Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Hawlgallada Qarsoon ee Iiraan oo Ballaariyay: Xaqiiqda Cusub ee Amniga ee Yurub

  Xadka Difaaca: Sida Dalalka Yurub ay ula Dagaallamaan Iiraan iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed Booliska Faransiiska ayaa roondo ka sameynaya bannaanka safaaradda Iiraan ee Paris, iyagoo muujinaya tallaabooyinka amniga ee ku hareeraysan xarumaha diblomaasiyadeed ee Iiraan ee Yurub. Bilihii ugu dambeeyay, muuqaalka diblomaasiyadda caalamiga ah ayaa la kulmay isbeddel dhulgariir ah iyadoo hay'adaha sirdoonka Yurub ay sii xoojinayaan baaritaankooda ku aaddan Hawlgallada diblomaasiyadeed ee Iiraan Diiradda aan hore loo arag waxay timid iyadoo la dareemayo in caasimadaha qaaradda oo dhan ay sii kordhayaan in mudnaanta Heshiiska Vienna ay tijaabinayaan dhaqdhaqaaqyo qarsoodi ah oo sii kordhaya. Dadka siyaasadda dejiya, waagii dhacdooyinkan loola dhaqmayay sidii kuwo go'doon ah. khilaafaadka gobolka si rasmi ah ayaa loo dhammeeyay, waxaana lagu beddelay amar lagu ilaalinayo ciidda madaxbannaan ee Yurub ee ka dhanka ah hawlgallada qarsoon ee shisheeye. Marka la eego waxa dhawaan dhaca...

Ra’isul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo war Murtiyeed kaso saarey Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka.

  

Sida ay lawada socdaan bulshada Soomaaliyeed,  Dalku waxa uu ku jiraa marxalad adag oo dhammaan hay’adaha Dastuuriga ah uu ka dhamaaday muddo-xileedkoodii caadiga ah loona baahanyahay in si xilkasnimo leh looga gudbiyo dalka marxaladan kala guurka ah.

Ra’iisul Wasaare  Maxamed Xuseen Rooble iyo Xukuumaddiisu waxa ay xilka fulinta ee Dalka la wareegtay xilli aad u adkaa oo Soomaaliya ay wajahaysay xiisado gudaha iyo dibadda ah, kuwaas oo keenay in lagu sigto in dalku uu ku noqdo burbur iyo colaado sokeeye.

Ra’iisul Wasaarahu isaga oo maanka ku haya mas’uuliyadda Qaran ee saaran waxa uu dadaal wayn ku bixiyay sidii dalka looga badbaadin lahaa marxaladaas adag, wuxuuna u hawlgalay sidii loo dajinlahaa Xiisadaha Gudaha iyo kuwa dibadda, iyadoo la ilaalinayo danaha Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiiradu waxeey ku guulaysteen toban bilood ka dib in uu muuqdo isbadal wayn oo ku yimid muuqaalka qaranka ee gudaha iyo dibadda, taas oo keentay in maanta dalka ay ka bilawdeen Doorashooyin nabdoon oo dhinacyadii kala fogaaday wada aqbalsanyihin, isla markaana si tartiib tartiib ah uu usoo noqonayo Cilaaqaadka dublamaasiyadeed ee ay Soomaaliya la leedahay dalalka dariska ah, Ururada iyo Dawladaha kale ee danuhu inagala dhaxeeyaan.

Tilaabooyinka xalinta mushkuladda gudaha ee uu qaaday Ra’iisul wasaaruhu waxaa ka mid ah hagaajinta wadashaqaynta Dawladda dhexe iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, furista masraxa siyaasadda, si Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee leh hanka  loogu diyaariyo jawi xasiloon oo ay aamini karaan, dhisidda kalsoonida Bulshada ee hanaanka Doorashooyinka iyo wadashaqaynta  saaxiibada beesha Caalamka ee na garab taagan.

