Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya oo booqashado kutagey dalka Masar ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha Masar Moustafa Madbouly iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada.
Maxamed Xuseen Rooble, Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo koox uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda Masar, halkaasoo ay si wanaagsan ugu soo dhaweeyeen Ra'iisul Wasaaraha Masar Moustafa Madbouly iyo mas'uuliyiin kale.
Booqasho uu ku tagay dalka Masar, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdiga la socda ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha Masar iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, iyadoo diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga saaxiibtinimo, iyo sidoo kale sidii kor loogu qaadi lahaa. deeqaha waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed, fududeynta safarka, ganacsiga, iyo maalgashiga.
Comments
Post a Comment