Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Axmed Juma Al-Rumaysi.
Madaxweynaha dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta,
Mudane Maxamed Binu Siciid Al Nahyan, ayaa salaan iyo dhambaal uu ku muujinayo
ixtiraamka qaranimada iyo hagaajinta xidhiidhka labada shacab u soo diray
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
President @HassanSMohamud has on Sunday received credentials from #UAE’s new Ambassador to #Somalia Ahmed Juma Al Rumaithi. pic.twitter.com/QKXFhu6AOB
— SNTV News (@sntvnews1) November 13, 2022
Safiirka ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda
Soomaaliya soo dhaweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen, waxaana uu kala hadlay
dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Danjire Axmed
Juma Al-Rumeysi ku soo dhaweeyay xilka safiirnimo ee loo magacaabay, waxaana uu
u rajeeyay in uu ku guuleysto in uu noqdo wakiilka qarankiisa, isla markaana uu
ka qeyb qaato horumarinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada
shacab.
Comments
Post a Comment