Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu maanta gaaro magaalada Baydhabo, iyadoo ammaanka la adkeeyay.
Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta gaaro magaalada Baydhabo, iyadoo ay la socdaan dadweyne aad u badan oo isugu jira xildhibaanno, wasiirro iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.
Ammaanka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee
maamulka Koonfur Galbeed ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana lagu xardhay boorar
ay ku xardhan yihiin sawirrada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo waddooyinka
lagu qurxiyo.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo
qeybaha bulshada ayaa isku diyaarinaya soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya. Wafdigan
oo horudhac u ah, ayaa waxaa shalay Baydhabo gaaray mas’uuliyiin ka tirsan
Madaxtooyada, Xildhibaano, iyo mas’uuliyiin kale.
PICTURES: #Baidoa town of Somalia’s #Southwest State is getting ready to welcome President @HassanSMohamud as the city will be the first place the President to visit since his re-election on 15th May.#Somalia pic.twitter.com/VI5NB0ciyd
— SNTV News (@sntvnews1) May 30, 2022
Comments
Post a Comment