Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ah Madaxweynaha hadda talada dalka haya, horeyna u heystay dhalashada Mareykanka iyo maamulka ayaa marar badan isku dayay inuu si sharci darro ah ku sii hayo xafiiska, isagoo caburin ku sameeyay mucaaradka iyo weriyeyaasha, taasoo keentay inuu Kenya kala go’o, isla markaana uu wiiqo hannaanka federaalka ee dalka Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa kor u kacday damaceeda iyada oo ka faa’iidaysanaysa xasillooni darro siyaasadeed iyo khilaaf xooggan oo ka dhex jira ciidamada ammaanka. Ururka waxa uu weeraray dad, oo ay ku jiraan maqaaxiyo xeebta ku yaala, waxa uu weerar ballaaran ay ku qaaday xarunta Midowga Afrika, waxana lagu dilay ugu yaraan 10 ka mid ah ciidammada nabad ilaalinta Burundi, waxana ay direen weerarro ismiidaamin ah oo lagu weeraray baabuurta masuuliyiinta dawladda toddobaadyo iyo bilo ka hor doorashada.
Dad badan oo Soomaali ah, xildhibaano, falanqeeyayaal,
diblomaasiyiin, iyo shaqaalaha gargaarka oo la wareystay ka hor doorashada dhaceysa
Axaddan ayaa walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed, amni iyo bini’aadantinimo
ee dalka.
Xuseen Sheekh Cali, Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka ee
Madaxweyne Maxamed iyo Guddoomiyaha Machadka Hiraal, oo xarun cilmi baaris ah
ku leh Muqdisho, ayaa yiri “Shantan sanno waxey ahaayeen shan sano oo luntay,
oo aan ku weynay isku xirnaanshiyaha dalka”. Dadka wax indha indheeya ayaa
sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu sameeyay wax walba oo uu ku sii joogi karo
xukunka, oo ay ka mid tahay in uu cadaadis saaro guddiga doorashada iyo
magacaabista madaxda dowlad goboleedyada taas oo ka caawin karta inuu
doorashada u janjeero oo uu baarlamaanka ku buuxiyo taageerayaashiisa. Taasi
ayaa sababtey dagaallo ka dhacay waddooyinka caasimadda sannadkii hore markii
uu saxiixay tallaabo uu xukunka u kordhinayo laba sano, taasoo ku khasabtay
inuu xilka wareejiyo. Markii ay bilaabatay doorashadii sharci dejinta,
goobjoogayaashu waxay xuseen in ay hareeyeen musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.
Comments
Post a Comment