Xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya oo soo hagaagayay. Kadib soo laabashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Joe Biden ayaa oggolaaday qorshe ciidamo
Mareykan ah loogu soo diri lahaa Soomaaliya, taasoo meesha ka saartay amarkii
madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ee ahaa in ciidamada Mareykanka
laga saaro Soomaaliya Janaayo 2021.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay warka ku saabsan in ciidamada Mareykanka ee sida gaarka ah u tababaran ay mar kale dalka ka howlgali doonaan si ay gacan uga geystaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo dhigay
bartiisa twitter-ka Talaadadii, ugu hambalyeeyay madaxweynaha Mareykanka Joe
Biden, isagoo ku tilmaamay Mareykanka "saaxiibka daacadda ah ee
dadaalkeenna ku aaddan xasilloonida iyo dagaalka ka dhanka ah
argagixisada."
The President of the Federal Republic of Somalia H.E @HassanSMohamud thanks and appreciates H.E @JoeBiden for authorizing the deployment of American troops to #Somalia, the State House, @TheVillaSomalia has announced. pic.twitter.com/mFJ7iHXj7B
— SNTV News (@sntvnews1) May 17, 2022
Saraakiisha Mareykanka ayaa isku raacay in
sugitaanku uu qarash badan ku bixi doono, iyagoo ku micneeyay go’aankooda ah in
wax ka yar 500 oo askari ay u soo diraan Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah
“joogitaanka joogtada ah”.
Tan iyo bishii December 2020 go’aankii lagu soo
afjaray howlgallada ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, Al-Shabaab waxa ay “si
murugo leh u sii xoogeysatay”, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad oo
ka hadlay xaaladda cusub ee ogolaanshahan cusub.
Sarkaalka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay kordhiyeen
weerarada, gaar ahaan beegsiga shaqaalaha Mareykanka. "Waxaan ka baqaynaa
in goobta dagaalka ee Al-Shabaab iyo jihaadka dhaqaale ay fursad u siiso kooxda
inay maleegaan oo ay ugu dambeyntii fuliyaan weeraro dibadeed."
Antony Blinken oo ah sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka asagoo madaxweynaha qadka telefoonk kula Hadley ayaa bartiisa Twitter-ka ku yiri "Wacitaanka maanta ee uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ahaa mid faa'iido leh. Waxaan ugu hambalyeeyay doorashadiisa, wuxuuna ku celiyay Mareykanka taageerada uu siinayo Soomaaliya dadaallada dib u heshiisiinta, amniga, iyo isbeddelka dhaqaalaha."
Useful call today with Somali President @HassanSMohamud. I congratulated him on his election and affirmed the United States’ support for reconciliation, security, and economic reform efforts in Somalia.
— Secretary Antony Blinken (@SecBlinken) May 25, 2022
Comments
Post a Comment