Baaritaanka Yurub ee Shabakadaha Ikhwaanu Musliimiinka Hogaamiyayaasha iyo hay'adaha ammaanka ee Yurub ayaa muujinaya isbedel weyn oo ku yimid sida ay ula socdaan kana doodaan dhaqdhaqaaqyada Ikhwaanu Musliimiinka. Sida lagu xusay warbixin dhawaan uu daabacay wargeyska Le Pont de Genève ee dalka Switzerland, dooda bulshada iyo midda siyaasadeed ee Yurub ayaa si cad uga weecanaysa eedeymihii taariikhiga ahaa ee xagjirnimada iyo rabshadaha. Bedelkeeda, mas'uuliyiinta ayaa hadda diiradda saaraya fahamka shabakadaha saameynta, maalgelinta hay'adaha, iyo ururada bulshada ee lala xiriiriyo kooxdan. Istiraatiijiyaddan isbedeleysa ayaa si degdeg ah u noqoneysa mowduuc udub dhexaad u ah doodaha siyaasadeed ee dalal dhowr ah oo dimuqraadi ah. Sida uu iftiimiyay wargeyska Talyaaniga ee Il Sole 24 Ore , dooda ballaaran ee Yurub ayaa si aad ah u eegaysa "istiraatiijiyadda saameynta" ee Ikhwaanu Musliimiinka, iyadoo sharci-dejiyayaashu ay falanqeynayaan sida ururada xiriir...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay guddiyada howlkarnimada leh ee ay ka soo shaqeeyeen hannaanka doorashada, xilli uu khudbad ka jeediyay munaasabadda oo ka dhacday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Guddoomiyeyaasha labada gole ee BFS Mudane SheekhAadan Maxamed Nuur iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Wasiiro, Xildhibaano, iyo marti sharaf kale ayaa ka soo qayb galay munaasabadda.

Comments
Post a Comment