Maalintii 1aad ee khudbada ayaa waxaa ka hadlay 20 musharax oo ka mid ahaa 39 musharax oo si rasmi ah u soo dhameystiray sharuudaha looga baahan yahay madaxweynaha Soomaaliya. Musharaxiintan ayaa ah kuwa uu Guddigu u diyaariyay in ay ajandayaashooda horgeeyaan Xildhibaanada Aqalka Sare iyo Xildhibaanada GolahaShacabka. Maalintii 1-aad ee khudbada 20-musharax oo ka mid ah 39-musharax ayaa si rasmi ah u dhameystiray sharuudaha looga baahan yahay madaxweynaha Soomaaliya iyo Nidaamka Federaalka Soomaaliya.
SheekhAadan Maxamed Nuur Madoobe, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Senator Cabdi
Xaashi C/llaahi, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS, Guddoomiye ku xigeennada
labada Aqal ee BFS ayaa goob joog ka ahaa Munaasabadda. Ugu horeyn Senator
C/qani Geelle Maxamed ahna Guddoomiyaha Guddiga isku dhafka ah ee doorashada
Madaxweynaha Soomaaliya oo furay kulanka ayaa Xildhibaanada iyo Musharaxiinta
waxa uu sharaxaad ka siiyay qaabka ay u dhaceyso.
Khudbadahamusharixiinta kadib, Guddoomiyaha Guddiga 10-aad ee Doorashada Madaxweynaha JFS
ayaa ka codsaday Xildhibaanada Labada Aqal ee BFS inay soo xaadiraan Khudbadaha
Musharixiinta ee lagu wado in maalinta khamiistan ah la qabto, taasoo ah
maalinta ugu dambeysa ee Khudbadaha Musharaxiinta Soomaaliya.
Guddiga
doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa go’aamiyay in doorashada madaxweynaha
tobnaad ee JFS ay dhici doonto 15-ka May 2022 oo ah maalin Axad ah, kuna beegan
maalinta doorashada.
20 out of 39 presidential candidates have on Wednesday concluded giving their manifesto speeches before the two chambers of Parliament. 19 remaining candidates including 2 former Presidents and incumbent President will deliver their speeches on Thursday.#Somalia pic.twitter.com/eRxV2xpV6a
— SNTV News (@sntvnews1) May 11, 2022
Comments
Post a Comment