Si la mid ah arrimaha Diblomaasiyadda.   Ra’iisul Wasaaraha isaga oo garawsan in aanay Soomaaliya wax dan ahi ugu jirin in uu xumaado xiriirka ay la leedahay dariskeeda iyo dunida inteeda kale, wuxuu dedaal ku bixiyay in Soomaaliya ay cilaaqaaad ku dhisan simanaan la yeelato dalalka muhiimka u ah, isagoo socdaal ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, sidaas oo kale wuxuu wadahadallo la bilaabay dalka Kenya iyo qaar ka mid ah wadamada Carabta kuwaas oo uu inagala dhaxeeyaan xiriirro dibliomaasiyadeed, amni ,ganacsi,waxbarasho ,ama marti galiya qaxooti iyo dad Soomaaliyeed oo deganaansho ku leh kuwaas oo ay mas’uuliyad ka saarantahay Dawladda Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in wada xaajoodyada lagu hagajinayo xiriirka dibadeed ee Soomaaliya ay yihiin kuwa dhawraya Madaxbanaanida iyo Siyaadda Qaranka Soomaaliyeed oo waajib

dastuuri ah uu ka saaranyahay Ra,iisul Wasaaraha iyo Xukuumddiisa, dhanka kalana xeerinaya Danaha Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo dhimista nooc kasta oo ah nacayb iyo colaad laga maarmi karo.

Dedaalada kor ku xusan waxa ay marayaan meel wanaagsan oo u baahan in horay loosii wado iyada oo yoolku uu yahay in R/Wasaaruhu gaarsiiyo kuna wareejiya Xukuumadda dhalan doonto ,Soomaaliya xasilooni ,nabad ah oo xiriir wangaagsan la leh dariskeeda iyo dunida inteeda kale. 

Hadaba, iyada oo ay socdaan shaqooyinkaas wanaagsan ayay soo muuqatay  baahida loo qabo jihaynta qaabka xil gudasho ee hay’adaha Dawladda marxaladda soo socota, sidaas awgeed,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah oo cuskanaya Qodobka 97-aad faqradiisa 1-aad ee Dastuurka KMG ah, awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman, waana hay’adda ugu sarreyso fulinta maamulka dalka.

Xukuumaddu waxa ay sidoo kale mas’uuliyad ka saaran tahay Dhaqangelinta shuruucda, sugidda nabadgelyada dalka, ilaalinta danaha dalka iyo Dadka Soomaaliya, sidaas la mid ah Dastuurka Qaran ayaa u xilsaaraya  Xukuumadda Federaalka ah wada-xaajoodyada la xiriira Kaalmada Dibadda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee laxiriira hishiisyada caalamiga ah.

Sida ku cad Qodobka 103 ee Dastuurka Jamhuuriyadda, inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul- Wasaaraha xilka haya iyo golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna  fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah taas oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada u fasaxaysa in ay si caadi ah u fuliyaan waajibadka Qaran ee Dastuurku saaray isla markaana Meesha ka saaraysa in wax hakad ah ku yimaado  shaqooyinka Dawladda.

Hadaba, iyada oo laga ambaqaadayo Qodobada Dastuuriga ah ee kor ku xusan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuu farayaa dhamaan hay’adaha Dawladda in ay si caadi ah u gutaan Waajibaadkooda shaqo si waafaqsan Dastuurka KMG ah, joogteeyaanna adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta  hantida iyo danaha guud ee Qaranka, iyagoo xusuusan isla markaana dhawraya go’aamadii uu horay usoo saaray Ra’isul Wasaaraha.

Higasho: https://www.facebook.com/1968423146722143/posts/3043715095859604/

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Soomaaliya iyo Jarmalka Oo Xoojinaya Xiriirkooda

  Kulan Taariikhi ah: Xoojinta Iskaashiga Siyaasadeed iyo Dhaqaale ee Soomaaliya iyo Jarmalka Dowladdaha Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa si xooggan u ballaarinaya xiriirkooda laba geesoodka ah, iyagoo ka wada hadlay hindiseyaal cusub oo diblomaasiyadeed iyo dhaqaale. Kulan heer sare ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga siyaasadda iyo horumarinta si loo kobciyo is-dhexgalka iyo xasiloonida hay'adaha dowladda. Intii ay socdeen wadahadalladan istiraatiijiga ah, mas'uuliyiintu waxay muujiyeen in si dhab ah looga go'an yahay balaarinta wada-shaqeynta baarlamaanka ee u dhexeysa labada dal. Sidoo kale, madaxda ayaa ka hadlay fursadaha muhiimka ah ee lagu dhisayo iskaashi xooggan oo dhexmara ganacsiyada Soomaaliya iyo kuwa Jarmalka , iyadoo ujeedadu tahay in la kobciyo adkeysiga dhaqaalaha, la dhiirigeliyo maalgashiga maxalliga ah, lana fududee...

