Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS ayaa kulan hab onleyn ah la qaatey dhammaan wasiirrada Gargaarka Dowlad Goboleedyada ee xubnaha ka ah dowladda Federaalka, xubno kale oo ka kala tirsan xafiiska raisul wasaaraha iyo wasaarada gargaarka ee XFS.
Kulanka ayaa lagu lafa guray waxyaabaha ugu mudan
gurmadka abaaraha iyo sidii la isaga kaashan lahaa taakuleynta dadka
Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen. Wasiirada ayaa madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku ammaanay in liiska ugu sarreeya uu ka
dhigay gurmadka abaaraha, isla markaana uu u magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee
Arrimaha Bani’aadantinimada iyo Gurmadka Abaaraha.
Sidoo kale, wasiirradu waxay muujiyeen sida ay uga
go’an tahay inay si dhow ula shaqeeyaan ergayga gaarka ah, iyagoo bogaadiyay
horumarka uu ku tallaabsaday xafiiska wakiilka gaarka ah ee gurmadka abaaraha. Ugu
dambeyn, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud iyo Wasiirrada Dowlad-goboleedyada
ayaa go’aamiyay in sare loo qaado wacyi-gelinta bulshada ee abaaraha iyo in la
iska kaashado sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameysay abaarta.
The Special Envoy for Drought Response @AAbdishakur has on Saturday held a virtual meeting with Ministers of Humanitarian Affairs of Regional States and discussed hastening and prioritising the emergency response and how to work together to tackle the drought. #Somalia pic.twitter.com/8kbNe5Nrq0
— SNTV News (@sntvnews1) May 28, 2022
Comments
Post a Comment