Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska. waxaa la xaqiijiyey in Marxuum Dr. Maxamed Daahir Afrax uu maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsayay Isbitaal ku yaalla Magaalada London, isagoona xanuukii uu haayay uu ugu geeriyooday halkaas.
Allaha u naxariistee Marxuum Dr. Afrax wuxu aha Guddoomiyihii Ururka Somali Pen oo ay ku mideysnaayeen Qoraayaal Soomaaliyeed, isagoo ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo wax ku qora afafka Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiska
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsiyo u dirrey qowskiisa, asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda soomaaliyeed "Waxaan Qoyskiisa, asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Allaha u naxariiatee Dr. Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyihii Akadeemiyad goboleedka Afka iyo Guddiga dib u eegista Dastuurka.
Marxuum Afrax waxa uu ahaa aqoonyahan iyo qoraa Soomaaliyeed ku xeel dheer afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, wax weyna ku biiriyay horumarinta dhaqanka iyo qoraalka Afkeenna hooyo. Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelka iyo ummada Soomaaliyeedna sabir iyo Iimaan Allaha ka siiyo"
Comments
Post a Comment