Hawlgallada Qarsoon ee Iiraan oo Ballaariyay: Xaqiiqda Cusub ee Amniga ee Yurub

  Xadka Difaaca: Sida Dalalka Yurub ay ula Dagaallamaan Iiraan iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed Booliska Faransiiska ayaa roondo ka sameynaya bannaanka safaaradda Iiraan ee Paris, iyagoo muujinaya tallaabooyinka amniga ee ku hareeraysan xarumaha diblomaasiyadeed ee Iiraan ee Yurub. Bilihii ugu dambeeyay, muuqaalka diblomaasiyadda caalamiga ah ayaa la kulmay isbeddel dhulgariir ah iyadoo hay'adaha sirdoonka Yurub ay sii xoojinayaan baaritaankooda ku aaddan Hawlgallada diblomaasiyadeed ee Iiraan Diiradda aan hore loo arag waxay timid iyadoo la dareemayo in caasimadaha qaaradda oo dhan ay sii kordhayaan in mudnaanta Heshiiska Vienna ay tijaabinayaan dhaqdhaqaaqyo qarsoodi ah oo sii kordhaya. Dadka siyaasadda dejiya, waagii dhacdooyinkan loola dhaqmayay sidii kuwo go'doon ah. khilaafaadka gobolka si rasmi ah ayaa loo dhammeeyay, waxaana lagu beddelay amar lagu ilaalinayo ciidda madaxbannaan ee Yurub ee ka dhanka ah hawlgallada qarsoon ee shisheeye. Marka la eego waxa dhawaan dhaca...

Wasiirka Difaaca Oo U Digay Mucaaradka

 Tallaabooyin Adag oo Loo Qaadayo Ilaalinta Xasiloonida Caasimadda Muqdisho Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee waqtigeedu dhammaaday, Axmed Macallin Fiqi, ayaa digniin adag u diray siyaasiyiinta mucaaradka isagoo uga digay in la qaado tillaabooyin ujeeddadoodu tahay in la carqaladeeyo amniga caasimadda Muqdisho. Ujeedada ugu weyn ee hadalkan ayaa ah in laga hortago abaabul kasta oo maleeshiyo hubeysan oo dhaawici kara xasiloonida magaalada. Wasiirka ayaa si cad u sheegay in xukuumadda federaalku aysan marnaba u dulqaadan doonin isku-day kasta oo hoos u dhigaya amniga guud, isagoo si gaar ah digniin u siiyay mucaaradka in ay iska fogeeyaan abaabulka kooxo hubeysan xilligan ay taagan yihiin xiisadaha siyaasadeed ee dalka. Wasaaradda ayaa caddeysay in haddii mucaaradku isku dayaan abaabul maleeshiyo, in si adag loola tacaali doono. Isagoo muujinaya qiimaha qaaliga ah ee lagu bixiyay nabadgelyada, wasiirku wuxuu xusay in naf iyo hanti badan loo huray sugidda amni...

Flydubai oo soo bandhigtay duulimaad toos ah oo isku xiraya Dubai iyo Muqdisho

Maalintii Khamiista ayay ahayd markii shirkadda diyaaradaha ee Flydubai ay bilowday duulimaad toos ah oo isaga kala gooshi jiray Dubai iyo Muqdisho. Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo degtay diyaaradii ugu horeysay oo nooceedu yahay Boeing 737 Max oo rakaab ka soo qaaday magaalada Dubai. The Minister of Transport and Civil Aviation, @fardowsaegal welcomed @flydubai ’s first flight to #Mogadishu ’s Adan Abdulle International Airport, on Thursday. The Airline will do daily flight connecting Mogadishu and #Dubai . #Somalia pic.twitter.com/T4W5lKLDch — SNTV News (@sntvnews1) March 9, 2023 Shirkadda ayaa horay u sheegtay in 14-ka Febraayo 2023 ay billaabeyso duulimaad toos ah oo u dhaxeeya Dubai iyo Muqdisho, iyadoo qorshuhu yahay in tiradaas la gaarsiiyo laba jeer maalin kasta 1-da June. , Jabuuti, Entebbe, Hargeysa, Khartoum, Juba, iyo Zanzibar ee Afrika. Adeeggan cusub ayaa lagu dari doonaa shabakadaas. Muqdisho waa magaalada labaad ee Soomaa...

Privacy Policy