Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

Ra’isul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo war Murtiyeed kaso saarey Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka.

  

Sida ay lawada socdaan bulshada Soomaaliyeed,  Dalku waxa uu ku jiraa marxalad adag oo dhammaan hay’adaha Dastuuriga ah uu ka dhamaaday muddo-xileedkoodii caadiga ah loona baahanyahay in si xilkasnimo leh looga gudbiyo dalka marxaladan kala guurka ah.

Ra’iisul Wasaare  Maxamed Xuseen Rooble iyo Xukuumaddiisu waxa ay xilka fulinta ee Dalka la wareegtay xilli aad u adkaa oo Soomaaliya ay wajahaysay xiisado gudaha iyo dibadda ah, kuwaas oo keenay in lagu sigto in dalku uu ku noqdo burbur iyo colaado sokeeye.

Ra’iisul Wasaarahu isaga oo maanka ku haya mas’uuliyadda Qaran ee saaran waxa uu dadaal wayn ku bixiyay sidii dalka looga badbaadin lahaa marxaladaas adag, wuxuuna u hawlgalay sidii loo dajinlahaa Xiisadaha Gudaha iyo kuwa dibadda, iyadoo la ilaalinayo danaha Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiiradu waxeey ku guulaysteen toban bilood ka dib in uu muuqdo isbadal wayn oo ku yimid muuqaalka qaranka ee gudaha iyo dibadda, taas oo keentay in maanta dalka ay ka bilawdeen Doorashooyin nabdoon oo dhinacyadii kala fogaaday wada aqbalsanyihin, isla markaana si tartiib tartiib ah uu usoo noqonayo Cilaaqaadka dublamaasiyadeed ee ay Soomaaliya la leedahay dalalka dariska ah, Ururada iyo Dawladaha kale ee danuhu inagala dhaxeeyaan.

Tilaabooyinka xalinta mushkuladda gudaha ee uu qaaday Ra’iisul wasaaruhu waxaa ka mid ah hagaajinta wadashaqaynta Dawladda dhexe iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, furista masraxa siyaasadda, si Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee leh hanka  loogu diyaariyo jawi xasiloon oo ay aamini karaan, dhisidda kalsoonida Bulshada ee hanaanka Doorashooyinka iyo wadashaqaynta  saaxiibada beesha Caalamka ee na garab taagan.

Si la mid ah arrimaha Diblomaasiyadda.   Ra’iisul Wasaaraha isaga oo garawsan in aanay Soomaaliya wax dan ahi ugu jirin in uu xumaado xiriirka ay la leedahay dariskeeda iyo dunida inteeda kale, wuxuu dedaal ku bixiyay in Soomaaliya ay cilaaqaaad ku dhisan simanaan la yeelato dalalka muhiimka u ah, isagoo socdaal ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, sidaas oo kale wuxuu wadahadallo la bilaabay dalka Kenya iyo qaar ka mid ah wadamada Carabta kuwaas oo uu inagala dhaxeeyaan xiriirro dibliomaasiyadeed, amni ,ganacsi,waxbarasho ,ama marti galiya qaxooti iyo dad Soomaaliyeed oo deganaansho ku leh kuwaas oo ay mas’uuliyad ka saarantahay Dawladda Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in wada xaajoodyada lagu hagajinayo xiriirka dibadeed ee Soomaaliya ay yihiin kuwa dhawraya Madaxbanaanida iyo Siyaadda Qaranka Soomaaliyeed oo waajib

dastuuri ah uu ka saaranyahay Ra,iisul Wasaaraha iyo Xukuumddiisa, dhanka kalana xeerinaya Danaha Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo dhimista nooc kasta oo ah nacayb iyo colaad laga maarmi karo.

Dedaalada kor ku xusan waxa ay marayaan meel wanaagsan oo u baahan in horay loosii wado iyada oo yoolku uu yahay in R/Wasaaruhu gaarsiiyo kuna wareejiya Xukuumadda dhalan doonto ,Soomaaliya xasilooni ,nabad ah oo xiriir wangaagsan la leh dariskeeda iyo dunida inteeda kale. 

