Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Kala-xirnaanta Marinka Hormuz: Khatarta ka dhalatay Go’aanka Iiraan iyo Saamaynta Suuqa Shidaalka Dunida

  Khatarta ka dhalatay Xiritaanka Marinka Hormuz iyo Saamaynta Suuqa Shidaalka Go’aanka ay dowladda Iiraan ku dhowaaqday ee ku aaddan in la xiray Marinka Hormuz ayaa dhaliyey hadal-hayn xooggan iyo baqdin weyn oo laga qabo inuu khalkhal xooggan galo suuqa tamarta ee caalamka. Marinkani waa halbowlaha ugu muhiimsan ee loo maro dhoofinta shidaalka iyo gaaska dunida, waxaana maalin walba mara qiyaastii boqolkiiba labaatan ee sahayda shidaalka caalamka laga isticmaalo. Tallaabadan ay qaadeen ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa timid xilli ay cirka isku shareertay xiisadda kala dhaxaysa quwadaha reer Galbeedka, taas oo keentay in maraakiibta shidaalka qaada ay bilaabaan inay ka baaqsadaan maraan halkaas iyagoo ka cabsi qaba weeraro ama in la qafaasho. Saamaynta Dhaqaalaha iyo Qiimaha Shidaalka ee Dunida Khatarta ugu weyn ee ka dhalanaysa xiritaanka marinkan ayaa ah sare u kaca degdega ah ee ku imaanaya qiimaha shidaalka cayriin ee suuqyada caalamka, maadaama yaraanta sahaydu ay hors...

Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Ruushka u qaabilsan Bariga dhaxe iyo wadamada Afrika oo nuqul ka mid ah warqada aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Soomaaliya u magacowday dalkaas.

 



Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka ee Xiriirka Ruushka  dalalka Bariga Dhexe iyo Qaaradda Afrika ahna Wasiir Ku -xigeenka Arrimaha Dibadda ee Ruushka ML   Bogdanov ayaa qaabilay safiirka Jamhuuriyadda Federaalka ee  Soomaaliya u magacowday  dalka Ruushka Xasan Cabdi Daaud.

 Safiirka ayaa nuqul ka mid ah warqadahiisa aqoonsiga Safiirnimo waxaaa guddoonsiiyay Erayga gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka u qaabilsan Bariga dhaxe iyo Dalalka Afrika. Dhinacyada ayaa diiradda isla saaray xiriirka qotada dheer ee u dhaxeeya labada wadan ayaga oo xoogga saaray wada-hadalka siyaasadeed iyo ballaarinta xiriirka ganacsi iyo midka dhaqaale ee labada dhinacba.

 Waxaa sido kale labada dhinac ay si xiiso leh uga wada hadleen kor u qaadista geeddi -socodka bulshada iyo siyaasadda Soomaaliya Isla mar ahaantaana, dhinaca Ruushku wuxuu xaqiijiyay taageerada joogtada ah ee dadaallada ay Soomaalidu ugu jirto samaynta hay'ado dimuqraadi ah oo awood leh si loo xaqiijiyo jiritaanka dhuleed, amniga iyo madaxbannaanida dalka.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Afrika Oo Iskaashanaysa: Dagaalka Laga Galay Xididka Argagixisada Iyo Doorka Muhiimka Ah Ee Kenya

  Go'aanka Kenya ee lagu mamnuucay Ikhwaanul Muslimiinka iyo hoggaaminta geesinimada leh ee Madaxweynaha Muslimka ah ee Burkina Faso ee ka dhanka ah argagixisada Islaamka, waxay caddayn u yihiin in qaaradda Afrika ay si mideysan u hor istaagtay jihaadka caalamiga ah. Ikhwaanul Muslimiinka Iyo Mishiinka Aragtida Xagjirka Ah Tallaabada Kenya ee lagu mamnuucay Ikhwaanul Muslimiinka waxay si toos ah ula tacaalaysaa aragtida aasaasiga u ah kooxaha argagixisada ee gobolka. Ikhwaanul Muslimiinka ma ahan oo kaliya koox siyaasadeed, balse waa mishiinka aragtiyeed ee ka dambeeya Al-Shabaab, Boko Haram, iyo xagjirayaasha kale ee dhibaatooyinka ka wada qaaradda Afrika. Fikradda Ikhwaanka ayaa ah tan siinaysa kooxaha argagixisada awood ay ku: Xasillooni darrada ka wadaan dalalka. Ka faa’iidaystaan faqriga si ay u qoraan xubno cusub. Dhalinyarada ka dhigaan xagjir iyagoo ka faa’iidaysanaya shucuurta diiniga ah. In la mamnuuco Ikhwaanka waxay la macno tahay in la gooyo xididka aragtiyeed e...

Privacy Policy