Isbuucii la soo dhaafay, waxaa la shaaciyay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Maxamed XuseenRooble oo yeeshay kulan, ay heshiis isla gaareen.
Khilaafka u dhaxeeyay madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhaliyay cabsi iyo walaac badan oo ku aadan xasiloonida Soomaaliya oo sii yaraaneysay, xilli dalka uu ku gudda jiro doorasho. Khilaafka xooggan soo kala dhexgalay labada mas’uul ee ugu awoodda badan dalka ayaa salka ku haya tallaabooyiin ay labada dhinac qaadeen, taasoo xaaladda sii cakirtay.
Waxay ahayd markii ugu horeysay tan iyo markii khilaafka uu soo baxay, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Maxamed Xuseen Rooble uu booqasho ku tago Xarunta Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ee NISA.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo uu wehliyo Wasiirka Amniga Gudaha ayaa kormeeray xarunta Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka,isagoo warbixin ka dhageystay Agaasimaha KMG ee @HSNQ_NISA iyo saraakiisha hay’adda. pic.twitter.com/XM47FSNOI7
— SomaliPM (@SomaliPM) October 26, 2021
Rooble ayaa ka mahad celiyay dadaalka ay wado hay’adda, wuxuuna caddeeyay in kiiska Ikraan lagu qaadi doono qaabka uu hadda yahay loona gudbiyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Comments
Post a Comment