Hadaba, iyada oo ay socdaan shaqooyinkaas wanaagsan ayay soo muuqatay  baahida loo qabo jihaynta qaabka xil gudasho ee hay’adaha Dawladda marxaladda soo socota, sidaas awgeed,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah oo cuskanaya Qodobka 97-aad faqradiisa 1-aad ee Dastuurka KMG ah, awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman, waana hay’adda ugu sarreyso fulinta maamulka dalka.

Xukuumaddu waxa ay sidoo kale mas’uuliyad ka saaran tahay Dhaqangelinta shuruucda, sugidda nabadgelyada dalka, ilaalinta danaha dalka iyo Dadka Soomaaliya, sidaas la mid ah Dastuurka Qaran ayaa u xilsaaraya  Xukuumadda Federaalka ah wada-xaajoodyada la xiriira Kaalmada Dibadda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee laxiriira hishiisyada caalamiga ah.

Sida ku cad Qodobka 103 ee Dastuurka Jamhuuriyadda, inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul- Wasaaraha xilka haya iyo golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna  fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah taas oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada u fasaxaysa in ay si caadi ah u fuliyaan waajibadka Qaran ee Dastuurku saaray isla markaana Meesha ka saaraysa in wax hakad ah ku yimaado  shaqooyinka Dawladda.

Hadaba, iyada oo laga ambaqaadayo Qodobada Dastuuriga ah ee kor ku xusan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuu farayaa dhamaan hay’adaha Dawladda in ay si caadi ah u gutaan Waajibaadkooda shaqo si waafaqsan Dastuurka KMG ah, joogteeyaanna adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta  hantida iyo danaha guud ee Qaranka, iyagoo xusuusan isla markaana dhawraya go’aamadii uu horay usoo saaray Ra’isul Wasaaraha.

Higasho: https://www.facebook.com/1968423146722143/posts/3043715095859604/

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

Uganda iyo Imaaraadka Carabta Oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed iyo Iskaashiga Maalgashiga

  Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa magaalada Kampala ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo arrimaha diblomaasiyadda. Kulankan ayaa daba socda dadaallada joogtada ah ee labada dal ugu jiraan kobcinta xiriirkooda istiraatiijiga ah, iyadoo Imaaraadka Carabta uu yahay mid ka mid ah saaxiibbada waaweyn ee Uganda ee dhanka horumarinta dhaqaalaha iyo maalgelinta kaabayaasha. Xoojinta Iskaashiga Dhaqaale iyo Maalgashi Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo ballaarin lahaa maalgashiga Imaaraadka ee Uganda, gaar ahaan dhinacyada tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo wax-soo-saarka. Imaaraadka Carabta ayaa ah mid ka mid ah dalalka sida weyn u daneynaya suuqyada Afrika, iyagoo maalgelin xooggan ku sameeyay dalal badan oo qaaradda ah, Uganda-na waxay doonaysaa in ay ka faa'iid...

Guddoomiyaha Baarlamaanka Xirshabeele oo magacaabey guddiga qabashada doorashada Aqalka Sare.

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed,  Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle    ayaa magacaabay xubnaha Xildhibaanada golaha Wakiilada qabashada doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xubnaha uu magacaabay guddoomiye Luqmaan ayaa ka kooban 15 xubnood waxaana guddoomiyaha loo magacaabay Xildhibaan Faysal Axmedweli Xasan, halka guddoomiye ku xigeenkana loo magacaabay Xildhibaan Maxamuud Axmed Gacal. Xubnaha la magacaabay ayaa ka shaqeyn doona sidii Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle u dooran lahayeen Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadooda tahay Hirshabeelle. Halkan kaga bogo.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar , halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo qaadan doonta labo maalmood. Casumaad uu ka helay Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani, Madaxweynaha ayaa sahmin doona sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga guuleysta ee dhinacyada maalgashiga, diblomaasiyadda, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. “Booqashada Madaxweynaha waxa ay ku soo beegantay kadib markii MadaxweyneFarmaajo iyo Amiirka Qatar ay wadahadleen, waxaana ujeeddadu tahay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee labada dal, Qatar waxay door muhiim ah ka tahay dib u dhiska Soomaaliya” Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi, Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada, ayaa ka warbixiyay socdaalka Madaxweynaha. Agaasimaha ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda socdaalka Madaxweynaha ee ...

Privacy Policy