Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya oo sheegtey in ay ufuri doonto wadooyinka bulshada gobolka Bakool.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka
Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa
Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ku qaabilay Ururada
Haweenka Gobolka Bakool oo ka dhageystay baahiyaha ay qabaan, isla markaana ka
qeyb qaadanaya horumarka iyo amniga Gobolka. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka
Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sidoo kale kulan la qaatay Odayaasha
Dhaqanka ee ku sugan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.
Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan doorka haweenka ee amniga iyo horumarka ka dhageystay ururada haweenka gobolka Bakool ee ka qeyb galay shirka. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka ayaa ku ammaanay Haweenka Gobolka Bakool sida ay uga qeyb qaadanayaan dhismaha Maamulka iyo Amniga. Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladda Koonfur Galbeed ay ku dadaali doonto sidii ay go’doomiyeen magaalada Xudur.
“waxaan idinku amaanayaa sida aad naftiina ugu hurteen la shaqaynta laamaha amniga si dhibaatada argigixisada looga dulqaado shacabka ku nool gobolka bakool,baahiyaha aad soo gudbiseen sida ugu dhow ayaan wax uga qaban doona, hormarka iyo amniga gobolka qof waliba ayaa mas’uuliyad ka saarantahay, waxaa naga go’an in sida ugu dhow aan ufurno wadooyinka bulshadana ay uhelaan waxa ay ubaahanyihiin.'' Madaxweyne Laftagareen ayaa yiri.
It was a pleasure to have the opportunity to consult and exchange views with Traditional Elders youth ,women , Business people and intellectual in Hudur, on current situation in Hudur and upcoming district council formation . pic.twitter.com/4fBr5V0ndr
— Abdiaziz Hassan Mohamed (@Laftagareen) October 29, 2021
Comments
Post a Comment