MadaxweynahaJFS Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka Taleefanka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken.
Madaxweyne
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Blinken kala hadlay sidii loo wanaajin lahaa
xiriirka iyo iskaashiga labada dal, wuxuuna Madaxweynaha ku ammaanay dowladda
Mareykanka taageerada ay la garab taagan tahay shacabka iyo dowladda
Soomaaliyeed.
Qoraal ka
soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka talefoonka wada hadal kula
yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Maraykanka, Mudane Antony
Blinken, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Labada Dal.
Madaxweynaha ayaa Dowladda Maraykanka uga mahad celiyey taageerada ay u fidiso
Dowladda Federaalka Soomaaliya.”
President @HassanSMohamud held a telephone conversation with the US Secretary of State @SecBlinken today. The President thanked the US government for its continued support to #Somalia. He also reiterated his government's commitment to further strengthening ties with the @USA. pic.twitter.com/aQhk8exRcT
— SNTV News (@sntvnews1) May 25, 2022
Comments
Post a Comment