Madaxweyne XasanSheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay go’aankii Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku ogolaaday in dhowr boqol oo ciidanka khaaska ah tababara oona caawiya ciidanka Soomaaliya dib ugu soo celiyo Soomaaliya.
Sida lagu sheegay
qoraal ka soo baxay barta Twitter-ka ee madaxtooyada JFS, dowladda Soomaaliya
ayaa Mareykanka u aragta saaxiib lagu kalsoon yahay oo Soomaaliya u raadinayo
xasillooni iyo la dagaallanka argagixisada.
The President of the Federal Republic of Somalia H.E @HassanSMohamud thanks and appreciates H.E @JoeBiden for authorizing the deployment of American troops to #Somalia, the State House, @TheVillaSomalia has announced. pic.twitter.com/mFJ7iHXj7B
— SNTV News (@sntvnews1) May 17, 2022
Madaxweyne Biden
ayaa amar ku bixiyay in boqollaal ka tirsan ciidamada Mareykanka lagu soo
celiyo Soomaaliya, si ay u caawiyaan ciidanka xooga Soomaaliya ciribtirka
argigixisada Al-Shabaab. Ciidamada Mareykanka ee ka imaanaya dalalka kale ee
Afrika ayaa tababari doona oo caawin doona ciidamada Soomaaliya ee dagaalka
kula jira Al-Shabaab.
Comments
Post a Comment