiyihii gobolka Shabeellada Hoose, sidoo kale guddoomiye ku xigeenkii amniga, ayaa madaxweynuhu xilka ka qaaday. Maxamed C /kariin Nuur ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo Axmed Cumar Maxamed loo doortay guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka.
H.E Abdiaziz HasanMohamed, President of Somalia’s Southwest State, @Laftagareen has appointed on Monday Mohamed Abdirahin Nur as the Governor of Lower Shabelle Region.
— Gobolka shabelada Hoose (@LowerShabeelle) October 18, 2021
Join @LowerShabeelle In welcoming our
New Governor pic.twitter.com/YaJ1vIp7mR
Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenka cusub waxaa lagu magacaabay amar fulineed oo ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen. Siidii ayaa xafiiska loo magacaabay 16 -kii Nofembar 2020, waxaana ka tagistiisa ay imaanaysaa wax ka yar hal sano markii la magacaabay, inkasta oo uu horay u soo qabtay xilkaas. Sanadihii 2012-2014, Siidii wuxuu qayb libaax leh ka qaatay in Al Shabaab laga saaro inta badan degmooyinka gobolka Shabeellaha Hoose.
Comments
Post a Comment