Guddiga doorashooyinka jubbaland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada afar kursi kadhina aqalka sare ee dowlad-goboleedka Jubbaland.
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay xilliga la qabanayo doorashada afarta kursi ee ka dhiman aqalka sare ee degaanada Jubbaland. Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Jubbaland Dr. Siyaad Maxamed Mursal oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maalinta berri ah la diiwaangelin doono musharixiinta Aqalka Sare, halka doorashada afarta kursi ee ka dhiman Aqalka Sare ee maamulka Jubbaland ay dhici doonto Khamiis.
Jubaland President Ahmed Mohamed Islam has announced the candidates for Jubaland’s remaining four seats of the Upper House(Senate) of Somali Federal Parliament. #Somalia https://t.co/OENaYswPbn
— Jubaland State House (@JSStatehouse) October 18, 2021
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay soo gudbiyey liiska afarta xubnood ee ka dhiman Aqalka Sare ee Dowlad Goboleedka Jubaland.
Comments
Post a Comment