Baaritaanka Yurub ee Shabakadaha Ikhwaanu Musliimiinka Hogaamiyayaasha iyo hay'adaha ammaanka ee Yurub ayaa muujinaya isbedel weyn oo ku yimid sida ay ula socdaan kana doodaan dhaqdhaqaaqyada Ikhwaanu Musliimiinka. Sida lagu xusay warbixin dhawaan uu daabacay wargeyska Le Pont de Genève ee dalka Switzerland, dooda bulshada iyo midda siyaasadeed ee Yurub ayaa si cad uga weecanaysa eedeymihii taariikhiga ahaa ee xagjirnimada iyo rabshadaha. Bedelkeeda, mas'uuliyiinta ayaa hadda diiradda saaraya fahamka shabakadaha saameynta, maalgelinta hay'adaha, iyo ururada bulshada ee lala xiriiriyo kooxdan. Istiraatiijiyaddan isbedeleysa ayaa si degdeg ah u noqoneysa mowduuc udub dhexaad u ah doodaha siyaasadeed ee dalal dhowr ah oo dimuqraadi ah. Sida uu iftiimiyay wargeyska Talyaaniga ee Il Sole 24 Ore , dooda ballaaran ee Yurub ayaa si aad ah u eegaysa "istiraatiijiyadda saameynta" ee Ikhwaanu Musliimiinka, iyadoo sharci-dejiyayaashu ay falanqeynayaan sida ururada xiriir...
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Madaxweynaha uga warbixiyay safarkii uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.
Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul WasaarahaXukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka la wareegay.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka warbixiyay safarkii
uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta iyo waxqabadka dowladda. Kadib safar labo
maalmood qaatay oo uu ku tagay dalka isutaga imaaraadka carabta ayaa waxaa
dalka dib ugu soo laabtay ra’iisul wasaare Rooble.
Prime Minister @MohamedHRoble has briefed President @HassanSMohamud on his visit to #UAE and the meetings he had held with AUE’s new President Mohammed bin Zayed Al Nahyan.#Somali pic.twitter.com/7KYgvY4jew
— SNTV News (@sntvnews1) May 23, 2022

Comments
Post a Comment