Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

Guddiga Doorashada Madaxweynaha ayaa soo saaray habraacyada amniga doorashada.

Cabdiqani Geelle Maxamed oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha ee Baarlamaanka, ayaa fariin u diray bulshada iyo daneeyayaasha doorashada. Waxa uu ku booriyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu saameeyay bandowgaasi in ay muujiyaan dulqaad, gaar ahaan maalinta 15-ka ee SYL oo ah maalintii la dooran doono Madaxweynaha.

Waxa uu raaligelin ka siiyay warbaahinta gaarka loo leeyahay dhaleeceynta xayiraadda, isagoo u sababeeyay sababo amni iyo xaddidaadda dadka booqanaya. Waxa uu sheegay inay ka war hayaan mas’uuliyadda ka saaran dalka iyo sidoo kale jawiga adag ee saxaafaddu ku shaqeyso.

Dhanka kale Maxamed Ibraahim Macalimuu oo xubin ka ah guddiga ayaa akhriyay Hannaanka Amniga Doorashada Madaxweynaha iyo Shuruudaha Xildhibaanada, Musharaxiinta, iyo ka qeyb galayaasha.

1-      Waxaa la mamnuucay in goobta Doorashada ay ka dhacayso aanan lala imaan karin wax Ciidan ah loogana soo tago halkii loo qorsheeyay.

2-      2- In aanan hoolka lala soo gali karin wax hub ah.

3-      3- In aanan la ogoleyn Mobeel, Cumputer, Ipad iyo aalad kale oo wax duubta lana dhigi doono goobta ay u qorsheeyeen Guddiga.

4-      4- In aanan hoolka lala imaan karin wax lacag ah.

5-      5- In Hoolka dhexdiisa aanan laga dhax ololeysan karin bilowga doorashada kadib.

6-      6- In 8:00AM ay dadku yimaadaan goobta loo qorsheeyay, halkaa oo gadiidka waaweyn ay ka soo daabuli doonaan.

7-      7- In aanan hoolka lala imaan gawaari, isla markaana gaadiidka la dhigi doono halkii loogu tala galay.

 

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

Uganda iyo Imaaraadka Carabta Oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed iyo Iskaashiga Maalgashiga

  Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa magaalada Kampala ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo arrimaha diblomaasiyadda. Kulankan ayaa daba socda dadaallada joogtada ah ee labada dal ugu jiraan kobcinta xiriirkooda istiraatiijiga ah, iyadoo Imaaraadka Carabta uu yahay mid ka mid ah saaxiibbada waaweyn ee Uganda ee dhanka horumarinta dhaqaalaha iyo maalgelinta kaabayaasha. Xoojinta Iskaashiga Dhaqaale iyo Maalgashi Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo ballaarin lahaa maalgashiga Imaaraadka ee Uganda, gaar ahaan dhinacyada tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo wax-soo-saarka. Imaaraadka Carabta ayaa ah mid ka mid ah dalalka sida weyn u daneynaya suuqyada Afrika, iyagoo maalgelin xooggan ku sameeyay dalal badan oo qaaradda ah, Uganda-na waxay doonaysaa in ay ka faa'iid...

Guddoomiyaha Baarlamaanka Xirshabeele oo magacaabey guddiga qabashada doorashada Aqalka Sare.

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed,  Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle    ayaa magacaabay xubnaha Xildhibaanada golaha Wakiilada qabashada doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xubnaha uu magacaabay guddoomiye Luqmaan ayaa ka kooban 15 xubnood waxaana guddoomiyaha loo magacaabay Xildhibaan Faysal Axmedweli Xasan, halka guddoomiye ku xigeenkana loo magacaabay Xildhibaan Maxamuud Axmed Gacal. Xubnaha la magacaabay ayaa ka shaqeyn doona sidii Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle u dooran lahayeen Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadooda tahay Hirshabeelle. Halkan kaga bogo.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar , halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo qaadan doonta labo maalmood. Casumaad uu ka helay Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani, Madaxweynaha ayaa sahmin doona sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga guuleysta ee dhinacyada maalgashiga, diblomaasiyadda, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. “Booqashada Madaxweynaha waxa ay ku soo beegantay kadib markii MadaxweyneFarmaajo iyo Amiirka Qatar ay wadahadleen, waxaana ujeeddadu tahay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee labada dal, Qatar waxay door muhiim ah ka tahay dib u dhiska Soomaaliya” Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi, Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada, ayaa ka warbixiyay socdaalka Madaxweynaha. Agaasimaha ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda socdaalka Madaxweynaha ee ...

Privacy Policy