Guddiga Doorashooyinka FEIT oo go’aansadey in hor shahaadada xildhibaanimo laga guddoonsiyo xildhibaan kasta la soo doorto.
Guddiga FEIT ayaa go’aansadey in shahaada xildhibaanimada la guddoonsiyo xildhibaan kasta oo soo marey habraaca doorashada iyadoo muddo loo qaban. Waxa hadda shahaadada xildhibaanimo laga gudoonsiyey afar hildhibaan kuguuleystey kuraasaha GSH119, AS35, GSH79 iyo GSH230.
Sidoo kale Jimcadan waxaa la doortay 8 ka mid ah
16-da kursi ee Jubbaland ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. Labo
xildhibaan oo dumar ah ayaa ka mid ah xubnaha maanta la doortay.
The electoral delegates in El-Wak town have on Friday elected 8 out of #Jubbaland’s 16 remaining seats to House of People of Federal Parliament. Two female MPs are among today’s elected members.#Somalia pic.twitter.com/n6Pl3iYqSJ
— SNTV News (@sntvnews1) April 22, 2022
“Guddiga FEIT waxay go’aamiyeen in la siiyo shahaadada xildhibaan kasta oo maray habraaca doorashada, lana soo doortay, iyadoo aan muddo loo qaban, si ay uga qayb galaan doorashada guddoonka Baarlamaanka, bulshada Soomaaliyeed-na ay hesho metalaad dhab ah oo gole joog ka noqota go’aannada masiiriga ah ee waddanka iyo dhammeystirka doorashada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga.
Comments
Post a Comment