Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa Hoggaanka labada Aqal, Guddiga Doorashooyinka Baarlamaanka, Saaxiibada Caalamka, iyo Hay’adaha Amniga oo doorashadu ku qabsoontay si habsami ah oo guul ah.”
I congratulate H.E Hassan Sh Mohamud on being elected as the 10th President of the Federal Republic of Somalia. I commend the leadership of both Houses, parliamentary electoral committee, intl partners & security agencies for an orderly & successful conclusion to the elections. pic.twitter.com/lSJMHSjxmA
— Mohamed Hussein Roble (@MohamedHRoble) May 15, 2022
Vicky Ford, oo ah Wasiirka UK u qaabilsan Afrika,
ayaa hambalyada u dirtay Xasan Maxamuud Maxamuud oo loo doortay xilka
madaxtinimada. Waxa ay sheegtay in Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ay
rajaynayso in ay sii wado wada shaqaynta dhow ee ay la leedahay Soomaaliya ee
dhinacyada xasilinta, la dagaallanka Al-Shabaab, iyo u gargaarida dadka ay
abaaruhu saameeyeen.
Congratulations to @HassanSMohamud on being elected President of Somalia. 🇬🇧 looks forward to continuing its close work to support 🇸🇴 on building stability, tackling Al-Shabaab and supporting those affected by the devastating drought.
— Vicky Ford MP (@vickyford) May 15, 2022
Comments
Post a Comment